Home Blog Page 1514

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Bariire

0

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay dagaal ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya,islamarkaana maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday mudo labo saacadood,waxaana jab xoogan la gaarsiiyay maleeshyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warkaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

“ Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay weerar ku soo qaadeen deegaanka Bariire kaasoo marka hore madaafiic oo ay Al-Shabaab soo tuureen ku bilowday,waxaana markii danbe ku baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday Ceyrsaday”, Sidaas waxaa yiri Guddoomiye C/fitaax.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah uusan jirin dhanka Dowladda balse ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo Al-Shabaab weerarka ka soo gaaray,waxaana dagaalka Maleeshiyada Al-Shabaab kaga dhintay seddex maleeshiyo halka afar kalena ay kaga dhaawacantay.

Sidoo kale,Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Ciidamada Dowladda wey iska caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday waxayna ku guuleysteen iney ceyrsadaan ilaa iyo tuulada raqeyle oo 4-km dhanka galbeed ka xigta deegaanka Bariire ee saakay weerarka uu ka dhacay”,

Ciidamada sooma-jeestayaasha Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxay ka wadaan Gobolada dalka Soomaaliya,kaasoo ujeedadiisu tahay sidii lagu ciribtiri lahaa kooxaha naf lacaariga ah ee Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah dalka.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo kulan la qaadatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Suudaan

0

Kulanka ay wada qaateen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim oo uuna goobjoog ka ahaa Uqeybasanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane FiidowMaxamuud Fiidow ayaa waxay ugu wada hadleen sidii la iskiiga kaashan lahaa hormarinta isboortiga ee labada Dowladood iyagoona Wasiiradda sharaxaad kooban ka siisay Wasiirka hormarka isboorti ee ku tilaabsatay Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim ayaa aad u soo dhaweyay Wasiiradda asigoona sheegay inay diyaar u yahiin wax walba oo ay ku caawin karaan Walaalahood Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa booqatay garoon kubada cagta ah oo ay Dhisma ku socotay iyadoona ku soo wareegtay dhamaan gudaha garoonka, intaa ka dib Wasiiradda ayaa Saxaafadda kula hadashay gudaha garoonka.Cood

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inuu heshiis dhex mara labada Wasaaradood Soomaaliya iyo Suudaan

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka khamiislaha ah ee golaha Wasirada.

Labada Madaxweyne ku xigeen ayaa Madaxweynaha kala qayb galay shirkan oo ahaa mid caadi ah oo kamid ah kulamada Todobadlaha ah ee Xukuumada Jubbaland.

Golahu wuxuu Madaxweynaha ka dhagaystay halka ay marayso siyaasada dalka iyo marxaladahii ugu danbeeyay isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyay sida uu u socdo dadaalka loogu jiro qabsoomida shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu dhamaynayo khilaafka ka dhex curtay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah.

“Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya waxaan go’aan sanay intii ajinabi uu dhexdeena soo gali lahaa in anagu Soomaali ahaan aan arimaheena xalisano oo aan wax walba oo jira wada hadal ku dhamayno” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Soomaaliya ay joogto wado labo dhinac u kala baxaysa oo ah hormar Barwaaqo iyo amaan iyo wadada kale oo ah burbur kala tag iyo in rajadii Mustaqbalku ay god ku dhacdo.

“Marka si labadaas wado mida saxda ah aan u qaadano ayaan gogoshan u dhignay oo aan doonaynaa in arimaheena aan gudaha ku xalino oo aan mar danbe iska daba hadal iyo is qabqabsi aanu iman” ayuu yiri Madaxweynahu.

Gudiga qaban qaabada shirkan ayuu golahu ka dhagaystay halka ay marayso qaban qaabada soo dhawaynta masuuliyiinta shirkan ka qayb galaya.

Dhinaca kale golahu wuxuu ka dooday oo dib loo dhigay kulamada danbe Siyaasada lagu maaraynayo Barakacayaasha iyo dadka kasoo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan ayuu golahu ka dhagaystay xaalada amaan ee Jubbaland deeganadeeda xorta ah gaar ahaan dhacdoyinkii u danbeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay diyaar u yihiin in qaybtooda ay ka qaatan dagaalka Argagixisada Jubbaland lagaga saarayo isla markana ay sugayaan oo kaliyah in hawlgaladu ay bilawdaan oo cadawga la baacsado.

