Home Blog Page 1506

Dagaal u dhexeeya Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo ka dhacay Baladxaawo

0

Muqdisho(SONNA) Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo Maleeshiyad Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Argagixisada Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka  qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday,lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay xili dadku ay jiifeen islamarkaana la isku diyaarinayay dukashada salaaddda Subax,

Waxaa weli soconaya howlgalada dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo hadda si toos ah uga hadashey, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli ay maqlayaan rasaas.

Wixii ku soo kordha goor dhow kala soco SONNA.SO

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed oo Gaalkacyo kula kulmay saraakiil Amni

0

Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Ameeriko iyo satraakiil uu hoggaaminayay oo  maalmaahaanba howlo shaqo u joogay deegaanada Puntland ayaa kulan kula qaatay  magaalada Gaalkacyo,Qaar ka mida saraakiisha ciidamada booliiska dowladgobaleedyada Puntland iyo Galmudug Gelinkii dambe ee Axaddi.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xoojinta wadashaqeynta iyo sidii la isaga kaashan lahaa sugidda nabad geliyad  iyo u adeegista bulshada.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Galmudug kornayl Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) isagoona ka mahad celiyay garab istaaga iyo ka warqabka ay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed  markasta u hayaan ciidmada Booliiska Dowlada Goboleedyada.
Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa warbaahinta Qaranka u faah faahiyay ujeedka socdaalkooda.

“Waan ka mahadcelinayaa sida na loo soo dhaweeyey, ujeedka socdaalkeena wuxuu la xiriira sidii aan ugu kuurgali lahayn ciidamada booliska ee ka howlgala deegaanada Galmudug iyo Puntland, si aan uga warqabno xaaladdooda, waxaan sidoo kale ciidamadu ay u keeney qalab loogu talagalay in ay si wada jir ah uga howlgalaan si ay isaga kasha daan Ammaanka”, Ayuu yiri Janaraal Bashiir Cabdi.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhisan ciidamada loogu talagalay in si wada jir ah ay u sugaan amniga, iyo dhiiro gelinta isdhexgalka bulshada.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya”Waxaan xoojinaynaa howlgala ka dhanka ah Argagixisada

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii loo xoojin lahaa dagalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socoda dalka,isagoo xusay in si taasi loo gaaro la tayayn doono Ciidamada Xoogga Dalka lana qalabayn doono.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada loo diyaarinayo sidii ay Amisom ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka,taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyey kadib Kulamo uu magaalada Baydhabo kula yeeshey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulamo la yeeshey ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan arrimaha Amniga iyo howlgalada ka socoda deegaanadaasi.

Wuxuu sidoo kale kor meer ku tagay xarunta Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka,halkaasi oo warbixino uu kga dhageystay saraakiisha taliskaasi oo uu hogaaminayo Janaraal Ibraahim Yarow.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo booqdo qeybtan 60-aad, safarkan wuxuu qeyb ka yahay qorshe aan wadno ka wasaarad ahaan iyo ka dowlad ahaanba oo ah u kuurgalka,baahiyaha ciidamada iyo tayeyntooda iyo in la dardargeliyo howlgalada socda si ay ammaanka Dalka ula wareegaan,waxaan sidoo kale noo qorsheysan in aan booqano qeybaha kale sida,21-aad 12-aad iyo 43aad intuba”, Ayuu yiri Wasirka Difaaca.

Wasiirka iyo wefdigisa ayaa shalay gelinkii dambe gaarey magaalada Baydhabo,halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

In kabadan 30 qof oo ku dhimatay duqeymo ka dhacay Syria

0

Muqdisho(SONNA) Ugu yeraan 34 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib duqeymo la sheegay in diyaaradaha Militariga Ruushka ay ka geysteen magaalada Dier Al-Zouri ee Dalka Syria,sida ay sheegeen dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha Dalkaasi.

Kumanaan qoys ayaa ka barakacaya dagaalada ka socoda duleedka magaalada Dier Al-Zouri ee Syria, si ay naftooda ugala baxsadaan dagaaladaasi oo u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha Falaagada ah.

Dadka ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyey waxaa kujiray caruur iyo dad da’ah waxaana lagu eedeyneyeen diyaaradaha dagaalka Syria,balse majiraan wax jawaabo ah o ay bixiyeen Militariga Ruushka.

Ciidamada militariga Syria oo garabsanaya xulufadooda ayaa dhawaan dib u qabsaday xero ay lahaayeen ciidamada circa Dalkaasi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada.

Horaanti toddobaadkan, ciidamada milateriga Suuriya ee uu taageero Ruushka ayaa qabsaday qeybo kamid ah magaladaasi, waxaana halkaasi ay ku go’doomiyeen kumanaan rayid ah iyo ciidamo halkaasi ku sugnaa tan iyo sanadkii 2015-ka.

