Muqdisho, 15 October 2017 โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed baroordiiqda ula wadaago.
Raโiisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ka baaqday. Raโiisul Wasaaraha ayaa kulamo rasmi ah la lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Raโiisul Wasaaraha Turkiga.
Raโiisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.