Xarunta Gurmad qaran oo wali ay ka socoto Diiwaan gelinta dadkii lagu waayey Qaraxii KM5 ka dhacay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Waxaa maalintii Shanaad Xarunta Guddiga Gurmad qaran ee Musiibadii Zoobe Magaaladda Muqdsiho, waxaa ka soconaya Gargaarka iyo diiwaan gelinta dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Maleeshiyadda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen isgoyska Zoobe (KM5) ee Gobolka Banaadir.

 
Xarunta waxaa wali soo gaaraya dad aad u fara badan oo baadi goob ugu jira dad ay ku waayeen Qaraxii zoobe, sidoo kale waxaa xarunta imaaneysa Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ula socdaan qaabka ay wax u socdaan iyo waxyaabihii soo kordhay.

 

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo qaar kamid ah Shaqaalaheeda ay maalmahan ka howlgalyaan Xarunta Guddiga Gurmad qaran, ayaa si gaar ah isaga xilqaantay in Ummadda Soomaaliyeed ay usoo gudbiso Xaqiiqda dhabta ah ee qaraxii Zoobe qasaarihii uu geeystay, Dadkii ku waxyeeloobay iyo baadi goobka dadka wali lagu la’yahay qaraxaasi oo aan lagu heyn Nolol iyo Geeri.

 


Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....