Home Blog Page 1501

Janaraal Muungaab oo 3-kun oo dollar ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe+(Sawiro)

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo xalay ka qeyb galay kulan loogu baroordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii 14-kii bishaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ugu geysteen dad shacab ah Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho deeq lacageed oo gaareysa 3 kun oo dollar ugu deeqay gudiga qaran ee gurmadka.

”Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed shacab iyo Dowlad gaar ahaan eheladii qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii soomaaliyeed marxuumiinti lagu xasuuqay 14kii bishaan gumaadki ka dhacay isgoysa zoobe ee magaalada muqdisho, waxan lee yahay illahay ha u naxariisto intii dhimatay intii ku dhaawacatayna illahay ha bogsiiyo waxay ahayd musiibo qaran oo ay geysteen cadawga Soomaaliyeed cadowga hormarka Umadda Soomaaliyeed ayuu yiri Muungaab.

Mudane Maxamed Xuseen Muungaab aya saddex kun oo dollar ugu deeqay dadkii dhaawaca ka soo gaaray qarixii Soobe ee ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan jaaliyadda reer qaahira ku baraarujinaya in walaalaheenna dhaawac ay maanta hiil inooga baahan yihiin sidaasi awgeed waxan halkaan ku cadeynaya oo aan jeclahay inan idiin bilaabo deeq aan ugu talo galay dhibanayaashii ka badbaaday xasuuqi kooxda guracan ee shabaabka waxana ugu deeqaya sadax kun oo dollar waxana rajeynaya insha allah iney jaaliyadda aad iyo aad isku xilqaamto”, ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

 Wariye: Mowliid Hassan 

 

Guddiga Shaqaalaha rayid Dowladda oo lacag deeq ah ku warreejiyey Guddiga gurmad qaran “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 5.000$ ku warreejiyey Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe, waxaana lacagtaasi guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow oo wakiil ka ahaa Guddiga.

 
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaallaha rayid ee Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow, ayaa sheegay in lacagta ay ku warreejiyeen guddiga Gurmad qaran ay iska soo arruuriyeen dhexdooda, waxaana Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo sameynayo dadkii ku waxyeelooby qaraxii Zoobe.

 
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyey guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda lacagta ay ku warreejiyeen Guddiga gurmad qaran ee loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay Xasuuqii Zoobe ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay.

Waddada Isgoyska Zoobe oo howl dib u dayactir ka bilaabatay “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA)–Guddoomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabit Abdi Maxamed ayaa ka qeybgalay howl dib u dhis iyo dayactir ka bilaabatay Isgooska 14 October (Ex zobe) oo dhawaan ku bur buray Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay kaa oo sababay dhimashada dadbadan oo shacab ah.

 

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobtu uu ka socday howashaasi dib u dayactirka ah ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso waddadaasi, si ay u soo laabato isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.ka kala goosha Isgoyskaasi.

 

Waddada Isgooska Zope ayaa 14-kii bishan ka dhacday musiibo aad u xun, taasi oo ay ku nafwaayeen Boqolaad Dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

 

Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulan mahadcelin ah la qaatay Wafdigii ka socday Djabuuti+(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka MahdiMaxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday Djabuuti, kuwaasi oo u yimid in ay ka qeyb qataan gurmadka Musiibdda 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenku waxa uu ka mahadceliyey sida Dowladda iyo shacabka Jabuuti had iyo goor u garab taagan yihiin Walaalahood Soomaaliyeed.

Dowladda Jabuuti ayaa maalmo ka hor magaalada Muqdisho u soo dirtay diyaarad siday gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir oo lagu caawinayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxii sabtidii la soo dhaafay ay Argagixisada ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Waxaana dhaqaatiirta hogaaminayay Wasiirka caafimaadka dalka Jabuuti oo Muqdisho ka sheegay in mar waliba Dowladda Jabuuti ka garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Tageerada Jabuuti ay siiso Soomaaliya oo dhinacyo badan leh ayaa hadana waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka AMISOM kuwaasoo loogu magacdaray Hiil Walaal oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Saxaafadda Soomaaliyeed oo isku raacay in dhex dhexaad aysan ka noqon doonin Baahinta Xasuuqa Argagixisada Alshabaab ay geeysanayaan “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Kulan ay isugu yimaadeen Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Owqaafta iyo arrimha diinta, Agaasimmaha Guud ee Wasaaaradda Wafaafinta, Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa banaan, Agaasimaha Telefashinka Qaranka, Agaasimaha Radio MMuqdisho iyo Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyaggoo ka hadlay doorka Warbaahinta laga rabo.

