Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo Xarunta Gurmadka Qaranka ka furtay Magaaladda Muqdisho.

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay furtay Xarun loogu talo galay in lagu taakuleeyo dadka Dhibaneyaasha ah ee waxyyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

 
Marwo Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo Shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Gurmadka Qarnka, ayaa sheegtay Xaruntan cusub loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Waxyeelada soo gaartay,iyaddoo Codsatay in la caawiyo Dadkaasi dhibaneyaasha.

 
Xaruntan waxaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka dhibaneyaasha ah ee Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe, Waa xarun ay ka howl galayaan howl wadeeno caafimaad, waxaana ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka in ay usoo gurmadaan dadkaasi” ayey tiri Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...