Home Blog Page 1507

Jabhadda Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqday

0

Muqdisho(SONNA) Xabad joojinta oo ay ku dhawaaqday Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ayaa ujeedkeedu yahay in gar gaar la gaarsiyo dadkaasi,iyagoo ugu baaqey ciidamada Myanmar in ay qaataan xabad joojintaasi.

Rabshadaha ka taagan dalkaasi ayaa waxaa uu bilowday ka dib markii Jabhadda oo lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Arm laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar,taasi oo keentey in ciidamada dalkaasi ay si toos ah u beegsadaan muslimiinta Rohingya,

Kumanaan qoys ayaa laga barakiciyaay guryohooda,waxaana si wada jir ah u xasuuqaya dadkaasi rayidka ah cidamada Dalkaasi iyo kooxo kale oo taageersan,waxayna galeen wadanka Bangaldhesh o xad dhow la leh Myanmar.

Jabhadda ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay kaalmeeyaan dhammaan dadka ku nool deegaannada ay colaaddu saamaysay, ayagoo aan u eegayn qowmiyad ama diinta ay aaminsan yihiin.

Dhibaatooyinka ka taagan dalka Myanmar ayaa waxaa si wada jir ah uga hadlay wax ka qabashadooda madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan oo la xiriiray hogamiayah dalkaasi An-sun Suki,iyadoo gar gaarkii ugu horeeyey uu gaarsiyay Turkigu shacabka Rohingya.

Muslimiinta Rohingya ayaa ah kuwo aan haysanin aqoonsi muwaadinimo, waxaana arrintani ay tahay mid in muddo ah soo jiiytamaysay,dowladda ayaa u diiday in ay u aqoonsato muwaadiniin dalkaasi u dhashay.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo dhagax dhigay dhismaha wadada Janaraal Daa’uud.

0

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqamagaalada Muqdisho Muqdisho ayaa saaka dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraaid uu ku qabtay saaka magaalada Muqdisho guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska goobaha danta guud sida waddooyinka burbursan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay wadadan Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyin burbursan ee dhexmara degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wadad Janaraal Daa’uud oo xiriirisa Taalada Daljirka iyo wadada Sodonka ayaa kamid ahaayd meelaha burburka uu ka muuqdo,waxaana ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay xiriiriso degmooyin dhowr ah.

Qeybti ugu horeysay ee aradydii deeqda waxbarasho ka heley Shiinaha oo gaarey Beijing

0

Ardaydani oo qeyb ka ah ilaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka heley Dolwadda Shiinaha ayaa garey magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey ardaydaasi qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan max’ed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay shiinaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi oo deeqda waxbarasho heley.

“Waxaa na soo garey qaar kamid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho heley, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayaya si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa lasugayaa kuwa kale”, Ayuu yiriDR C/raxmaan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa safiir ka ah Mudane Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusf Dheeg) oo ah mas’uul xilal kaladuwan soo qabtay.

Sanadahan dambe waxaa sii xoogeysanayay xiriirka dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,ayadoo Dowladda Shiinaha ay xafiiskeeda ka furatay magaalada Muqdisho

Jabhadda hubaysan ee Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqdey si gar gaar loo garsiyo muslimiinta dhibaataysan

0

Xabad joojinta oo ay ku dhawaaqdey Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ayaa ujeedkeedu yahay in gar gaar la gaarsiyo dadkaasi,iyagoo ugu baaqey ciidamada Myanmar in ay qaataan xabad joojintaasi.

Rabshadah ka taagan dalkaasi ayaa waxaa uu bilowdey kadib markii Jabhadda oo lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Arm laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar,taasi oo keentey in ciidamada dalkaasi ay si toos ah u beegsadaan muslimiinta Rohingya,

Kumanaan qoys ayaa laga barakiciyaay guryohooda,waxaana si wada jir ah u xasuuqaya dadkaasi rayidka ah cidamada Dalkaasi iyo kooxo kale oo taageersan,waxayna galeen wadanka Bangaldhesh o xad dhow la leh Myanmar.

