R/wasaare kheyre oo Guddi u xilsaaray gurmadka dadka qaraxii shalay waxyeelada ay kasoo gaartay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galab kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo waxyeelo xooggan ay kasoo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus  qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.

R/wasaae Kheyre, ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed lala qeybsado murugada iyo dhibaatooyinka kale ee ay dareemeen, kadib qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay isgoyska Soobe, kaas oo geystay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanta.

Mudane Kheyre, waxa uu ku booriyay xubnaa Golaha Wasiirada in ay dadka walaalohood ah  ee ay soo gaartay dhibaatooyinka ay ugu deeqaan dhiig iyo kaalmooyin dhaqaale   oo wax u tara dadkaas, isla markaana ay ku yaboohaan dhaqaale kaaalmo ah.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...