Saxaafadda Soomaaliyeed oo isku raacay in dhex dhexaad aysan ka noqon doonin Baahinta Xasuuqa Argagixisada Alshabaab ay geeysanayaan

Date:

Kulan ay isugu yimaadeen Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka goob joog ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Owqaafta iyo arrimha diinta, Agaasimmaha Guud ee Wasaaaradda Wafaafinta, Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa banaan, Agaasimaha Telefashinka Qaranka, Agaasimaha Radio MMuqdisho iyo Wariyeyaal Soomaaliyeed, iyaggoo ka hadlay doorka Warbaahinta laga rabo.

 

Mudane Cabdullaahi Xirsi oo kamid ah Masuuliyiinta Telefashinka Universal kuna hadlayey afka warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, ayaa sheegay in aysan dhex dhexaad ka noqon doonin Xasuuqa iyo Gumaadka Nabad diidka Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isagoo sheegay in ay ku guda jiraan uruurinta lacag ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo kulankaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay qaateen Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka dalka iyo sidoo kale in loo gurmado dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.

Warbaahinta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Yariisow, in dadka dhibaneyaasha ah Codkooda meel sare la gaarsiiyo, loona fududeeyo in warbaaahinta ay ka hadlaan, si loogu soo gurmado.
Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya, Iimaan Cabdulaahi Cali, ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay diyaariyeen Culimo Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonna Wacyi galinta Bulshadda, si aan loo marin habaabin Bulshadda, isagoo warbaahinta ugu baaqay in laga qeyb qaato wacyigelintaasi.

 

Ugu dambeyntii kulanka kadib, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dalka, ayaa booqday goobtii qaraxa uu sabtii lasoo dhaafay ka dhacay ee KM5, halkaasi oo ay ka socotay olole dib loogu dayactiayo waddadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...