Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Kaamerada Masawirka.

Date:

Inta aysan soo ifbixin kaamerooyinka Masawirka Negative-ka,Cddeybta, nadiifinta ,dhaqidda iyo jarjaridda,daabacaadda iyo dhinacyada kale,waxaa dunida hormuud u ahaa Farshaxnka,kaas oo loo maleynayo in uu bilowday xilligii fufka.

Farshaxanku wuxuu ahaa mid isticmaalkiisa ku koobnaa  qoysaska boqortooyada ah iyo maalqabeenada oo keliya, hasa yeeshee, hindisaha sawirku wuxuu bilowday qarnigii 15-aad  waxaana si buuxda loo dhameystiray sanadkii 1839-kii.

Sanadkaasi oo loo aqoonsaday qarnigii dhalashada dahabka,sababtoo ah waqtigaasi wixii ka horeeyay waxaa lagu sawiri jiray farshaxan oo ay awood u lahaayeen dadka sare.

Guulihii laga gaaray sawirka ma aheyn mid ku yimid si kedis ah ama si  fudud,ee wuxuu ahaa mid isi soo  tarayey oo soo maray heerar kala duwan.

Inta aan u gallin taariikhda kaamerooyinka masawirka,waxaan isku dayeynaa in aan jawaab u helno waa maxay masawir?

Kalmadda masaawirka asalkeedu wuxuu ka yimid afka Giriigga qarnigii 13-aad ,waxaana ereyga loo macneeyaa photo oo ah if iyo Graph-eyn oo ah duubis ,sidaa daraadeed waxaa si joogto ah loo bilaabay hindisaha sawirka qarnigii 15-aad .

Tusaale ahaan qolka mugdiga ah (Camera Obscure)wuxuu ahaa mid aqoon fiican loo lahaa xilliyadii Giriiggii hore.Qaabkii uu lahaa ee ugu horeeyay wuxuu ahaa mid fudud oo ah duleel yar iyo iskiriim wax lagu arko.

Haddaba, sanadku markuu ahaa 1822-kii ayaa nin u dhashay wadanka Faransiiska laguna magacaabo Nisafoore Niibsi,wuxuu hundisay dhameystireyna siyaabaha Iftiinku u qabto Negative-ka

Sanadkaasina waxaa loogu magic daray snadkii dhalashada sawirka maanta ,waxaana si buuxda loo dhameystiray hindisaha sawirka sanadkii 1839-kii

Sanadkaasi waxaa la sameeyay habka positifka waraaqadaha Lagu caddeeyo,kaas oo la magac baxay habka Luwis Daguweero.

BIloWGII SAWIR QAADISTA

Markii ay farshaxanadu bilaabeen adeegsiga sawir gacmeedii soo hanaqaaday xilligii Fufka ayeey  heleen qolka madow (Camera Obscure,Waxaana la rumeysan yahay in ikhtiraacyadii Carabta ee qarnigii 10-aad ay qolka madow u adeegsan jireen ama ay ku fiirin jireen Qorax madoobaadla.

Wuxuuna ku koobnaa qol mugdi ah oo leh dalool aad u yar oo uu ileysku ka soo galo ,kuna aadan meel derbigu ku dhacayo muqqalka isagoo rogan,kana imaanayo dhinaca ka soo horjeedda ee dibadda.

Arintaasina waxaa sii buun-buuniyay Abul Xasan Bin Al-heysam,sanadkii 1030-kii,wuxuuna ku min guuriyay qoraaladiisa oo yaalla matxafka magaalada London,sidaa daraadeed wuxuuu hindisaha sawirka si joogto ah u bilowday qarnigii 15-aad,iyadoo la bilaabay hindisaha oranaya muuqaalku wuxuu ku habeysmaa qol yar oo mugdi ah.

Arintaasina waxaa si joogto ah u macneeyay Lenardo Davinji oo ka mid ahaa farshaxanadii dalka Talyaaniga isagoo yiri’haddii qol yar oo mugdi ah afartiisa dhinac mid ka mid ah duleel yar iftiin ka so galo waxaa ka dhasha muuqaal yar oo caadi ah ,run ah ,midab leh oo foorarsan.

