QM “Kooxda Argagixisada Shabaab fal xun ayay u geysteen shacabka

Date:

Muqdisho(SONNA) Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa iyo caalamka ayaa si kulul u cambaareyey qarixii bahalnimada ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay xafiiska siysaadadda ee QM ee Somaaliya ayaa lagu sheegay in QM ay ay siweyn u cambaareynayso falkasi wuxuushnimada ahaa,sheegayna in argagixisada Shabaab ay ficil xun sameeyeen.

Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig,ayaa ka hadlay dhacdadii naxdinta lahayd oo Shabaab ay u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan,isagoo u rajeeyay kuwa dhaawacyada soo gaarey in ay bogsoodaan.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Mar Keating ayaa yiri” Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn.

Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu hadalkiisa raaciyay Wakiilka QM ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...