Home Blog Page 1513

Dekadda Boosaaso oo 26 sano kadib dayactir iyo ballaarin lagu sameeynayo ”Sawirro”

0

 

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaradda Dekadaha gaadiidka Badda iyo la dagalaanka Burcad badeeda Dowlad goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage, oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka uu u socdo mashruuca la xiriira balaarinta Dekadda weyn ee Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Wasiir Siciid Maxamed Raage,  ayaa sheegay in ay qorshahooda koowaad uu yahay in dib udayactir lagu sameeyo dhismaha dekada Magaalada Boosaaso, oo uu sheegay in hadda dhismaheedu uu yahay mid duq ah una baahan dib u habeyn iyo balaarin, isagoo wasiirka Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan horumarka Dekadda Boosaaso, maadaama muddo 26 sano ah ay soo shaqeeynesay, islamarkaana la gaaray wakhtigi iyada la maalgalin lahaa.

Balaarinta Dekadda  Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa saameyn u geeysanaysa Xaafadaha ku dhaw, oo ay degan yihiin dad ku nool Dabaqado kala duwan oo nolosha ah, waxaana uu sheegay  Wasiirka in dadkaasi  Dowlad goboleedka Puntland ay la tashiyo kala duwan la yeelan doonto, xal wanaagsan oo dhibaato aan ku heyn shacabkana la gaari doonno.

 

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kahadlay arragtidooda ku aadan go’aanka Xukuumadda ee Qalbidhagax

0

Muqdisho(SONNA) Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay Arragtidiisa ku aadan Go’aanka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadatay Arrinta Cabdi kariin Qalbidhagax, oo ah Sargaal ka tirsan Jabhada ONLF, isagoo nabadoonka sheegay in go’aankaasi uu soo dhoweynayo, uuna yahay mid lagu badbaadinayo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo Urur mucaarad ah, oo dagaal ku haya Dal dhisan, dowladda Soomaaliyana aysan gabbaad u noqon Karin, maadaama uu yahay Shaqsi aaminsan Fikrad ku saleysan Burburin, waxaana uu xusay in dalka Soomaaliya uu u joogay dhibaato iyo shar in uu maleego.

“Arrintaasi annaga waan soo dhoweyneynaa, Dowladuna mowqifka ay ka istaagtay waa mid sax ah oo loo baahnaa loogana fadhiyey waxaana leeyahay ma qabno in dadka Soomaaliyeed masiirkooda, dowladnimadooda iyo Soomaalinimada  in la lug gooyo, shaqsi aanan ogeyn wuxuu ku saleysan yahay iyo urur mucaad ah, oo dowladaha deriska ah dagaal kula jira, in gabbaad dowladda ay u noqoto  ma qabno sax inay tahay, mana taageereyno, waxaan leenahay marka dowladda way ku saxan tahay go’aankeeda” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.

Sidoo kale Nabad doonka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxuu ku amaanay Maxaabiistii ay kasoo deysay Xabsiyada Ethiopia iyo dadaalada ay ugu jirto sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen   kuwa ku harsan xabsiyada wadankaasi, Shacabka Soomaaliyeed ayuuna u sheegay in Dowladda ay ku taageeraan Go’aanada noocaan oo kale ah ee looga hortagayo Argagixisinimada.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa isna sheegay in uu taageersan yahay go’aanka Xukuumadda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Dowladda iyadoo tix galineyso hishiisyadii hore ee ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Dowladii hore ee Soomaaliya go’aankan ay qaadatay, si loo dhameystiro howlihii qabyada ahaa.

“Arrimihii maalmahan socday oo la hadal haayey ee ku saabsan Qalbi dhagax oo horana aan uga hadlay, shalay Dowladda waxay kasoo saartay bayaan cad oo shacabka soomaaliyeed ay kula hadleyso , runtii waxay carabka ku dhufatay hishiisyo hore oo dowladii ka horeeysay gashay oo dhigaayeen in dhibaatooyinka labada dal dadka kawada keeni kara in nabadgalyada wax u dhibaan la iska kaashado” ayuu yiri siyaasi Salaad Cali Jeelle.

 

Dowlad goboleedka Puntland oo go’aan kasoo saaray kala soocida Lacagta Shillinka Soomaaliga

0

Muqdisho(SONNA) Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha gudaha Puntland iyo Xubno ka socday Bankiga ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlay diidmada iyo kala soocida lacagta shillinka Soomaaliga, oo waayadan jahawareer lacagta Sh. Soomaaliga ah ka taagnaa magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:-

1:-Lacagta Sh. Soomaaliga waa astaan Qaran , dalkastana astaantiisa Qaran waa lacagtiisa , ciddii ka hor timaadana waa Qaran dumis.

2: Dowlad goboleedka Puntland lacagta Sh. So. waxay ku qaadaa Canshuurta waxayna ku bixisa a Musharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kale.

3: Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh Soomaaliga ah qaataan, iyagoo aan kala gurin, sarrif kala duwana looma samayn karo, arrintaasi oo aan diin ahaan banaanayn
(Ribo).