Haddaba,Nisafoore Niibsi ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay sawir ka qaada dabeecadda,isagoo humaag ku dul sameeyay saxan dushiis,isticmaalayana qol mugdi ah ,kaas ayuuna ahaa sawirkii ugu horeeyay ee dhabta ahaa ee waara illaa iyo markii ugu horeysay ee la bilaabay sawir qaadista.

SOO IFBIXII NEGATIVE-KA

Nicefoore Niibsi ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee soo saaray Negative-ka,laakiin wax soo saarkaasi ma aheyn mid horumarsan,sidaa aawadeed ,sawir qaade Ameerikaan ah oo lagu magacaabo  Goerge Estman ayaa ku  guuleystay in uu soo saaro filimka duuban ee jilicsan sanadku markuu ahaa 1884-tii,filimkaasina wuxuu ahaa mid warqad taageersan .

Muddo ka dib waxaa u suurtagashay in uu soo saaro filimka loo isticmaalo kaamerada ,wuxuuna siiyay magaca ah Kodak.

Filimkii ugu wanaagsanaa xagga If gudbinta,waxaa soo saaray Rev.Hannibal Goodwin ,wuxuuna ku guuleystay in uu hormariyo habka ah ku dahaaridda Beys(celulos Naytareyt ),isagoo raacsiinaya xeydh.

Sidoo kale qarnigii 19-aad bilowgiisii Tomas Weogwood,ayaaa wuxuu sameeyay Negativ-ka ,isagoo warqad ku dhaqaya isku dhis Silver Nayterayt ah ,una dhigaya sawir gacmeed warqad ka sareyso ,ka dibna u dhigaya qoraxda.

Wedgwood ,wuxuu ogaaday in qeyb ka mid ah muuqaalka sida lagu heli karo ay tahay sawirka caddaanka iyo madowga ah .

Ordinary Filis ayuu ahaa filimaadkii ugu horeeyay ee uu soo saaro .Filimadaasi waxaa xasaasiyadoodu aheyd mid xoog u leh ileyska Buluugga ah,waxaana loo isticmaali jiray filimada mararka la sawirayo meelaha ay ku badan yihiin ileyska ka sareeya Infarared.filimadaasuna xasaasiyadoodu weey ku yareyd midabada kale.

NUUCYADA KAAMEROOYINKA

Inkastoo Kaamerooyinka loo kaala saari karo kooxo fara badan marka loo eego xajmiga sawirka ama dabeecadaha shaqadooda ,hadddana Kaamerooyinka guud ahaan waa isku mid ,haddana waxay wadaagaan qeybahaan soo socdsa:-

1-Lenis.

2-Lenis Diaphram.

3-Shulter.

4-View Finder.

Intaas waxaa dheer in dhammaan Kaamerooyinka marka laga reebo kuwa ugu sahlan ay leeyihiin qaab lagu bad-baddallo fogaanshaha u dhaxeeya Lensiska iyo filin Plane  ,taasoo ku xiran fokaska muuqaalka filinka ku dhacaya

Kaamerooyinka waxay u kala baxaan sidatan:-

1-kaamerooyinka  autofocus

2-kaamerooyinka qaabka yar

3-kaamerooyinka qaabka dhexe

4-kaamerooyinka qaabka waaweyn

5-kaamerooyinka  poloraid-ka

IFTIINKA

Iftiinku waa ahmiyadda ugu weyn marka wax la sawirayo ama lagu shaqeynayo Kaamerada Masawirka  ,wuxuuna muujiyaa isbadallada nolosha

Iftiinku wuxuu u kala baxaa mid dabiici ah sida qoraxda iyo dayaxa (itfiinka maalinimo iyo kan habeenimo) iyo mid Aartifishal ah.

Iftiinka maalinimo(daylight) ,qoraxda waa halka uu ka yimaado iftiinka kolka la sawirayo dabeecadda.ama haddii ay ku qarsan tahay daruur.

Iftiinka dayuxu waa mid dabiici ah,hasa yeeshee wuxuu u baahan yahay in Lagu xoojiyo Falaash(iftiin koronto)iyo in marka wax la sawirayo la adeegsado Negative gaar ah

Aartifishalka waxa uu ka abuurma ama ka dhasha korontada ,ileyskaasina waa mid sanaaci ah ,ama dad same ah,waxaana  loo isticmaalaa meelaha iftiinku ku yar yahay,marka wax la sawirayo.

 

Qallinka u qaatay  Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...