Home Blog Page 1515

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA)Horjooge C/casiis Xasan Heybe oo maleeshiyada Shababaab u yaqaanaan (Bishaar) ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac)  oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.

Horjoogahan  ayaa da’diisa lagu qayaasaya 25-30 jir,kaasi oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay fikirka qaldan ee  Shabaab,waxaa sii kordhayay tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya,iyagoo u arka fursad ay ka faa’idaysan karaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay wefdi ka socda Bangiga Addunka

0

Muqdisho(sonna)–Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sh Cali Qaloocoow ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika Bella Bird.

Kulanka ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ee ay hogaaminaysay Bella Bird, waxay ka wada hadleen caawinta Soomaaliya iyo u kuurgalidda habsami u socodka hanaanka Maaliyadeed ee Dalka.

Mrs Bella oo maanta soo gaaratay Magaalada Muqdisho ayaa waxay Bangiga aduunka si gaar ah wakiil uga tahay Waddamada Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Batrooka iyo Heshiiska Isu-celinta Maxaabiista ee India iyo Soomaaliya

0

Muqdisho, 07 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hay’ada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka.

Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.

Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.

 

Yaan la daawan Xasuuqa loo geysanayo Rohingaha

0

Inta aanan gudagalin dulucda Warbixintani marka hore aan isweydiino maxay yihiin Rohingaha, inteese degaan iyo maxay diin ahaan aaminsan yihiin?

Rohinga waa bulsho Muslin ah, ku nool Waadanka Myanmar (Burma) gaar ahaan gobolka Arakan,waxeyna ka yihiin bulshada dalkaasi qiyaas ahaan boqolkiiba 4%, tiradoodana waxaana lagu qiyaasaa hal malyan oo ruux.

Wadanka myanmar ama Burma ayaa ah dhul aay asal ahaan soo xukumi jireen hogaamiyaal Islaam ah, gaar ahaan gobolka Arakan waxana iskaga dambeeyay xukunka 48 Sultaan oo Muslimiin ah sida lagu wariyay taariikhda, balse maanta dadka muslimiinta ah ee ku nool waa kuwa aan loo ogoleen in aay noqdaan muwaadiniin u dhashay dalkaas, kadib markii aay dowlada soo saartay sharciga Citizenship Law 1982,waxaaana lagu hayaa isir-tir oo aay hogaamineeso dowlada myanmar, iyadoo mar soo saartay amar sheegaya in muddo seddex sano ah aysan is guursan Karin Musliimiinta Rohinga, taasoo lagu micneeyay u jeedka amarkaas in aysan tarmin oo aay dabar go’aan.

Bulshadaan waxaa faquuqaan kuwa haya kuwa aaminsan diinta budhismka iyagoo kala kulma dhibaato aad u baaxad weyn sida taariikhda lagu hayana kuwa faquuqa maaha kuwa asal ahaan myanmar deganaa, waxaana la sheegaa in ay ka yimaadeen dooxooyinka u dhaxeeya Hindiya,Nepal iyo Shiinaha.

Barakicin ,guryahooda oo la gubo,gowrac,dumarkoodoo la kufsado, ayaa lagu hayaa waagii baryaba, malahan meel aay u baxsadaan mana heystaan meel ay ku nagaadaan,waxeyna inta badan u qaxi jireen dalka Bangladesh, inkastoo loo diiday markii hore, balse markii dambe waa loo ogolaaday inay soo galaan Dalkaasi.

Gobolka Arakan waxaa waqooyiga kaga dhagan dalka Bangladesh waana ka mamnuuc in ay u baxsadaan,dhanka galbeedkana waxaa ka saran gacan biyoodka Bangal oo ay ku suganyihiin ciidanka Bangladesh iyo kuwa Thailand oo aan u ogaleen in ay ku safraan.

Sannadkii 1978-kii ayay ahayd wakhtigii ugu horeeyay ay dhibka xasuuqa ah lagu bilaabay Muslimiinta Burma ilaa iyo haatana waa mid aan ka joogsan, waxaana markaasi iyo wixii ka dambeeyay la jideystay in la boobo hantidoodii ,waxaa la gubay masaajido fara badan, waxaa loo diiday in ay Hanti yeeshaan, waxaa loo diiday in ay waxbartaan, waxaa loo diiday in ay jaamacado galaan, waxaa loo diiday in ay dibadda waxbarasho u aadaan.