4 Ha’yadaha dowladda goboleedka ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Madaxweynaha Jabuuti oo la siyay Abaalmarin Caalami ah.

0

Jabuti(SONNA)-  Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa  iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidada  Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay  in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa  oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi  ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadallo  ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo la siyay Abaalmarin

0

Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa  iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidada  Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay  in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa  oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi  ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadallo  ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Horjooge C/casiis Xasan Heybe oo maleeshiyada Shababaab u yaqaanaan (Bishaar) ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac)  oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.

Horjoogahan  ayaa da’diisa lagu qayaasaya 25-30 jir,kaasi oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay fikirka qaldan ee  Shabaab,waxaa sii kordhayay tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya,iyagoo u arka fursad ay ka faa’idaysan karaan.

Banaan baxyo looga soo horjeedo diidmada lacagaha Shillin Soomaaliga oo Qardho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Goobaha Ganacsiga ee magaalada Qardho ee Gobolka Bari Ayaa  Saakay Ahaa kuwo Gabi Ahaanba Albaabada U xirnaa, Shacabka Usoo Adeeg Tagi Jiray Suuqayada Lagu Iibsho Qudaarta Hilibka Iyo Goobaha kale  Ee Ganacsiga Ayaa Ku Waabariistay Xirnaasaha Goobahaasi.

Abaara 9;00 Subaxnimo Ayaa Shacabka magaalada  oo Cabiraya Dareenkooda ayaa Socdaal Dheer Kusoo Maray Waddooyinka Waaweyn Ee Degmada Qardho kuwaasi oo ka soo horjeeda diidmada ku aadan lacagaha Shillin Soomaaliga ah.

Barxada Suuqa Weyn Oo Markii Danbe Ay Isugu Tageen Dibadbaxayaasha Ayaa Ugu Horeynba Halkaasi waxaa Kula Hadlay Guddoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere wuxuuna  Sheegay In Shillin Soomaaliga La Socodsiiyo, Dowladuna Ay Isla Qaadateen In Dhamaan La Adkeeyo Koontaroolada Lacagaha Ay Kasoo Galayaan.

“Marka hore waxaa idinka codsanaynaa in aad is dejisaan,lacagaha Shillin Soomaaliga waa la socodsiinayaa, dadka diidan talaabo ayaa laga qaadayaa waana isla afgaranay maamulka,waxaana la xakamayndoonaan lacagaha been abuurka ah ee suuqyada la soo gelinayo”, Ayuu yiri guddoomiyah Qardho.

Xaliimo Jawaasi oo Ku Hadlaysay Afka Dibadbaxayaasha Ayaa Sheegtay In Ay Doonayaan Lacagtooda Isku Soo Baxooda Ayeey Ku Sheegtay In Uu Yahay Mid Dantooda Ay Uga Hadlayaan Waxayna Eedamo Ay U jeediyeen Sariflayaasha Iyo Shirkadaha Waaweyn, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay ka shaqeynayaan wax buslhada dhib ku ah.

Nabaddoon Xaad: Mowqifka Dowladda ee ku aaddan Qalbi Dhagax waa SAX

0

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dowladda ku taageersan yihiin go’aankii ay qaadatay ee la xiriiray dhiibista Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ONLF.

Nabaddoon Xaad oo u warramayay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay dowladdu ay qaadatay go’aan sax ah

“Ma qabno in dadka soomaaliyeed masiirkooda iyo dowladnimadooda iyo soomaalinimada in loo lug gooyo  shakhsi aannaan ogeyn waxa uu yahay” ayuu Yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Xaad waxa uu tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay gabbaad siiso jabhad hubeysan oo dagaal kula jirta dal aan daris nahay, isagoo yiri “Annagu ma qabno dowladda Soomaaliya urur mucaarad ah oo hubeysan oo dowladaha dariska ah dagaal kula jira in ay gabbaad u noqoto”

 

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, waxa uu bulshada Soomaaliyee ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan go’aanka ay qaadatay oo ah mid u daneynaya qarannimada iyo nabad gelyada dalka

“Annagu waa taageereynaa, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay taageeraan go’aanka dowladda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabaddoon Xaad.

Nabaddoon Xaad ayaa xusay maxaabiistii dhowaan dowladdu ka soo deysay xabsiyada Ethiopia, taas oo uu sheegay in ay ku timid iskaashi, heshiis iyo wada shaqeyn dhex martay Ethiopia, waxa uuna sheegay in ay haddana socdaan dadaallo dowladdu ku sii deyneyso maxaabiis kale oo Soomaaliyeed oo ku jjira xabsiyada Ethiopia.

“Dowladdu waxay xabsiyo ka soo deysay dad Soomaaliyeed oo Ethiopia, taasna waxaa keenay heshiis, isla shaqeyn iyo Is-faham”

Ugu dambeyntii Nabaddoon Xaad ayaa carrabka ku adkeeyay in ay mowqifka dowladdu ka qaadatay Qabi dhagax uu ahaa mid sax ah.

