Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka baaqday safar dalka Turkiga ah

Date:

Muqdisho, 15 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed baroordiiqda ula wadaago.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ka baaqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo rasmi ah la lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.

—DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...