Ururka IGAD oo cambaareeyey Weerarkii argagixisinimo ee Shalay Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SONNA)  War saxaafadeed kasoo baxay  Urur Goboleedka IGAD oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Maxbuub Macalin, ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii aragaxisanimo ee shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ku waxyeelada ay soo gaartay iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa inay caafimaadaan kuwa dhaawacmay” sidaas ayuu yiri Xog hayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Maxabuub Macalin.

Warka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka uu xaqiijinayo sida ay uga go’aan tahay Taageerada dadka Soomaaliyeed ee ku aadan dagaalka Argagaxisada ee gobolka iyo guud ahaan Qaaradda oo dhan.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka in la cusbooneysiiyo ka go’naashaha in laga guuleysto kooxaha Argagaxisada ah, kuwaasi oo ujjeedkooda ugu weyn uu yahay inay abuuraan aragagax, Burburin iyo dhimasho, iyaddoo la xoojinayo taageeradda Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom” sidaasi ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha guud ee  Urur goboleedka IGAD.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan Midnimo, islamarkaana uu ku boorinayo in dhammaan in la xushmeeyo Nidaamka, Dastuurka Sharciga iyo dhaqanka Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...