Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarunta ka hortaga Musiibooyinka dhowaan la furi doono “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaradda dhowaan ay furi doonto Xarun cusub oo looga hortagayo Masiibooyinka qaran ooย  lamid ahย  Qaraxii Zoobe KM5 ee Magaaladda MMuqdisho ka dhacay.

 
Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in Xarunta Qorshahu yahay in la furo ay ka shaqeyn doonto siddii looga hortagi lahaa Musiibooyinka qaran, islamarkaan qorshe looga yeelan lahaa ka hor tagooda iyo haddii ay dhacaan in la helo ka jawaabis deg deg ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sidoo kale u mahad celisay dadka gacanta weyn ka geystay gargaarka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay, iyaddo sheegtay in Ummadda Soomaaliyeed haddii ay isku gargaaaraan inay isku filan yihiin.

 
Ugu dambeyn Marwo Maryan Qaasim, ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana ay sheegtay in kaalin weyn ay ka qaateen Gurmadka loo fidinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...