 

Mudane Cabdullaahi Xirsi oo kamid ah Masuuliyiinta Telefashinka Universal kuna hadlayey afka warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, ayaa sheegay in aysan dhex dhexaad ka noqon doonin Xasuuqa iyo Gumaadka Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isagoo sheegay in ay ku guda jiraan uruurinta lacag ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo kulankaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay qaateen Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka dalka iyo sidoo kale in loo gurmado dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.
Warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Yariisow, in dadka dhibaneyaasha ah Codkooda meel sare la gaarsiiyo, loona fududeeyo in warbaaahinta ay ka hadlaan, si loogu soo gurmado.
Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Iimaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay diyaariyeen Culimo Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonna Wacyi galinta Bulshadda, si aan loo marin habaabin Bulshadda, isagoo warbaahinta ugu baaqay in laga qeyb qaato wacyigelintaasi.

 

Ugu dambeyntii kulanka kadib, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dalka, ayaa booqday goobtii qaraxa uu sabtii lasoo dhaafay ka dhacay ee KM5, halkaasi oo ay ka socotay olole dib loogu dayactiayo waddadaasi.

 

 

Sawirqaade:- Maxamed Feeresane.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo ka tacsiyeesey Qaraxii Muqdisho ka dhacay+(Sawiro)

0

Kuala Lumpur(SONNA) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa kulan tacsi iyo duco ah u qabatay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey qaraxii 14 bishan Oktoobar ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo lugu qabtay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur oo ay degganyihiin jaaliyadda ugu badan ee Soomaaliyeed ee Malaysia waxaa ka qaybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia, Abuukar Cabdi Cismaan,guddoomiyaha jaaliyadda, ururrada bulshada,aqoon-yahanno, Haween , dhallinyaro iyo xubno kale oo bulshada qaybaheeda ka socday.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia, Cabdullaahi Cigaal ayaa kulanka ka sheegay inay aad uga xunyihiin qaraxa ay ku dhinteen ku dhawaad saddex boqol oo ruux oo shacab Soomaaliyeed ah, wuxuuna sheegay jaaliyadda Soomaaliyeed inay diyaar u tahay inay ka qayb-qaadato gurmadka la garsiinayo dadkii wax ku noqday qaraxa, inta wuxuu ku daray mahadcelin uu u direy dhammaan dowladaha iyo bulshadii kale ee ka qayb-qaadatay gurmadka la gaarsiiyay Muqdisho, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Malaysia oo qaraxa cambaareysey muujiseyna inay si weyn ugu xuntahay, waxaana daarta dheer ee Kuala Lumpur Tower, laga daarey midibka baluuga ah ee calanka Soomaaliya.

“Niyadeydu way oyneysa, waana ka xunahay dhibkii ka dhacay Muqdisho,jaaliyadda Soomaaliyeed waxay dhibka la qaybsaneysa bulshada Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay wixii nooga aadan ee tabarteenna ah inan tarno waalalaheen uu dhibka gaarey.” ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Malaysia, Abuukar Cabdi Cismaan ayaa hadal ka jeediyay kulanka jaaliyadda oo dad badan ay ka soo qaybgaleen, wuxuu sheegay bulshadda Soomaaliyeed inuu gaarey dhib weyn oo aan horey ugu dhicin, wuxuu tacsi u direy dadkii qaraxaa ku geeryoodey, isagoo caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmey, wuxuu sheegay inuu la kulmay madaxda dowladda Malaysia oo u ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha dalkan, Najiib Razak  iyo amiirka dalka Qatar oo booqasho ku jooga Malaysia, dhammaan wuxuu sheegay mas’uuliyiinta inuu warbixin ka siiyay sida ay wax u dhaceen ayna ballanqaadeen inay garab istaagayaan bulshada Soomaaliyeed ee u qaraxa dhibaatada garsiiyay.

” Wixii dhacay waxay ahayd wax aan horey dalkeenna ugu dhicin, dowladda Soomaaliya oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ugu horreeyo dhibka ayay la qaybsadeen shacabka Soomaaliyeed, bulshada caalamkana way noo soo gurmadeen, waxaan rajeynaya dhibka inan ka dhaxalno isku dubnaan.” ayuu yiri safiirka oo inta ku darray ” Dhibaatadan Soomaali ma geysan ee qof Soomaali ah oo qalbiga iyo niyadda shisheeye ka ah ayaa geeystay waan ka guuleysan doonna cid walba oo dhibaateyneysa bulshada dowladda taas ayaa ka go’an shacabkana waa inay dowladda garab istaagan oo ay taageerraan.”

Aqoonyahannada kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen barayaal jaamacadaha Malaysia wax ka dhiga iyo mas’uuliyiin kale oo goobta joogtay ayaa dhankooda cabirey sida ay dhacdadaa ugu xunyihiin, haween iyo dhallinyaro kale ayaa dhankooda suugaan dhibka dhacay ku soo bandhigey, iyagoo dalbanayay shacabka Soomaaliyeed inay midooban si dhibka looga gudbo.