Jabhadda ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay kaalmeeyaan dhammaan dadka ku nool deegaannada ay colaaddu saamaysay, ayagoo aan u eegeyn qowmiyad ama diinta ay aaminsan yihiin.

Dhibaatooyinka ka taagan dalka Myanmar ayaa waxaa si wada jir ah uga hadlay wax ka qabashadooda madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan oo la xiriiray hogamiayah dalkaasi An-sun Suki,iyadoo gar gaarkii ugu horeeyey uu gaarsiyay Turkigu shacabka Rohingya.

Muslimiinta Rohingya ayaa ah kuwo aan haysanin aqoonsi muwaadinimo, waxaana arrintani ay tahay mid in muddo ah soo jiiytamaysay,dowladda ayaa u diiday in ay u aqoonsato muwaadiniin dalkaasi u dhashey.

Akhriso Qormo: Maxaa farqi ah oo u dhexeya xanaanaynta iyo tirbiyada carruurta 

0

Waxaa jira waxyaabo inta badan ay maanta isku khalado bulshadeennu, taasina waxey keentaa  in kasmadii iyo nuxurkii sheygaas la xariiray la marinhabaabiyo.

Xannaaneynta Ilmaha iyo Tarbiyeyntoodu (abaabintu), had iyo jeer waa la isku khaldaa,Xannaaneyntu waa in aad daneyso muuqaalka kore ee ubadka, sida jidhkiisa wacan, labbiskiisa, cunto fiican iyo waxyaabaha inta badan la xariira muuqaalka kore ee awlaadda,Tarbiyadduse waa ka gaddisan tahay Xannaanada.

Tarbiyaddu waa in aad cunugga ku abaabiso wax uu aamino, caqiido, hiddo, dhaqan iyo fahanka guud ee nolasha,Waxaa kaloo ka mid ah in aad u fiirsato halabuurka iyo waxqabadka uu ku fiican yahay ubadku, Suugaanta iyo Fanka, Diinta iyo Culuumta, farsamada iyo wax qorista Waa in loo fasaxo wax alla iyo wixii uu hammiga gashto oo la xariira curin, halabuur, fan iyo farsamo aqooneed, oo aan lagu dirqin ubadka wax uusan maan iyo muraal u heynin.

Waxaa ka mid ah Tarbiyadda in aad buuxiso xilliga uu ubadku waxba qabaneyn, In aad isha ku heyso cidda uu la saaxiibayo iyo cidda ay tahay in uu ka fogaado, loona tilmaamo hadba xiriirka uu sameynayo nooca uu yahay iyo habka uu bulshada kala duwan ula noolaan karo, sida qaab hadalka, sida uu dadka ka weyn ugu jawaabayo, sida uu dariskiisa iyo bulshada guud ahaan ula dhaqmayo iyo sida uu u noqon lahaa qof isku filan maalin uun.

Xannaana la’aanta wuu ka soo kaban karaan ubadku, balse, tarbiyaddu haddii ay dhaafto, waxaa soo baxaya fac aan fiyoobi iyo fikir fariida toona laheyn,Sida ay hadda ku socoto tarbiyadda awlaaddeennu, waa qaab aan laheyn cawaaqib la mahdiyo,Waa in aan sara u qaadnaa culuumta la xariirta abaabinta ubadka, haddii kale waxaan dhaxleynaa jiil wada ah jidgooyodoon.

Waxaa iyana sheegid mudan in adadeegga waalidiinta qaar, ubadka uu u horseedaa dawdarnimo iyo saaqidnimo buuxda, waana barta ay badanaa ka qalloocato abaabinta ilmaha,Waxaa habboon, soona aroortay in waalidku u deeqo ilmihiisa udhimrin, laciyaarid, kaftan iyo in uu kula fara ka ciyaaro waxyaabo iska fudud oo markaas uu waladku xiiseynayo.

