Home Blog Page 1515

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay sameynta dallad dhaqaale oo ay ku mideysanyihiin dalalka Geeska Afrika

0

Khartuum(SONNA)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Zaynab Cabdi Macalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasna, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo Khartuum lagu soo dhaweeyey

0

Suudaan(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee maanta ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Wasiir Dowlaha arrimaha Dibada  ee Sudan  Hamid Mumtaz oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona labo maalmood uu salka ku hayo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Sida ay SONNA u xaqiijiyeen xubno katirsan wefdiga Madaxweynaha,waxaa lagu  wadaa labada dhinac in ay ka wada hadlaan Arrimaha ay kamidka yihiin dhinacyada Siyaasadda,Dhaqaalaha,Amaanka iyo dhinaca dib lomaasiyadda,iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan laheyd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka,iyagoo kala saxiixandoona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirada arrimaha dibadda,Dhallinyarada iyo Isboortiga,xanaanaa  Xoolaha, Beerahah,Waxbarashada,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, lataliyaha arrimaha dibadda ,Xildhibaano iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa lafilayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi,islamarkaan uu uga warbixin doono horumarka kajira Soomaaliya.                           

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray suuqa Xoolaha “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah dadka xaafadda iyo ganacsatada halkaasi ku ganacsata.

Guddoomiye Cabdixakiin ayaa ujeedka kormeerka uu ku tega Xaafada Suuqa xoolaha ay taha sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda Nololeed, tan ami iyo midda Ganacsi ee kajirta Suuqa, isagoo arrimahaasi ka xogwareystay qaar kamid ah ganacsatadii uu suuqa kula kulma.

“Waxaa maanta Kormeer Shaqo ku tegay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa si aan ugu kuurgalo xaaladda nololeed iyo mida ganacsi ee halkaasi ka jirto, waxaan aad ugu faraxsanahay in deegaankaasi uu ka jiro horumar ganacsi oo isasoo tarayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Heliwaa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid dadka deegaanka oo ku shaahiyaynayay Waddada hareeradeeda kuwaasi oo uu ka xogwareystay xaaladda ay ku suganyihiin.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in ka maamul ahaan uu xoogga saarayo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa shacabka degmada, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay sida dadka deegaanka ay maraksta xogta ula wadaagaan Hey’adaha ammaanka, taasi oo suurta gelisay in si wada jir ah looga qeyb qaato xoojinta nabadgelyada.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii markale ka codsaday shacabka inay ka shaqeeyaan Nabadda, maamulkuna uu ka shaqeyn doono sidii degmada ay u noqon lahayd kuwa ugu horumarsan caasimadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Maanta kormeeray Wasaaradda Maaliyadda “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow  iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare Kheyre ayaa Ujjeedka Booqashada uu ku tagey Xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa ah siddii uu ugu kuur gali lahaa Shaqada Wasaaradda ka socota iyo Hanaanka Shaqo ee Shaqaalaha.

Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri galiyey  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee Bulshadda Soomaaliyeed ay u Hayaan , in ay sii laba jibaaraan ayuuna ugu baaqay.

 

 

 

Kooxo Soomaali ah oo tartan kubadda cagta ah kuwada Ciyaaray Dalka Masar “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Tartankaan oo ay kasoo qeyb galeen ilaa afar kooxood oo ka wada dhisan xaafadda soomaalida ay u badan tahay  ee Ardu  luuba la yiraahdo oo ku taalla Magaaladda Qaahira ee Dalka Masar ayaa waxa ku guuleystay koobka kooxda brothers all stars, kuwaasi oo 5-2 kaga badiyey kooxda Tawakal oo kulankii kama danbeeysta ahaa  xalay wada ciyaareen.

