Tirada Shaqaalaha Dowladda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyey (AKHRI)

Date:

Muqdisho (SONNA)  Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada shaqaalaha Dowladda ee ku geeriyooday kuna dhaawacmay masiibadii ka dhacday Magaaladda Muqdisho iyo kaaalinta ay ka qaateen Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowladda.

Kulanka ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Dowadda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe uu yahay  Lix qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 qof sida ay sheegeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Xiriirka Goboladda Maamul goboleedyada ee Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Maxamed Macallin Iimaan, ayaa waxaa uu tilmaamay kaalintii ay ka qaateen gurmadkii loo fidinayey dadkii waxyeelada ay soo gaartay dhacdadii KM5.

 
Guddoomiye Ku xiggeenka Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay kulanka, ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyedd, isagoo ku dhaawacyada culus uu soo gaaray Alle uga baryey in Caafimaad deg deg ah uu siiyo.

 
Guddoomiyaha Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda C/risaaq Macaallin Cilmi, ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey kaalintii ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey Shacabkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacay Zoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...