Waxaa la soo tabiyay in maalin maalmaha ka mid ah uu nabi Maxamed ﷺ waddo dhaxdeeda kula kulmay inankii uu awoowga u ahaa, Xuseen binCali,oo markaas ahaa cunug yar oo waddada iskaga dhex ciyaarayay, Nabigu labadiisa gacmood ayuu u fidiyay, si uu u xambaaro Xuseen, balse, Xuseen wuu ka diidday in uu habsiiyo nabiga, wuuna ka cararay, ilaa nabigu ﷺ ka daba tagay, kana qoslisiiyay, lana farakaciyaaray,Intaas yari waxey na tusineysaa sida loogu baahan yahay in waalidku mar walba noqdo qof u furfuran awlaaddiisa, duruuf walba oo jirta.

Waxaa kaloo ka mid ah tusaalooyinka hodanka ah ee ina tusinaya qiimaha ay leedahay raxmadda waalidka, in Nabi Maxamed ﷺ uu u ogalaan jiray Xasan iyo Xuseen in ay ku dul ciyaaraandhabarkiisa isaga oo sujuudsan,Wuxuu kaloo fududeyn jiray nabigu ﷺ salaadda, markii uu maqlo oohinta iyo qaylada ilma yar, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in hooyadii cunugga dhashay ama aabbihiis uu ka mid yahay dadka tukanaya, sidaas darteed, nabigu ﷺ wuu fududeyn jiray salaadda, naxariis iyo beerjileec uu u hayo ubadka awgeed.

Waxaa la gudboon waalidiinta filimada cabsida ah ka dhex wada aqalladooda, in ay ka waantoobaan, oo ay ugu yaraan ubadkooda u turaan,Qeyladhaanta aad jeer kasta maqashiin ee aalaaba la xariirta waalid ubadkii laga qaatay, ama ubad duurgal noqday, inta badan waxaa ugu wacan adadeegga waalidiinta qaar iyo hannaankii tarbiyadda oo naga lumay guud ahaan.

Waalidiinta qaar waxey ubadkooda si toos ah ugu beeraan naceyb, colaad iyo in uu cunuggu noqdo wax macangag ah oo aan dhimrin,Kalitalisnimadu ma ahan wax ku kooban siyaasadda iyo talisk eewaa wax ka soo billaawda guryaha iyo goobaha tarbiyadda, waana halka ilaa iyo maanta ay sartu ka qurunsan tahay, kana hitinayno bulsho ahaan, dalkeennuna u caga-dhiggan la’yahay.

W/Q: Qoraa Cabdicasiis Maxamed Shidane. 

Soomaaliya oo aan lagu soo darin liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan oo la soo saarey

0

Golaha Dhaqaalaha Adduunka ayaa soo saarey liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan,iyadoo aan lagu soo darin Soomaaliya,sida ay baahisay Wakaaladda SONNA oo soo xiganaysa Jariiradda The Independent UK.

Warbixinta ayaa ah mid dhinacyo badan taabanaysa, oo laga fiiriyay cabir laga sameeyey,dhinacyada dalxiiska iyo safarada ilaa 136 Dal oo kamid ah Aduunka,amniga,falalka argagixisanimo waxaana la soo bandhigay ilaa 20 Dal oo kamid ah wadamada ugu Khataraha badan.

Liiskani lagu ma soo darin Soomaaliya, marka loo fiiriyo daraasaada laga sameeyey wadamo badan,taasi oo u muuqatay in ay sabab u tahay dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka shaqeynaysa in Soomaaliya ay haatan ka duwan tahay aragtidii laga qabay guud ahaan.

Halkani ka ka Akhriso liiska wadamada iyo said ay kala yihiin.

