Tirada Shaqaalaha Dowladda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyey (AKHRI)

Date:

Muqdisho (SONNA)  Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada shaqaalaha Dowladda ee ku geeriyooday kuna dhaawacmay masiibadii ka dhacday Magaaladda Muqdisho iyo kaaalinta ay ka qaateen Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowladda.

Kulanka ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Dowadda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe uu yahay  Lix qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 qof sida ay sheegeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Xiriirka Goboladda Maamul goboleedyada ee Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Maxamed Macallin Iimaan, ayaa waxaa uu tilmaamay kaalintii ay ka qaateen gurmadkii loo fidinayey dadkii waxyeelada ay soo gaartay dhacdadii KM5.

 
Guddoomiye Ku xiggeenka Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay kulanka, ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyedd, isagoo ku dhaawacyada culus uu soo gaaray Alle uga baryey in Caafimaad deg deg ah uu siiyo.

 
Guddoomiyaha Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda C/risaaq Macaallin Cilmi, ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey kaalintii ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey Shacabkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacay Zoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...