Jaamacadda Carabta oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan ladagaalanka Argagixisada

Date:

Qaahira (SONNA)  Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta  Axmed Abuu Geyd, ayaa ka hadlay Qaraxii argagixisinimo ee Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab ay ka geeysteen Shalay gelinki Dambe Magaaldda Muqdisho, isagoo falkaasi ku tilmaamay mid naxariis darro iyo cadaawad muujinayo.

Axmed Abuu Geyd, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in uu cambaareynayo Qaraxaasi, uuna ka xunyahay Xasuuqii ka dhashay, waxaana uu tacsi u diray dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Xoghaye Geyd ayaa sheegay in falkaan lagu xasuuqay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan uu ku tusinayo in Awoodii Argagixisada la wiiqay, Dowladda ayuuna sheegay in ay kala shaqeyn doonaan Dagaalka ay kula jirto Nabad iyo Nolol diidka Alshabaab, ayna laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Hay’addaha amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waan cambaareynayaa waxyeelada uu geystay Qaraxa ka dhacay Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, qasaaraha baaxada leh ee uu geeystay waan ka xumahay, falkaan waa mid bini-aadanimada ka baxsan oo ku tusinaya in Argagixisada awoodoodii waa la wiiqay, Dolwadda Soomaaliya waxaan kala shaqeyneynaa la dagaalanka Nabad diidka, innagoo ka taageeri doonno qalabeynta Hay’addaha kala duwan ee amniga ku shaqada leh” ayuu yiri Axmed Abuu Geyd, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...