Ciidamada Ciraaq oo Kooxda Daacish kala wareegay magaalo muhiim ah

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa la wareegay magaalada Hawija,oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay ku xooganaayeen Xoogaga hubeysan ee Daacish,sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Militariga Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa shalay oo arbaca ahayd bilaabay iney ku dhaqaaqaan magaalada Koonfurta Ciraaq ku taalo ee Hawija labo maalin uun ka dib qabsashadii xarunta Ciidanka cirka ee Rashad oo 30-km dhanka koonfur ka xigta magaalada halkaasi oo ay kooxaha hubeysan u adeegsan jireen xero ay ku tababari jireen dagaalyahanada iyo keydinta saanada ciidan.

Ka hor inta aysan qabsan ciidamada Ciraaq magaalada Hawija waxay duqeyn la dhaceen fariisimo ay ku xooganaayeen Kooxda ISIL,waxaana la sheegayaa in duqeynta khasaaro xoogan ay ka soo gaartay xooggaga hubeysan inkastoo aan la xaqiijin inta ay gaarsiisan tahay.

Magaaladaan Hawija ayaa muhiim ah u ahayd Kooxda Daacish,waxayna dhanka Galbeed ka xiga magaalada Saliida qaniga ku ah ee Kirkuk halka waqooyi ka xigta magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Kooxda Daacish ayaa ku jiyad jabtay weerarkii bishii julay Ciidamada Ciraaq oo ay kaabayaan kuwa Mareynkanka ay kooxda kaga qabsadeen magaalada Mosul oo ahayd magaalo si weyn Daacish ugu xooganeyd.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Ciraaq ee qabsaday magaalada Hawija ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan,islamarkaana ay feejignaadaan inta uu socda howlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada Argagixisada ee Daacish.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo taageertay Musharax Maxamuud Nuur+(Sawiro)

0

Minneapolis(SONNA) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doortay magaalada Minneapolis iyo boqolaal dadweyne Soomaaliyeed ah ayaa taageero xoogan u muujiyay Musharax Maxamuud Nuur oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka ee magaaladaasi.

Iyadoo weli  ay soconayaan ololihii doorashada Golaha Deegaanka ee magaalada Minneaplis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada waxay taageero u muujiyeen Maxamuud Nuur oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka gaar ahaan halka ay Soomaalidu degto.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doortay magaalada Minneapolis iyo boqolaal kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay fagaraha lagu magacaabo Brian col,iyagoo sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin Maxamuud Nuur oo u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka,waxaana Xildhibaan Ilhaan Cumar ay ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay codkooda ku taageeraan Walaalkooda Maxamuud Nuur.

Hadal kooban oo isna goobtaasi ka jeediyay musharax Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyay Soomaalida hallkaasi ku nool iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar dowrka muhiimka ah oo ay ka qaadanayaan dhiira gelintiisa.

Wuxuu sheegay in xoogga saari doono sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Mineapolis ay u heli lahaayeen xuquuqdooda iyo adeegyada ay u baahanyihiin hadii uu ku guuleysto xilkaasi Golaha Deegaanka.

Sanadihii ugu dambeyeey waxaa sare u sii kacayay Dowrka siyaasadeed oo Soomaalida ay ku leedahay hay’adaha iyo maamulada ka dhisan gobolada Dalkan Mareykanka,horey waxaa loo doortay Ilhaan Cumar oo oo haatan kaalin ku leh dib u soo celinta sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka.

Liibaan Xuseen.

Dad maleegayay shirqool lagu dili lahaa madaxweyne Erdogan oo lagu xukumay Turkiga

0

Muqdisho(SONNA) Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa xukun ku riday 40-Qof oo lagu helay danbi ah iney qorsheynayeen shirqool lagu dili rabay madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyib Erdodan intii lagu guda jiray Afganbigii dhicisoobay ee dhacay sanadkii la soo dhaafay.

31-Eedeysanayaal oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ayaa midkiiba maxkamada ay ku xukuntay xabsi daa’in ,waxaana xukunka uu ka dhacay maxkamad ku taalo magaalada Magula ee dhacda Koonfur Galbeed dalkaasi Turkiga,sida ay qortay Wakaalada Wararka ee sida gaar ah loo leeyahay ee Dogan.

Magaalada Magula ayaa ah magaalo loo tamashleyn tago halkaasi madaxweyne Erdogan iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ay si dirqi ah kaga baxsadeen kooxo isa soo abaabulay oo ku weeraray Hotel uu ka deganaa magaaladaasi habeenkii uu socday howlgal lagu doonayay in lagu majaxaabiyo Dowladda uu hogaamiyo bishii July 15, 2016.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ka mid ah Gokhan Sahin Sonmezates oo ahaa sarkaal sare hore uga tirsanaa Ciidamada Turkiga kaasoo lagu eedeeyay inuu hogaaminayay Qorshaha shirqool, iyo Taliye hore oo lagu magacaabo Zekeriya Kuzu oo ahaa sarkaal caan ah oo mudo afar maalmood ah ay raadinayeen Ciidamada Turkiga Afganbigii dhicisoobay ka dib.