Xasuuqa muslimiinta Burma maaha mid ay aad uga hadlaan saxaafadda caalamiga ah iyo hey’adaha u dooda xuuqda aadanaha,waxaana ka hadlay oo ka dhiidhiyay arbacadi la soo dhaafay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan waxuuna yiri ’’Ma awoodno in aan kaligood ka tagno muslimiinta Rohinga’’.

Rohingya people wait outside the Kutupalong refugee camp to enter, cox’s bazar.

Madaxweynaha Dalkaasi, wuxuuna ka hadlay dhacdooyinka arxan darrada ee lagula kacayo Qowmiyadda Islaamka ah ee Rohinga, isagoo ugu baaqay in caalamku ay u kacaan sidii loo taageeri lahaa, “Waxa aad daawanaysaan xaaladda ay Burma Iyo dadka muslimiinta ahi ku sugan yihiin, waad aragtaan sida Guryahooda loo Gubayo” ayuu yiri, Madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale hay’ada Qaramada midoobay ayaa horey u sheegtay in ay yihiin muslimiinta Burma dadka laga tira badan yahay ee maanta dhibaatada ugu badan ku jira.

Qiyaas uu sameeysay Qaramada Midoobay iyo Ururka Muhaajriinta ayaa sheegaya in ka badan 150. Kun oo qaxooti Rohinga ah ay ka soo talaabeen xuduudda waqoyiga Myanmar, iyagoo nafta kala soo talaabay Wadanka Bangaladhesh laba Usbuuc gudahood.

Wadadamada kale ee ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah Dawlada Maldives, waxayna xiriirka iyadu u jartay Myanmar, waxaa kaloo ka hadlay arrintaasi xasuuqa Qowmiyadda Rohingaha Dawladda Iiraan iyo wadamo kale, waxaana la gudboon Xukumadaha Islaamka ah inay si weyn uga dhiidhiyaan waxyaabaha ka dhaca Wadanka Burma, loona gurmado Immaddaasi tabalaeysan.
W.D: C/laahi Ruush

Maamulka gobolka Jubba hoose oo dhagax dhigay xarun lagu daryeeli doono Caruurta Agoonta ah.

0

Muqdisho(SONNA):–Guddoomiyaha  Gobolka Jubbada hoose iyo gudoomiyaha degamada kismaayo ayaa waxa ay maanta si wada jir ah u dhagaxa dhigeen xarun lagu xanaaneen doono caruurta agoonta ah ee ku nool deegaanada jubaland,waxaan xaruntaasi dhismaheeda iska kaashanayo Dowlad goboleedka jubaland iyo hay’adda Agoonta ee Al-saqaaya.

Dhulka oo ku yaala duleedka waooqyi ee degmada kismaayo ayaa waxaa horey bixiyay madaxweynaha Dowalad gobaleedka jubaland Axmed Maxmed Islaam.

Gudoomiyha degmada kismaayo mudane Maxamed Ibaraahin Yuusuf Timo Jilic  ayaa sheegay in maamulka degmada kismaayo uu ahmiyad siinayo daryeelka caruurta agoomaha ee ku nool degmada kismaayo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Gobalka Jubbada hoose mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha ugu agoonta  badan, maadaam dagaaladii sokeeye ay dhibatooyin ku reebeen dadka iyo deegaanada Jubbaland.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Batrooka iyo Heshiiska Isu-celinta Maxaabiista ee India iyo Soomaaliya

0

Muqdisho, 07 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hay’ada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka.

Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.

Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.

Kama dambeysta tartanka degmooyinka oo la dheelli doonno xilli habbeen ah

0

Muqdisho (SONNA):- Madaxa cayaaraha maamulka gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarroow Wiish, ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, in kama dambeysta koobka degmooyinka oo loo ballansanaa galabta in loo dhiggay habeen dambe.