  1. 20. Jamhuuriyadda Demuqraadiga ee Congo

Ciidamada militariga Dalka Congada Dimuqraadiga ayaa waxaa ay guud ahaan dalkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo kooxo kale oo bur cad ah oo dadka dhibaateeya

  1. Thailand

Wadanka Thailand​ oo dhaca Qaaradda Assia, waxaa warbixintu ay xustay in Gobolada ku yaala dhanka Waqooyi ee Dalkaasi ay kajiraan,dhibaatooyin xoogan,6,500 oo qof ayaa ku dhimatay dalkaasi,13 kii sano ee la soo dhaafay,qeybo kamid ah dalkaasi waxaa lagu soo rogay xaalado deg deg ah

  1. Jamaica

Dalka Jameeka  oo kamid ah Koonfurta Ameerika, waxaa ka dhaca qeybo kamid ah qalalaaso xoogan , dilal qorsheysan,sida magaalooyinka Kingston iyo Montego Bay.

  1. South Africa

Koonfur Africa ayaa lagu tiriyaa wadamada ay ka jiraan dembiyada ugu culus,taasi waxay sababtay in dad badan ay amnigooda ku wareejiyaan shirkado gaar ah oo amaanka qaabilsan, si looga hortago,dilalka iyo fufsiga oo si isdaba joog ah u dhaca,sid warbixinta ku xusan.

  1. Guatemal

Guatemal,Xuduudda uu Dalkan la wadaago Mexico waa goob kamid ah goobaha ugu halista badan adduunka,waxaa kajira doofinta dadka iyo maandooriyaha oo khataro badan   leh, wadamada Latin Ameerika ugu dilalka badan ayuuna kujiraa.

  1. Chad

Wadanka Chad waxaa ka dagaalama dhamaan kooxaha argagixisada Isis, al-Qaeda iyo  Boko Haram ,dad badan oo shacab ah oo ay kujiraan ajaanib ayaa lagu dilay dalkaasi, weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay,marka xuduudaha laga gudbayo waa Khatar sida xadka Suudaan iyo Liibiya uu la wadaago dalka Chad.

  1. Bangladesh

Weeraro argagixiso,saameynta duufaano, daadad iyo Dhulgariir ayaa dalka ka dhigay mid ay ka jiraan musiibooyin  dabiici ah,

  1. Mali

Warbixinta World economic Forum, waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada argagixisanimo ay khataro ku hayaan amniga dalkaasi,gaar ahaan magalaaad Caasimadda ah ee Bamako,hoteelo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi waxaa ka dhacay dhowr jeer weeraro.

  1. Lebanon

Kooxo kala duwan oo hubaysan ayaa kajira dalka Lebanon,duqeymo iyo weerar ayaa si joogto ah u dhaca,waxaa caadi ka ah banana baxyada rabshadaha wata oo ka dhasha muruno u dhexeeya dad ood wadaag ah,taasi oo qalalaase isku bedesha.

  1. Philippines

Waxaa dalka filipiin u dheer khataraha kale, weeraradii dhawaan dhacay oo dad badan lagu dilay,dab ka kacay caasimadda Manila iyo afduubyo, waxaa inta badan la beegsadaa dadka Ajaanibta ah.

  1. Ukraine

Gobolada dhaca Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi waxaa caadi ka ah dagaalada u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha kale ee uu Ruushka taageero,gaar ahaan Gobolada Donetsk oblast, Luhansk oblast,iyo Crimea.

  1. Honduras

Wadanak Honduras waxaa uu hooy u yahay dilalka qorsheysan marka loo fiiriyo dunida inteedi kale, ka ganacsiaga maandooriyaha,waxaana yer dhaq dhaqaaqyada military ama boolis ee ka hortaga falalkaasi.

  1. Kenya

Halka wadanka Kenya ay ka dhacaan weeraro ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ah,gaar ahaan Nairobi, qaraxyada Bombaanooyinka,dilalka toogashada ah iyo kuwo tooreeyo loo isticmaalo ayaa halkaasi ka dhaca.

  1. Egypt

Kooxda Daacish ayaa Khatar ku haysa horumarinta kaabayasha dhaqaalaha dalkaasi,sida beegsiga dalxiisayaasha iyo dhinaca gaadiidka.

