Marwada Koowaad ee Dalka oo Booqatay qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho.”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Marwada kowaad ee Dalka Marwo Saynab Cadbi Macalin, ayaa qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqatay dhawacyadii ka dhashay Qaraxii 14-ki bishan ka dhacay Caasimadda, kaasi oo ay ku waxyeeloobeen Dad aad u fara badan oo ku dhow 300 oo qof.

Marwo Zaynab Cabdi Macalin oo ay wehliso Agaasime ku xiggeenka Madaxtooyadda Qaranka Aamina Saciid Cali, ayaa waqti la qaadatay dhaawacyada ku jira isbitaalada Madiina iyo Erdugan Ex Digfeer, halkaas oo ay gaarsiisay Deeq isugu jirta Timir iyo Biyo.

Marwada Koowaad ee Dalka oo ay ka muuqatay Darreen ah sida ay uga xanuusatay dhibaatada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ay u geeysteen Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa u rajeeysay Muwaadiniinta dhaawaca uu soo gaaray in Alle u Boggsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay Midnimo muujiyaan, si ay argagaxisada looga guuleysto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...