Wiish, ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii muddo kaddib Muqdisho loogu ciyaari lahaa waqti habbeen ah, waxa uu intaa ku sii daray inay heer gabogabo ah ay mareyso shaqadda nalleeynta ee garoonka Banaadir.

“Maamulka gobalka Banaadir, waxaa ka go’an horumarinta kubadda cagta gobalka, waxaan go’aansanay in la dheello xilli habbeen ah, 80%, waxaan ku kalsoonnahay in waqti habbeen ah la ciyaaro kama dambeysta koobka degmooyinka gobalka Banaadir.” Xasan Wiish guddoomiyaha cayaaraha maamulka gobalka Banaadir ayaa warkan u sheegay SONNA.

Waberi iyo Hodan ayaa noqon doonno 30-sanno kaddib kuwa ciyaaro waqti habbeen ah.

FG: Halkan ka dhageyso Wareysiga Xasan Wiish

 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo soo dhaweeyay Go’aankii Xukuumadda

0

Muqdisho (SONNA) Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee shalay, kuwaasi oo tilmaamay in Xukuumadda ay ku saxantahay go’aanka ay qaadatay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow iyo Xildhibaanno kale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda, waxaana ay tilmaameen in Xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga dalka.

Xildhibaannadan ayaa xusay in arrinta ay ku timid heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood, ayna muhiim tahay in la dhaqan geliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mudanayaasha ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin in Jamhuuriyadeeda ay ku dhuumaleystaan dad dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkooda.

Xarun lagu daryeelayo agoonta oo la dhagax dhigay magaalada Kismaayo

0

Guddoomiyaha  Gobolka Jubbada Hoose iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa waxa ay maanta si wada jir ah u dhgax dhigay xarun lagu xanaaneen doono carruurta agoonta ah ee ku nool degaanada Jubbaland, waxaan xaruntaasi dhismaheeda iska kaashanayo dowlad goboleedka Jubaland iyo hay’adda agoonta ee Al-Saqaayaa.

Dhulka laga dhisaayo xarunta xanaanada carruurta ayaa waxaa horey bixiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, dhulkaas ayaa waxaa uu ku yaala duleedka waqooyi ee Degmada Kismaayo.

Ugu horeen waxaa goobta dhagax dhigay, isla markaana ka hadalay Deeq Sheekh Xasan oo ka mida ah masuuliyiinta Hay’adda Al-Saqaaya ayaa sheegay in xarunta loogu adeegi doono bulshada, gaar ahaan carruurta agoonta ah.

Guddoomiyha Degmada Kismaayo mudane Maxamed Ibaraahin Yuusuf Timo Jilic  ayaa sheegay in maamulka Degmada Kismaayo uu ahmiyad siinayo daryeelka carruurta agoonta ee ku nool magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha gobalka Jubbada Hoose Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha ugu agoontaa badan maadaam dagaladii sokeeye ay dhibatooyin ku reebeen dadka iyo deegaanada Jubbaland.

     

Taliska qeybta 21aad oo kormeeray xarun ciidanka lagu tababaro

0

Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka iyo Sarakiil ka tirsan  ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kormer ku tagaay dugsi lagu tababaro ciidanka oo ku yaala  duuledka magalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Cabdulaahi Aadan Xuseen Ciro Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan AMISOM iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray  Dusiga tababarka ciidanka xoogga ee ku yaala deegaanka Gelinsoor, halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysteen saraakiisha ciidamada ee goobtaasi ku sugan.

Taliyaha iyo xubnihii la socday ayaa ujeedka kormeerkoodu la xiriirtay u kuurgelidda ciidamada ku sugan dugsiga tababarka, waxaana ay saraakiisha codsadeen in xarunta dib u dayactir loogu sameeyo, maadaama iminka lagu tababaro ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka Cabdulaahi Aadan Xuseen Ciro ayaa sheegay in dowladda ay wax ka qaban doonto dib  u dhiska xarunta oo uu arrintaasi u gudbin doono talisyada ka sareeya, si xarunta loou diyaariyo hanaankii uu lahaa dugsiga tababarka Gaas 11aad.