  1. Venezuela

Dhibaatooyin badan oo dhanka baahiayah aas aasiga ah ayaa halkaasi kajira,sida biyah Korantada,Caafimaadka,kuwaasi oo xaalado kacsanaan ah ka dhex abuuray bulshada, waxaa bar bar socda dhaca afduubka iyo dilalka qorsheysan.

  1. Nigeria

Labada kooxood oo kala ah Boko Haram iyo Daacish ayaa mas’uul ka ah rabshadaha kajira dalka Nigeria oo kamid ah wadamada dhaca Galbeedka Africa.

  1. Pakistan

Rabshadah salka ku haya fikradaha diimeed ayaa ragaadiyay dalka Bakistaan muddo sanado ah,waxaana ay ka jiraan inta badan gobolada dalkaasi.

  1. El Salvador

Wadankani waa wadan inta badan dilal ay ka dhacaan,waxaa kajira kooxo qowleysato ah sida, Maras Gangs,waxaa laga ganacsadaa badi dhoofinta maandooriyaasha iyo hubka.

  1. Yemen

Kooxo falaago ah oo caasimadda Yeman ku sugan ayaa bartilmaameedsada muwaadiniinta Mareykanka,kooxaha Alqaeda ayaa sidoo kale ku sugan wadankaasi Yeman,weeraro dhanka cirka ah iyo miinooyinka dhulka ayaa dhibaatooyin ku haya bulshada,nolosha aas aasiga ayaa ku adag dadka in ay helaan.

  1. Colombia

Dalka Colombia sidii hore uma Khatar badna, marka la fiiriyo, balse weli waxaa ka dhaca isna,weerar, afduubyo,iyo ka ganacsiga maandooriyaha sida magaalada Bogata ee Caasimadda Colombia.

Intii ay socotay warbixintan ayaan meelna looga xusay Soomaaliya, taasi oo muujinaysa in dalka Soomaaliya haatan uu kajiro horumar ballaaran.

Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa jira waxyaabo inta badan ay maanta isku khalado bulshadeennu, taasina waxey keentaa inta badan in kasmadii iyo nuxurkii sheygaas la xariiray la marinhabaabiyo. Xannaaneynta Ilmaha iyo Tarbiyeyntoodu (abaabintu), had iyo jeer waa la isku khaldaa. Xannaaneyntu waa in aad daneyso muuqaalka kore ee ubadka, sida jidhkiisa wacan, labbiskiisa, cunto fiican iyo waxyaabaha inta badan la xariira muuqaalka kore ee awlaadda. Tarbiyadduse waa ka gaddisan tahay Xannaanada.

Tarbiyaddu waa in aad cunugga ku abaabiso wax uu aamino, caqiido, hidda, dhaqan iyo fahanka guud ee nolasha. Waxaa kaloo ka mid ah in aad u fiirsato halabuurka iyo waxqabadka uu ku fiican yahay ubadku. Suugaanta iyo Fanka, Diinta iyo Culuumta, farsamada iyo wax qorista. Waa in loo fasaxo wax alla iyo wixii uu hammiga gashto oo la xariira curin, halabuur, fan iyo farsamo aqooneed, oo aan lagu dirqin ubadka wax uusan maan iyo muraal u heynin.

Waxaa ka mid ah Tarbiyadda in aad buuxiso xilliga uu ubadku waxba qabaneyn. In aad isha ku heyso cidda uu la saaxiibayo iyo cidda ay tahay in uu ka fogaado, loona tilmaamo hadba xiriirka uu sameynayo nooca uu yahay iyo habka uu bulshada kala duwan ula noolaan karo, sida qaab hadalka, sida uu dadka ka weyn ugu jawaabayo, sida uu dariskiisa iyo bulshada guud ahaan ula dhaqmayo iyo sida uu u noqon lahaa qof isku filan maalin uun. Xannaana la’aanta wuu ka soo kaban karaan ubadku, balse, tarbiyaddu haddii ay dhaafto, waxaa soo baxaya fac aan fiyoobi iyo fikir fariida toona laheyn. Sida ay hadda ku socoto tarbiyadda awlaaddeennu, waa qaab aan laheyn cawaaqib la mahdiyo. Waa in aan sara u qaadnaa culuumta la xariirta abaabinta ubadka, haddii kale waxaan dhaxleynaa jiil wada ah jidgooyodoon.