Magaalada lagu magacaabo Dier Al-Zouri ayaa ah magaalo aad u muhiimsan islamarkaana qani ku ah dhanka shidaalka,iyadoo kooxaha Daacish looga itaal roonaaday dagaaladii ugu dambeeyey

Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo ka dhacaya Beled Xaawo

0

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo maleeshiyad Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Argagixisada Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka  qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday,lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay xili dadku ay jiifeen islamarkaana la isku diyaarinayay dukashada salaaddda Subax,

Waxaa weli soconaya howlgalada dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo hadda si toos ah uga hadashey, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli ay maqlayaan rasaas.

Xigasho: SONNA

R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Xafiisyo lagu qabto Cabashooyinka dadweynaha

0

Muqdisho(SONNA) Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sirasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro katirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda.

Xafiisyadan ayaa waxaa ka howlgalidoona sharciyaqaano,kuwaasi oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu sameyndoona latalin dhinacyada sharciga iyo Cadaaladda, iydoo uu halkaasi imaandono muwadinkasta oo Soomaaliyeed oo qaba tabashooyin.

“Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinat Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saaridoontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah Dalka”, Ayuu yiri R’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu guddoomay ilaa 18 sharciyo oo ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda,si loo hor geeyo Golaha Wasiirada,waxaana sharciyadaasi soo diyaariyay qaar kamid ah Wasaaradda Cadaadda Dalka.

Faah faahin ka soo baxaysa Qarixii Baladweyne

0

Muqdisho(SONNA) Inta la xaqiijiyay 3 qof oo uu kujiro dhagar qabihii isxaqriyay ayaa ku geeriyootay 15 kale oo ay ku jiraan ilaa 3 wariye ahna way ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiayay maqaayada kutaala bartamaha magaalada Baladweyne Sida uu SONNA u xaqiijiyaya guddoomiyaha Gobolaka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Badiyow oo wareysi siiyaay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa faah faahiyay Khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashey.

“Maanta ayaa waxaa qof naftii halige ah isku qarxiyay Biibito oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen,waxaa ka dhashey khasaare,2 qof oo shacab ah iyo kii is haligay way ku dhimatay, 15 kalena waa ay dhaawacmeen,waxaana kujira dhaawacyada ilaa 3 wariye oo ka howlgala magaalada”, Ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa ahayd meel aad u mashquul badan waxaana inta badan ku qaxweeya shacabka magaalada Baladweyne.

Amaanka goobta ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada ka socda howlgalo,dadka dhaawacmay oo qaar kood xaaladoodi ay liidato ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa isbitalka guud ee magaalada Baladweyne.

Faah faahin ka soo baxaysa Qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne

0

Inta la xaqiijiyay 3 qof oo uu kujiro dhagar qabihii isxaqriyay ayaa ku geeriyootay 15 kale oo ay ku jiraan ilaa 3 wariye ahna way ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiayay maqaayada kutaala bartamaha magaalada Baladweyne Sida uu SONNA u xaqiijiyaya guddoomiyaha Gobolaka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Badiyow oo wareysi siiyaay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa faah faahiyay Khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashey.

“Maanta ayaa waxaa qof naftii halige ah isku qarxiyay Biibito oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen,waxaa ka dhashey khasaare,2 qof oo shacab ah iyo kii is haligay way ku dhimatay, 15 kalena waa ay dhaawacmeen,waxaana kujira dhaawacyada ilaa 3 wariye oo ka howlgala magaalada”, Ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa ahayd meel aad u mashquul badan waxaana inta badan ku qaxweeya shacabka magaalada Baladweyne.

Amaanka goobta ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada ka socda howlgalo,dadka dhaawacmay oo qaar kood xaaladoodi ay liidato ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa isbitalka guud ee magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha Jubaland iyo danjiraha UK oo Kismaayo ku kulmay

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kula kulmay danjiraha dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayay tageerada ay dowlada UK siiso Jubaland gaar ahaan adeegyada bulshada, iyo taakulaynta dhinacyada amaanka iyo horumarka.

Inta uu kulankan socday waxaa la isla soo qaaday sidii loo joogtayn lahaa xiriirka labada dhinac isla markana ay u bilaaban lahayeen waxyaabaha ka dhiman mashaariicda ay Ingiriisku ka hirgalinayaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo danjire Divid Concar, waxaa ay booqdeen, dhul laga dhisayo xarun ay yeelanayaan sirdoonka Jubbaland oo ay maalgalinayso dowlada Ingiriiska, iyadoo safiirku uu balan qaaday in ay dadaalkooda isugu gaynayaan sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd waayahii burburka, isla markana ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Waxaa kale, oo mas’uuliyiintu ay si wadajir ah ula kulmeen ururada bulshada qaybahooda kala duwan, iyadoo ay isla soo qaadeen qaabka ay u socdaan mashaariicda kala duwan ee UK ay ka hirgalinayso Jubbaland.

R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Xafiisyo lagu qabto Cabashooyinka dadweynaha

0

Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.