Xisbiyada siyaasada dalka south africa oo dowlada South africa ugu baaqay in ay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed.

Date:

Muqdisho (SONNA) Xisbiyada siyaasada dalka Koofur Africa ayaa ku biiray saaxiibada caalamka ee cambaareeyay qaraxii waxuushnimada ahaa ee lagu gumaaday shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishaan kaa oo kooxaha argagaxisada ah ay la beegsadeen shacabka masaakiinta ah.

Xisbiga DA oo ka mid ah saddaxda xisbi ee ugu waa weyn dhanka siyaasada xisbiyada dalka Koofur Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in qaraxa uu ahaa mid kooxaha argagaxisada ay ku doonayaan in ay ku aamusiyaan bulshada Soomaaliyeed balse loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamayo,waxaana ay tacsi u direen ehalada iyo dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Xisbiga Labaad ee EFF ayaa asna war qoraal ah kasoo saaray arintaan waxaa ayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkaan lagu laayay shacabka Soomaaliyeed waxaa “waxaan tacsi u direynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo dowladooda waxaan u rajeyneynaa guul familadeena iyo walaaladeen Soomaaliyeed inagoo aad uga xun falkaan oo garab taagan”

Xisbiga ayaa ugu baaqay in dowlada South Africa ay si deg deg dadka Soomaaliyeed gurmad ugu diraan gaar ahaan shaqaale caafimaad iyo waliba kaalmo daawooyin ah si walba loo garab istaago shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...