Marwada Koowaad ee Dalka oo Booqatay qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho.”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Marwada kowaad ee Dalka Marwo Saynab Cadbi Macalin, ayaa qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqatay dhawacyadii ka dhashay Qaraxii 14-ki bishan ka dhacay Caasimadda, kaasi oo ay ku waxyeeloobeen Dad aad u fara badan oo ku dhow 300 oo qof.

Marwo Zaynab Cabdi Macalin oo ay wehliso Agaasime ku xiggeenka Madaxtooyadda Qaranka Aamina Saciid Cali, ayaa waqti la qaadatay dhaawacyada ku jira isbitaalada Madiina iyo Erdugan Ex Digfeer, halkaas oo ay gaarsiisay Deeq isugu jirta Timir iyo Biyo.

Marwada Koowaad ee Dalka oo ay ka muuqatay Darreen ah sida ay uga xanuusatay dhibaatada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ay u geeysteen Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa u rajeeysay Muwaadiniinta dhaawaca uu soo gaaray in Alle u Boggsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay Midnimo muujiyaan, si ay argagaxisada looga guuleysto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...