QM “Kooxda Argagixisada Shabaab fal xun ayay u geysteen shacabka

Date:

Muqdisho(SONNA) Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa iyo caalamka ayaa si kulul u cambaareyey qarixii bahalnimada ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska siysaadadda ee QM ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in QM ay ay siweyn u cambaareynayso falkasi wuxuushnimada ahaa,sheegayna in argagixisada Shabaab ay ficil xun sameeyeen.

Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig,ayaa ka hadlay dhacdadii naxdinta lahayd oo Shabaab ay u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan,isagoo u rajeeyay kuwa dhaawacyada soo gaarey in ay bogsoodaan.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Mar Keating ayaa yiri” Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn.

Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu hadalkiisa raaciyay Wakiilka QM ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...