Waxaa iyana sheegid mudan in adadeegga waalidiinta qaar, ubadka uu u horseedaa dawdarnimo iyo saaqidnimo buuxda, waana barta ay badanaa ka qalloocato abaabinta ilmaha. Waxaa habboon, soona aroortay in waalidku u deeqo ilmihiisa udhimrin, laciyaarid, kaftan iyo in uu kula fara ka ciyaaro waxyaabo iska fudud oo markaas uu waladku xiiseynayo. Waxaa la soo tabiyay in maalin maalmaha ka mid ah uu nabi Maxamed ﷺ waddo dhaxdeeda kula kulmay inankii uu awoowga u ahaa, Xuseen bin Cali, oo markaas ahaa cunug yar oo waddada iskaga dhex ciyaaraya. Nabigu labadiisa gacmood ayuu u fidiyay, si uu u xambaaro Xuseen, balse, Xuseen wuu ka diidday in uu habsiiyo nabiga, wuuna ka cararay, ilaa nabigu ﷺ ka daba tagay, kana qoslisiiyay, lana farakaciyaaray. Intaas yari waxey na tusineysaa sida loogu baahan yahay in waalidku mar walba noqdo qof u furfuran awlaaddiisa, duruuf walba oo jirta.

Waxaa kaloo ka mid ah tusaalooyinka hodanka ah ee ina tusinaya qiimaha ay leedahay raxmadda waalidka, in Nabi Maxamed ﷺ uu u ogalaan jiray Xasan iyo Xuseen in ay ku dul ciyaaraan dhabarkiisa isaga oo sujuudsan. Wuxuu kaloo fududeyn jiray nabigu ﷺ salaadda, markii uu maqlo oohinta iyo qaylada ilma yar, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in hooyadii cunuggaas dhashay ama aabbihiis uu ka mid yahay dadka tukanaya, sidaas darteed, nabigu ﷺ wuu fududeyn jiray salaadda, naxariis iyo beerjileec uu u hayo ubadka awgeed. Waxaa la gudboon waalidiinta filimada cabsida ah ka dhex wada aqalladooda, in ay ka waantoobaan, oo ay ugu yaraan ubadkooda u turaan. Qeyladhaanta aad jeer kasta maqashiin ee aalaaba la xariirta waalid ubadkii laga qaatay, ama ubad duurgal noqday, inta badan waxaa ugu wacan adadeegga waalidiinta qaar iyo hannaankii tarbiyadda oo naga lumay guud ahaan. Waalidiinta qaar waxey ubadkooda si toos ah ugu beeraan naceyb, colaad iyo in uu cunuggu noqdo wax macangag ah oo aan dhimrin. Kalitalisnimadu ma ahan wax ku kooban siyaasadda iyo taliska, ee waa wax ka soo billaawda guryaha iyo goobaha tarbiyadda, waana halka ilaa iyo maanta ay sartu ka qurunsan tahay, kana hitinayno bulsho ahaan, dalkeennuna u caga-dhiggan la’yahay.

W/Q: Qoraa Cabdicasiis Maxamed Shidane. 

 

 

Somaaliya oo aan lagu soo darin liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan oo la soo saarey

0

Muqdisho(SONNA) Golaha Dhaqaalaha Adduunka ayaa soo saarey liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan,iyadoo aan lagu soo darin Soomaaliya,sida ay baahisay Wakaaladda SONNA oo soo xiganaysa Jariiradda The Independent UK.