Koobkan oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Qunsulka Safaaradda  Mudane Towfiiq Axmed oo goob joog ka ahaa kulamdii lasoo ciyaaray oo idil ayaa waxa uu dhalinyaradda Ururka Sooyaal ku dhiira galiyey inay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

“aad baan ugu faraxsanahay inaan kasoo qeyb galo tartan kubadda cagta oo ay soo qaban qaabiyeen Urur dhalinyaro ah, kuwaasi oo jecel iney u addeegaan Bulshadda xaafada Ardu luuba Degan, waxaana idinku dhiira galinayaa in dadaalkiinna uu kaliya noqon mid kooban, waxan u hambalyo u diaraya kooxda brothers all stars oo nasiib u yeelatay in koobka ay ku guuleystaan waxaana dhalinyarada kooxda Tawakal ee laga badiyay leeyahay tani waa bilow fiican, waxaana insha allah dhici doono koobab kasii ballaaran ee haka niyad jabina ciyaaraha”. Ayuu yiri Mudane Towfiiq Axmed

Tartankaan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee loo qabto dhalinyarada ciyaaraha ee Magaalada Qaahira, waxana uu gogol dhig u yahay tartamo kale oo si guud loogu qaban lahaa dhammaan kooxaha kasoo jeeda xaafadaha ay soomaalida dagan yihiin ee qaahira.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo bogaadiyay Madaxda iyo howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow  iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare Kheyre ayaa ujeedka booqashada uu ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ay ahayd sidii uu ugu kuur geli lahaa shaqada Wasaaradda ka socda iyo Hanaanka Shaqo ee ay Shaqaalaha u shaqeynayaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri geliyey  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna booriyay inay sii labo jibaaraan howsha Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Khartuum

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Zaynab Cabdi Macalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasna, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

 

Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare iyo  Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo kulan yeeshay

0

Muqdisho (SONNA)  Kulanka ay yeesheen Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare iyo wasaarada batroolka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka saree e Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda batroolka iyo xubnihii la socday,  waxayna ka warbixiyeen Shidaalka dalka Soomaaliya ku jira , deegaanada lagu qiyaasay, heshiisyada baarista Shidaalka iyo Shirkadaha ka howl galaya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka Xukuumada federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa u sheegay warbaahinta qaranka kulanka in uu ahaa mid Wasaarada shaqada ay qabato iyo halka wax u marayaan  wax looga weydiinayay wasaaraduna ay sharaxaad buuxda guddiga ka siisay.

Mudane ilyaas Cali Xasan, Guddoomiyaha  Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigooda uu ahaa mid xog raadin ah, Wasaaraduna ay si wanaagsan warbixn iyo su’aalihii la weydiiyay uga jawaabtay.

Guddiga kheyraadka qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa wada sidii uu xiriir ula samayn lahaa Wasaaradaha ay quseyso Howshooda, si Guddiga  xog uu u helo.

 

 

 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka gaashaandhigga oo gaaray Magaaladda Baledweyne

0

Muqdisho (SONNA) Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Gaanshaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiir Cabdullaahi Colaad waxaa kamid ah Xubno Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka kamid ah iyo Xubno ka kala socda UN ka iyo AMISOM.

Ujeedka Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ah qiimeynta Xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dardar galinta Howlgalada Nabad diidka Kooxda Alshabaab lagu beegsanayo sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uu u sheegay Wasiirka Ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dhiseyso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana Safarka Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandhigga  qeyb uu ka yahay dardar galinta qorshaha dhisada, tayeynta iyo dhiiri galinta Ciidamada Qaranka.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo deeq dhar ah gaarsiisay Maxaabiis Soomaaliyeed

0

Toddoba dhalinyaro Soomaali ah oo dhameystay xukunno 8 sano ah oo xabsi ah  ayaa deeq dhar ah oo dhiirri gelin ah, waxaa gaarsiiyay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, ahna Qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

Dhalinyarada ayaa marka hore warbixin ka siiyay Cali Bagadi muddada ay Xabsiga Kamtiti ee duleedka magaalada Nairobi ku jireen iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, iyagoo ka mahadceliyay booqashada uu ugu tagay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee safaaradda.

Qaar ka mid ah Dhalinyaradan oo lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney xoriyaddooda dib u helaan,  iyagoo aad uga mahadceliyay booqashada Cali Bagadi iyo deeqda uu gaarsiyayba.

Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka guud ee safaaradda  ayaa sheegay in tani aysan aheyn markii u horreysay oo uu maxaabiis Soomaaliyeed ku booqday xabsigan.