Gabagabadii, ka qaybgalayaasha kulanka ayaa dhaqaalo aruurin sameeyay si jaaliyadda ay uga qayb-qaadato gurmadka la gaarsiinayo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii darnaa ee ka dhacay caasimadda dalka.

Iman Mohamed Jama

Email: Deegaan1994@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarunta ka hortaga Musiibooyinka dhowaan la furi doono “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaradda dhowaan ay furi doonto Xarun cusub oo looga hortagayo Masiibooyinka qaran oo  lamid ah  Qaraxii Zoobe KM5 ee Magaaladda MMuqdisho ka dhacay.

 
Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in Xarunta Qorshahu yahay in la furo ay ka shaqeyn doonto siddii looga hortagi lahaa Musiibooyinka qaran, islamarkaan qorshe looga yeelan lahaa ka hor tagooda iyo haddii ay dhacaan in la helo ka jawaabis deg deg ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sidoo kale u mahad celisay dadka gacanta weyn ka geystay gargaarka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay, iyaddo sheegtay in Ummadda Soomaaliyeed haddii ay isku gargaaaraan inay isku filan yihiin.

 
Ugu dambeyn Marwo Maryan Qaasim, ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana ay sheegtay in kaalin weyn ay ka qaateen Gurmadka loo fidinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

Xarunta Gurmad qaran oo wali ay ka socoto Diiwaan gelinta dadkii lagu waayey Qaraxii KM5 ka dhacay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maalintii Shanaad Xarunta Guddiga Gurmad qaran ee Musiibadii Zoobe Magaaladda Muqdsiho, waxaa ka soconaya Gargaarka iyo diiwaan gelinta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maleeshiyadda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen isgoyska Zoobe (KM5) ee Gobolka Banaadir.

 
Xarunta waxaa wali soo gaaraya dad aad u fara badan oo baadi goob ugu jira dad ay ku waayeen Qaraxii zoobe, sidoo kale waxaa xarunta imaaneysa Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ula socdaan qaabka ay wax u socdaan iyo waxyaabihii soo kordhay.

 

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo qaar kamid ah Shaqaalaheeda ay maalmahan ka howlgalyaan Xarunta Guddiga Gurmad qaran, ayaa si gaar ah isaga xilqaantay in Ummadda Soomaaliyeed ay usoo gudbiso Xaqiiqda dhabta ah ee qaraxii Zoobe qasaarihii uu geeystay, Dadkii ku waxyeeloobay iyo baadi goobka dadka wali lagu la’yahay qaraxaasi oo aan lagu heyn Nolol iyo Geeri.

 


Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Guddiga Shaqaalaha rayid Dowladda oo lacag deeq ah ku warreejiyey Guddiga gurmad qaran

0

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 5.000$ ku warreejiyey Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe, waxaana lacagtaasi guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow oo wakiil ka ahaa Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaallaha rayid ee Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow, ayaa sheegay in lacagta ay ku warreejiyeen guddiga Gurmad qaran ay iska soo arruuriyeen dhexdooda, waxaana Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo sameynayo dadkii ku waxyeelooby qaraxii Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyey guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda lacagta ay ku warreejiyeen Guddiga gurmad qaran ee loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay Xasuuqii Zoobe ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay.

Saxaafadda Soomaaliyeed oo isku raacay in dhex dhexaad aysan ka noqon doonin Baahinta Xasuuqa Argagixisada Alshabaab ay geeysanayaan

0

Kulan ay isugu yimaadeen Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Owqaafta iyo arrimha diinta, Agaasimmaha Guud ee Wasaaaradda Wafaafinta, Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa banaan, Agaasimaha Telefashinka Qaranka, Agaasimaha Radio MMuqdisho iyo Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyaggoo ka hadlay doorka Warbaahinta laga rabo.

 

Mudane Cabdullaahi Xirsi oo kamid ah Masuuliyiinta Telefashinka Universal kuna hadlayey afka warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, ayaa sheegay in aysan dhex dhexaad ka noqon doonin Xasuuqa iyo Gumaadka Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isagoo sheegay in ay ku guda jiraan uruurinta lacag ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo kulankaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay qaateen Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka dalka iyo sidoo kale in loo gurmado dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.

Warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Yariisow, in dadka dhibaneyaasha ah Codkooda meel sare la gaarsiiyo, loona fududeeyo in warbaaahinta ay ka hadlaan, si loogu soo gurmado.
Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Iimaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay diyaariyeen Culimo Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonna Wacyi galinta Bulshadda, si aan loo marin habaabin Bulshadda, isagoo warbaahinta ugu baaqay in laga qeyb qaato wacyigelintaasi.

 

Ugu dambeyntii kulanka kadib, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dalka, ayaa booqday goobtii qaraxa uu sabtii lasoo dhaafay ka dhacay ee KM5, halkaasi oo ay ka socotay olole dib loogu dayactiayo waddadaasi.