Warbixinta ayaa ah mid dhinacyo badan taabanaysa, oo laga fiiriyay cabir laga sameeyey,dhinacyada dalxiiska iyo safarada ilaa 136 Dal oo kamid ah Aduunka,amniga,falalka argagixisanimo waxaana la soo bandhigay ilaa 20 Dal oo kamid ah wadamada ugu Khataraha badan.

Liiskani lagu ma soo darin Soomaaliya, marka loo fiiriyo daraasaada laga sameeyey wadamo badan,taasi oo u muuqatay in ay sabab u tahay dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka shaqeynaysa in Soomaaliya ay haatan ka duwan tahay aragtidii laga qabay guud ahaan.

Halkani ka ka Akhriso liiska wadamada iyo said ay kala yihiin.

  1. 20. Jamhuuriyadda Demuqraadiga ee Congo

Ciidamada militariga Dalka Congada Dimuqraadiga ayaa waxaa ay guud ahaan dalkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo kooxo kale oo bur cad ah oo dadka dhibaateeya

  1. Thailand

Wadanka Thailand​ oo dhaca Qaaradda Assia, waxaa warbixintu ay xustay in Gobolada ku yaala dhanka Waqooyi ee Dalkaasi ay kajiraan,dhibaatooyin xoogan,6,500 oo qof ayaa ku dhimatay dalkaasi,13 kii sano ee la soo dhaafay,qeybo kamid ah dalkaasi waxaa lagu soo rogay xaalado deg deg ah

  1. Jamaica

Dalka Jameeka  oo kamid ah Koonfurta Ameerika, waxaa ka dhaca qeybo kamid ah qalalaaso xoogan , dilal qorsheysan,sida magaalooyinka Kingston iyo Montego Bay.

  1. South Africa

Koonfur Africa ayaa lagu tiriyaa wadamada ay ka jiraan dembiyada ugu culus,taasi waxay sababtay in dad badan ay amnigooda ku wareejiyaan shirkado gaar ah oo amaanka qaabilsan, si looga hortago,dilalka iyo fufsiga oo si isdaba joog ah u dhaca,sid warbixinta ku xusan.

  1. Guatemal

Guatemal,Xuduudda uu Dalkan la wadaago Mexico waa goob kamid ah goobaha ugu halista badan adduunka,waxaa kajira doofinta dadka iyo maandooriyaha oo khataro badan   leh, wadamada Latin Ameerika ugu dilalka badan ayuuna kujiraa.

  1. Chad

Wadanka Chad waxaa ka dagaalama dhamaan kooxaha argagixisada Isis, al-Qaeda iyo  Boko Haram ,dad badan oo shacab ah oo ay kujiraan ajaanib ayaa lagu dilay dalkaasi, weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay,marka xuduudaha laga gudbayo waa Khatar sida xadka Suudaan iyo Liibiya uu la wadaago dalka Chad.

  1. Bangladesh

Weeraro argagixiso,saameynta duufaano, daadad iyo Dhulgariir ayaa dalka ka dhigay mid ay ka jiraan musiibooyin  dabiici ah,

  1. Mali

Warbixinta World economic Forum, waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada argagixisanimo ay khataro ku hayaan amniga dalkaasi,gaar ahaan magalaaad Caasimadda ah ee Bamako,hoteelo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi waxaa ka dhacay dhowr jeer weeraro.

  1. Lebanon

Kooxo kala duwan oo hubaysan ayaa kajira dalka Lebanon,duqeymo iyo weerar ayaa si joogto ah u dhaca,waxaa caadi ka ah banana baxyada rabshadaha wata oo ka dhasha muruno u dhexeeya dad ood wadaag ah,taasi oo qalalaase isku bedesha.

  1. Philippines

Waxaa dalka filipiin u dheer khataraha kale, weeraradii dhawaan dhacay oo dad badan lagu dilay,dab ka kacay caasimadda Manila iyo afduubyo, waxaa inta badan la beegsadaa dadka Ajaanibta ah.