Badi dadka xukunka lagu riday waxay u badan yihiin saraakiil hore,islamarkaana doonayay iney qaarijiyaan madaxweyne Erdogan inta uu howlgalka Afganbi uu socday ,balse markii danbe laga guuleystay.

Inta uu socday Afganbiga fashilmay ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo isugu jira Shacab difaacayay Dowladdooda,Ciidan iyo walba qaar ka mid ah dadkii soo abaabulay Qorshaha Afganbi.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku martay iney cadaalada horkeeneyso shaqsiyaadkii ka danbeeyay qorshaha lagu doonayay in lagu Afganbiyo Dowladda Dimuqraadiga ee dalkaasi Turkiga.

Dowladda Spain”Marna ma aqabalayno gooni isutaagga Catalonia”

0

Spain(SONNA) Xafiiska ra’iisul Wasaare Mariano Rajoy , ayaa warbixin kasoo baxday lagu sheegay in Dowladda Spain ay ku gacan seertay baaqii uu u jeediyay hogaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, si waan waan loogu dhameynayo murankii ka dhashay dalabkooda madaxbanaanida Catalonia,islamarkaana dowladdu aysan aqbaleynin waxa ay ugu yeertay daandaansi.

Hadalkan ayaa soo baxay Iyadoo ay dhawdahay suurtagalnimada in hogaamiyayaasha Catalan ay ku dhawaaqaan madaxbanaani todobaadka soo socda,bale Spain waxa ay ku adkeysaneysa inay kasoo horjeedo arrintaasi.

Mowqifka rasmiga ah ee Spain ayaa ah in aftididii ka dhacday Catalonia axadii lasoo dhaafay ay ahayd mid sharci daro ah, maxkamadaha Spainaa ay ku xukumeen sharci daro.

Bayaan kasoo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaare Mariano Rajoy, ayaa looga jawaabay hadalkii hogaamiiyaha gobolka Catalan ee uu ku baaqayay in wadahadal la furo.

bayaanka ayay dowlada Spain ku sheegtay inaysan kala xaajooneyn Catolina arin sharci daro ah iyo inay aqbasho daandaansi.

Spain waxa ay intaasi raacisay in hadii Mr Puidgmont uu doonayo wadahadal ay tahay inuu sharciga dib ugu laabto, isaga oo muujinaya inuu ka laabtay hadalkiisii ahaa inuu ku dhawaaqayo madaxbanaanida Catalonia.

Dowladaha kale ee Yurub ayaa taageeray Spain,, iyaga oo sheegay in sharciga la ixtiraamo.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo taageertay Musharax Maxamuud Nuur

0

Iyadoo weli  ay soconayaan ololihii doorashada Golaha Deegaanka ee magaalada Minneaplis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada waxay taageero u muujiyeen Maxamuud Nuur oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka gaar ahaan halka ay Soomaalidu degto.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doortay magaalada Minneapolis iyo boqolaal kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay fagaraha lagu magacaabo Brian col,iyagoo sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin Maxamuud Nuur oo u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka,waxaana Xildhibaan Ilhaan Cumar ay ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay codkooda ku taageeraan Walaalkooda Maxamuud Nuur.

Hadal kooban oo isna goobtaasi ka jeediyay musharax Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyay Soomaalida hallkaasi ku nool iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar dowrka muhiimka ah oo ay ka qaadanayaan dhiira gelintiisa.

Wuxuu sheegay in xoogga saari doono sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Mineapolis ay u heli lahaayeen xuquuqdooda iyo adeegyada ay u baahanyihiin hadii uu ku guuleysto xilkaasi Golaha Deegaanka.

Sanadihii ugu dambeyeey waxaa sare u sii kacayay Dowrka siyaasadeed oo Soomaalida ay ku leedahay hay’adaha iyo maamulada ka dhisan gobolada Dalkan Mareykanka,horey waxaa loo doortay Ilhaan Cumar oo oo haatan kaalin ku leh dib u soo celinta sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si weyn loogu soo dhaweeyey Sudan (Sawirro)

0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Sudan.

Maxkamad ku taala Turkiga oo xukun ku ridday dad isku dayay iney dilaan madaxweyne Erdugan

0

Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa xukun ku riday 40-Qof oo lagu helay danbi ah iney qorsheynayeen shirqool lagu dili rabay madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyib Erdodan intii lagu guda jiray Afganbigii dhicisoobay ee dhacay sanadkii la soo dhaafay.