Shacabka oo wada gurmad loo fidinayo dadka qaba dhaawacyada ee kujira Isbitaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Dad Shacab ah ayaa buux dhaafiyay Isbitaallada iyo sidoo kale Isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha SONNA qaarkood oo halkaasi tagay, Waxaa jira dad badan oo ilaa iyo hadda geeri iyo nolol aan gacanta lagu heyn.

Dadka Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ka maqan ay ugu war dambeysay Shalay ,islamarkaana qaarkood ay ku sugnaayeen Isgoyska Soobe.

Sidoo kale dadka buuxdhaafiyey Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa doonaya in ay dhiig ugu deeqaan dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarka Argagixisanimo ee shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan dowladda oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaapit Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa gaaray Isbitaalada qaarkood, iyaga oo dhiigooda ugu deeqay dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...