Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo Nairobi kusoo dhoweysay Bukaanadii saaka Muqdisho ka dhoofay “Sawirro”

Date:

Nairobi (SONNA) Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Nairobi ee Xaruna Dalka Kenya, ayaa sheegay in magaaladaasi ay gaartay diyaaraddii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay KM5, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

 
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi kusoo dhoweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu Horreeyso Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

 
Wasiirka arrimaha Dibadda kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhoweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan arrimaha Nabad gelyada iyo la dagaalanka Argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...