“Waxaan qireynaa oo aan ku dhiirraneynaa dowladdu mowqifkii ay ka qaadatay Qalbi dhagax in uu sax yahay, uuna yahay mid lagu badbaadinaayo jiritaanka ummadda soomaaliyeed” ayuu yiri Nabaddoon Xaad oo sheegay in ONLF ay tahay Jabhad hubeysan oo aan nabad ka shaqeyn.

Halkana ka daawo hadalka Nabaddoon Xaad

 

 

Qalbi Dhagax… Qaranka iyo Danao siyaasadeed

0
Muqdisho(SONNA):–Maalmahan waxay bulshada Soomaaliyeed aad u hadal hayaan arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo dhiibay dowladda Ethiopia. Arrinta Qalbi Dhagax waxaa la siiyay xajmi ka weyn midka ay leedahay, waxaana la isku dayay in loo muujiyo khiyaano Qaranka laga galay.

Hadal haynta iyo hurinta arrinta Qalbi dhagax waxaa hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo wada olole xoog leh oo loo fasiri karo iska hor keen shacabka iyo dowladdooda.

Aamusnaan usbuuc qaadatay  iyo rog rogid ka dib xukuumaddu shalay ayay hadashay oo diirka ka caddeysay sababihii ay Qalbi Dhagax u dhiibtay.

Waxayna sheegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsanaa ONLF oo ah Jabhad dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, isla markaana xiriir leh Alshabaab.

Heshiis Iskaashi Amni

Labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay horay ugu heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo Jabhadaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga labada dal.

Heshiiskan oo dhacay sanadklii 2016 waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay  Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhanka Ethiopiana uu u saxiixay  danjire Shamsudiin Axmed.

Qodobka saddexaad ee heshiiskan ayaa dhigayay in labada dal galeen waxa uu dhigayaa in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha xag-jirka ah sida Alshabaab iyo UBO oo ay Ethiopia u taqaan ONLF.

Waxaa muuqata in mas’uuliyiintii  heshiiskaas saxiixay qaarkood ay hadda aad uga soo horjeedaan fulintiisa. Heshiis kasta oo labo dal galaan waa in la fuliyaa.

Wasiirkii saxiixay heshiiskaas waxaa laga doonayaa in uu fulintiisa difaaco, mowqif kasta oo kaas ka duwan ee uu qaato waa mid aan laga aqbali Karin.

Markii la saxiixayay heshiiskan wasiirkii dowladda Soomaaliya matalayay wuu ka dheregsanaa in Alshabaab ay tahay koox argagixiso, sidoo kale wuu ogaa in UBO loola jeedo ONLF. Sidaas darteed bulshada iyo dadka wax gartaa kama gadanayaan isla mas’uulkii heshiiska saxiixay in uu iska bari yeelo ama uu fasiraad khaldan siiyo.

Dowladnimo iy Beelnimo

Curfiga diplomaasiyadda kuma jirto in beeli ay heshiis la gasho dal shisheeye. Sidaas oo kale wasiir xil qaran haya beeshiisa kuma matali karo heshiis lala galayo dal kale.

Sidaas darteed doodda ah in heshiiskii May 2016-dii uu saxiixay Wasiir Mahad Salaad uu ahaa mid uu beel ku matalayay waa mid aan xujo laga dhigan Karin.

Qodobka 102 ee dustuurka dalka ayaa qeexaya shaqada wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha  Hoos ka eeg.

In uu beel matalo isagoo qaranka xil u haya ama uu hadda ku doodo in uu beel matalayay ayaaba khalad kale ah

Mar haddii aan ogaannay nuxurka heshiiskii labada dal galeen. Mar haddii aan ogaannay in heshiisku uu la xiriiray Alshabaab iyo UBO oo loola jeedo ONLF. Mar haddii ay labada dal u saxiixeen labo mas’uul oo idman. Waxaa hubaal ah in labada dal looga baahan yahay fulinta wixii ay ku heshiiyeen.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa keenay isla mas’uuliyiintii heshiiska saxiixay ay iska bari yeelaan ama ay fasiraad kale ka bixiyaan? Maxaase keenay inay  dowladda ku qaadaan olole dadka looga hor keenayo.

Jawaabtu waa sahlan tahay; waa xaqiijinta dan siyaasadeed. Waxaa doc khaldan loo duwayaa dareenka shacabka , si loo wiiqo dowladnimada.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed way ka qaan gaarsan yihiin in marba niman dan lihi ku owr kacsadaan.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA)Horjooge C/casiis Xasan Heybe oo maleeshiyada Shababaab u yaqaanaan (Bishaar) ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac)  oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.

Horjoogahan  ayaa da’diisa lagu qayaasaya 25-30 jir,kaasi oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay fikirka qaldan ee  Shabaab,waxaa sii kordhayay tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya,iyagoo u arka fursad ay ka faa’idaysan karaan.