  1. Ukraine

Gobolada dhaca Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi waxaa caadi ka ah dagaalada u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha kale ee uu Ruushka taageero,gaar ahaan Gobolada Donetsk oblast, Luhansk oblast,iyo Crimea.

  1. Honduras

Wadanak Honduras waxaa uu hooy u yahay dilalka qorsheysan marka loo fiiriyo dunida inteedi kale, ka ganacsiaga maandooriyaha,waxaana yer dhaq dhaqaaqyada military ama boolis ee ka hortaga falalkaasi.

  1. Kenya

Halka wadanka Kenya ay ka dhacaan weeraro ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ah,gaar ahaan Nairobi, qaraxyada Bombaanooyinka,dilalka toogashada ah iyo kuwo tooreeyo loo isticmaalo ayaa halkaasi ka dhaca.

  1. Egypt

Kooxda Daacish ayaa Khatar ku haysa horumarinta kaabayasha dhaqaalaha dalkaasi,sida beegsiga dalxiisayaasha iyo dhinaca gaadiidka.

  1. Venezuela

Dhibaatooyin badan oo dhanka baahiayah aas aasiga ah ayaa halkaasi kajira,sida biyah Korantada,Caafimaadka,kuwaasi oo xaalado kacsanaan ah ka dhex abuuray bulshada, waxaa bar bar socda dhaca afduubka iyo dilalka qorsheysan.

  1. Nigeria

Labada kooxood oo kala ah Boko Haram iyo Daacish ayaa mas’uul ka ah rabshadaha kajira dalka Nigeria oo kamid ah wadamada dhaca Galbeedka Africa.

  1. Pakistan

Rabshadah salka ku haya fikradaha diimeed ayaa ragaadiyay dalka Bakistaan muddo sanado ah,waxaana ay ka jiraan inta badan gobolada dalkaasi.

  1. El Salvador

Wadankani waa wadan inta badan dilal ay ka dhacaan,waxaa kajira kooxo qowleysato ah sida, Maras Gangs,waxaa laga ganacsadaa badi dhoofinta maandooriyaasha iyo hubka.

  1. Yemen

Kooxo falaago ah oo caasimadda Yeman ku sugan ayaa bartilmaameedsada muwaadiniinta Mareykanka,kooxaha Alqaeda ayaa sidoo kale ku sugan wadankaasi Yeman,weeraro dhanka cirka ah iyo miinooyinka dhulka ayaa dhibaatooyin ku haya bulshada,nolosha aas aasiga ayaa ku adag dadka in ay helaan.

  1. Colombia

Dalka Colombia sidii hore uma Khatar badna, marka la fiiriyo, balse weli waxaa ka dhaca isna,weerar, afduubyo,iyo ka ganacsiga maandooriyaha sida magaalada Bogata ee Caasimadda Colombia.

Intii ay socotay warbixintan ayaan meelna looga xusay Soomaaliya, taasi oo muujinaysa in dalka Soomaaliya haatan uu kajiro horumar ballaaran.

Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga Dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

0

 

Muqdisho; September 9, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.

Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

 

 

Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

0

Kulan wadatsahi ah oo ujeeddadiisu ahayd sidii Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada ee ka jira magaalada Muqdisho ay ugu qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ku tilmaamay kulanka in uu yahay mid muhiimad wayn leh oo loo baahanyahay in bahda waxbarashada ay talooyinkooda dhiibtaan.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay horay kulamo wadatashi ah u la soo qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada, balse kulankan uu yahay midkii ugu muhimsanaa maadaama ay bahda waxbarsahada ay kaalin mug wayn uga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Ka qaybgalayaasha oo ka kala socday dhamaan Jaamacadaha Caasimadda iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa aad u soo dhaweeyay kulanka, waxa ayna talooyin ku saabsan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka la wadaageen Wasaaradda.

Ugu damabayn, Wasaaradda ayaa u ballanqaaday bahda waxbarashada in ay door wayn ku lahaan doonaan halwaha Wasaaradda, waxaana lagu ballamay wadashaqayn.