Home Blog Page 1508

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal Cirfiid oo maanta gaaray deegaanka Bariire”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale “Cirfiid” iyo Madaxda Hooganada Saadka  iyo wardoonka Cidanka Xoogga Dalka ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo uu kamid yahay Abaanduulaha Cidanka Xoogga Dalka  janeraal Cabduulaahi Cali Canood

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu Generaal Cirfiid ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale,Generaal Cirfiid oo  la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso+(Sawiro)

0

Boosaaso(SONNA) Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadm Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Col. Koofi ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib mudo ka badn 20-sano oo dalka dagaalo ku soo jiray,balse hadda la dareemayo horumar dhinacyo badan leh.

Turkiga iyo Mareynkanka oo joojiyay adeegii dal ku galka labada Wadan

0

Dowladaha Mareynkanka iyo Turkiga  ayaa soo kala dhexgalay muran diplomaasiyadeed oo marka hore ka bilowday qunsiliyad , waxayna Labada Dowladoodba ay joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’antahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda.

Safaaradda Mareynkanka ee Ankara ayaa horay war midkaasi u dhow u soo saartay.

Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii hore.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xiriirkii laba geesoodka ahaa.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu.

Al-Shabaab oo khasaaro xoogan loogu geystay weerar ay ku qaadeen Boosaaso+(Dhageyso)

0

Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Bar-Kontarool oo Ciidamada amaanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeya Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ka tirsan Difaaca Puntland,waxaana ugu danbeyn Ciidamada Puntland ay u suurta gashay iney dib u celiyaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wariye Maxamed Muuse Tarsan oo warbaahinta Dowladda uga soo warama magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay tahay hadda xaalada magaalada Boosaaso gaar ahaan goobtii dagaalka uu ka dhacay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Wariye Maxamed Muuse.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Bariire

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal  Axmed Jimcaale ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale, S/Gaas Axmed Jimcaale Geeddi oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Wafdi ka socoda Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweyey Mareykanak

0

Muqdisho(SONNA) Munaasabadan ballaaran oo lagu soo dhaweynayay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya oo booqasho ku jooga Dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ,waxaana ka qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed,Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Duqa magaalada Minneapolis.

Wafdigan waxaa kamid ahaa xildhibaan Xaniifa Maxmed Ibraahim Xaabsade,Samsam Maxmed, iyo Faadumo Abuukar,waxaan halkaasi ka hadashey xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegaty in booqashadooda ay wax weyn ku soo kordhinayso farxadaaha Soomaalida kunool Mareykanak.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashey Haweeneyda Duqa magaalada ka ah Minneapolis,iyadoo muujisay sida ay maamulkedu uu diyaarka ugu yahay garab istaaga bulshada Soomaaliyeed,waxayna xusatay in ay ka shaqeynayso sidii loo horumarin lahaa nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaaladaasi

Xildhibaan Xaniif Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Samsam Maxmed oo ka mid ah wafdigan oo ka socoday Golayaasha Shacabka iyo aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka, iyagoo sheegay in looga baahanyahay Qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan dib u dhiska Dalkooda.

Wafdigan ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo uu la yeeshey mas’uuliyiinta qaar kamid ah hay’adaha iyo golayaasha Dowladda Mareykanka waxayna u kuurgalayeen sida ay u socdaan howlaha dastuurkiga ah ee hay’adahaasi.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso

0

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadm Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Col. Koofi ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib mudo ka badn 20-sano oo dalka dagaalo ku soo jiray,balse hadda la dareemayo horumar dhinacyo badan leh.

Wafdi ka socoda Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweyey Mareykanka

0

Munaasabadan ballaaran oo lagu soo dhaweynayay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya oo booqasho ku jooga Dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ,waxaana ka qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed,Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Duqa magaalada Minneapolis.

Wafdigan waxaa kamid ahaa xildhibaan Xaniifa Maxmed Ibraahim Xaabsade, Samsam Maxmed, iyo Faadumo Abuukar,waxaan halkaasi ka hadashey xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegaty in booqashadooda ay wax weyn ku soo kordhinayso farxadaaha Soomaalida ku nool Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadashey Haweeneyda Duqa magaalada ka ah Minneapolis, iyadoo muujisay sida ay maamulkedu uu diyaarka ugu yahay garab istaaga bulshada Soomaaliyeed,waxayna xusatay in ay ka shaqeynayso sidii loo horumarin lahaa nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaaladaasi

Xildhibaan Xaniif Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Samsam Maxmed oo ka mid ah wafdigan oo ka socoday Golayaasha Shacabka iyo aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka, iyagoo sheegay in looga baahanyahay Qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan dib u dhiska Dalkooda.

Wafdigan ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo uu la yeeshey mas’uuliyiinta qaar kamid ah hay’adaha iyo golayaasha Dowladda Mareykanka waxayna u kuurgalayeen sida ay u socdaan howlaha dastuurkiga ah ee hay’adahaasi.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Munaasabad looga hadlayey Taakuleynta Ciidanka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Mudane Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

—DHAMMAAD—- 

R/wasaare Khayre oo ka qeyb galay Munaasabad looga hadlayey Taakuleynta Ciidamada.(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.