Madaxweynaha Turkiga Oo Amray In Diyaarado Gar gaar Caafimaad Sameeya Loo Diro Muqdisho

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayib Erdugon ayaa amray in diyaarado sida gar gaar caafimaad iyo dhaqaatiir ay si deg deg ah ugu ambabaxaan magaalada Muqdisho si ay gurmad ugu sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dalka Turkiga oo soo xiganaya afhayeenka xafiiska Madaxweynaha Turkiga waxa ay shaaciyeen in diyaaradahan ay saacadaha soo socda u ambabixi doonaan magaalada Muqdisho ayagoo sida daawo iyo dhaqaatiir .

Gurmadka waxa ay walaalaha Turkiga uga qeyb qaadan doonaan laba siyaabood oo tan koobaad ay tahay iney gurmad caafimaad oo deg deg ah ugu sameeyaan dadka magaalada Muqdisho iyo tan labaad oo ah in dhaawacyada kuwooda culus loo qaado dalka Turkiga si loogu soo daweeyo ayadoo aanan lagu xireyn dhaawacyadaas wax dal ku gal ah (VISA).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...