Home Blog Page 1502

Waddada Isgoyska Zoobe oo howl dib u dayactir ka bilaabatay

0

Guddoomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabit Abdi Maxamed ayaa ka qeybgalay howl dib u dhis iyo dayactir ka bilaabatay Isgooska 14 October (Ex zobe) oo dhawaan ku bur buray Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay kaa oo sababay dhimashada dadbadan oo shacab ah.

 

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobtu uu ka socday howashaasi dib u dayactirka ah ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso waddadaasi, si ay u soo laabato isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.ka kala goosha Isgoyskaasi.

 

Waddada Isgooska Zope ayaa 14-kii bishan ka dhacday musiibo aad u xun, taasi oo ay ku nafwaayeen Boqolaad Dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

  

Guddiga Gurmad qaran oo dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Howlaha gargaarka ah “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddigaasi, ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii KM5 ee Magaaladda Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka, ayaa sheegay in dadka musiibada ay soo gaartay ay u baahan yihiin gargaar aad u ballaaran, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ah  inay qeyb lixaad leh ay ka qaataan gurmadka.

 

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha gurmadka ah, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan dadkii Caawinaada ka qeyb qaatay.

 

Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Guddiga Gurmad Qaran oo baaq u diray maamul goboleedyada dalka

0

Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Zoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddigaasi, ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeelloobay Musiibaddii KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka, ayaa sheegay in dadka musiibada ay soo gaartay ay u baahan yihiin gargaar aad u ballaaran, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ah  inay qeyb lixaad leh ay ka qaataan gurmadka.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha gurmadka ah, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan dadkii Caawinaada ka qeyb qaatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee ka qeyb qaatay u gurmashada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa mid is xogwareysi iyo mahadcelin uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka u jeedinayay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane oo ay ku jireen dhaqaatiir, kuwaasi oo ka qeyb qaatay inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane ayaa sheegay in isaga iyo dhaqaatiirta la socotay ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay markasta garab taaganyihiin Walaalood Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socday Jabuuti ee 16-kii bishan soo gaaray Muqdisho, ee isugu jiray dhaqaatiir iyo dawooyin ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, kaalintii ay ka qaateen wax u qabashada Walaalahood, isagoo xusay in Walaalaha reer Jabuuti ay ku weynyihiin qaluubta shacabka Soomaaliyeed oo aan markasta iloobi karin sida ay u garab taaganyihiin.

Kulanka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada MuqdishoDr Maxamed Yuusuf  iyo mas’uuliyiin kale.

Boqorka Marocco oo ugu Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Qaraxii Zoobe

0

Rabad-(SONNA)– Boqorka dalka Morocco Maxamed Lixaad ayaa dhambaal tacsi ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mahamed Abdulaahi Maxamed Farmaajo weerarkii wuxuushnimada ahaa oo ay kooxda xaqjirka ah ee Al-Shabaab ku laayeen 14-kii bishan ilaa 300 oo Qof, tiro intaa ka badan ay ku dhaawaceen.

Boqorka ayaa dhambaalkiisa ku xusay in isagoo ku hadlayo magaciisa, kan xukuumadda iyo midka shaacabka Marocco uu aad ugu xun yahay dhacdadaasi ay ku nafwaayeen dad maato ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna falkaasi lagu laayay dadkaasi ku tilmaamay mid argagixiso ah , kana soo horjeeeda qiyamka insaaniga ah iyo diinteyna muqadaaska ah.

Bqorka dalka Marocco ayaa tacsiyadaa uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya uu Eebe ugu baryay dadkii dhacdadaasi ku geeriyooday inuu naxriistiisa ka waraabyo eheladii iyo qoysaskii ay ka tagayna uu ka siyo Samir iyo Iimaan .Amiin.

 27- sano kadib Diyaaradaha Ganacsiga Sacuudiga oo gaaray Ciraaq

0

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Nas ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay  in Diyaarad ganacsi oo laga leeyahay dalkaasi kana tagtay magaalada Riyaad ay markii u horeysay muddo 27 sano ah ka degtay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Boqortooyada sacuudoiga ayaa waxa ay si rasmi ah u joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaheeda Ciraaq sanadkii 1990-kii xiligaasi oo ku beegneyd markii Madaxweynihii hore ee ciraaq Sadam Husen uu weeraray dalka Kuweyt .

Labada dal dhawaan ku heshiyeen in dib loo furo  marinka u dhaxeeya oo la xiray sanadkii 1990, dhanka kale shirkadda Diyaaradaha Nas ee Sacuudiga ayaa sheegtay  inay qorsheynayso dulimaadyo kale oo ay shirkadaheeda diyaaradaha ku tagaan magaalooyin kale oo ka tikrsan dalka ciraaq.

Sacuudiga iyo Ciraaq ayaa dhawaan bilaabay inay dib u soo ceshadaan xiriirkooda si ay wadajir ugu wajahan awooda isa sii taraysa ee Iiraan ay ku leedahay Mandiqadaasi.

Madaxda shirkadda Diyaaradda Nas ee Saciidiga  Bandar Al-mihna uu sheegay in talaabadan ay shirkadiisu qaaday ay tahay mid albaabada u fureysa siina xoojinaysa xiriirka labada dal ee carbeed.

 

Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo lagu aasayo dalka India

0

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin lagu aasayo dalka India.

Wasiiru dowladaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u xajiiyay in kulan ay isugu yimaadeen Senetarada, Xildhibannada golaha Shacabka, Nabadoonada, Ugaasyada iyo Ehelada Marxuumka ay isku afgarteen in Marxuumka lagu aasayo Qabuuraha Muslimiinta ee dalka India.

Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa xusay in madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka India ay aas Qaran u sameynayaan marxuumka maanta oo khamiis ah, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka India.

Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in tacsi iyo baroor diiq socon doonto muddo saddex cisho ah loogu sameyn doono Muqdisho, isla markaana Xildhibaannada iyo saaxiibadiisa ay la soo xiriiri karaan Eheladiisa, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir, Wasiiru dowlaha, Wasiiru dowlahii hore ee Dastuurka, iyo XildhibaaNnada laba Aqal ee kasoo jeeda beesha uu ka dhashay marxuumka.

Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin waxa uu Xildhibaanimada ku soo biiray tan iyo dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyadoo marxuumka isla xilligaas soo noqday Wasiirkii hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka.

Banaanbax ka dhan ah Kooxda Argagixisada Shabaab oo ka dhacay dalka Koonfur Africa+(Sawiro)

0

Johannesburg(SONNA) Banaan baxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen urur dhalinyaro ah oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Koonfur Africa una istaagay in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo kooxaha argagaxisada ay ku xasuuuqeen shacabkii masaakiinta ahaa ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Mayfair ee magaalada Johannesburg.

Dadweyne aad u farabadan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee xaafada Soomaalida dagan tahay Mayfair kuwaa oo shaqooyinkooda ka soo tegay isla markaana madax ku soo xirtay marooyin gaduudan oo ay ku muujinayeen dareenka iyo sido kale boorar waa weyn.

Madaxda jaaliyadda Soomaalida iyo shacab kale ayaa goobta hadalo kooban oo u badnaa tacsi ka jeediyay waxaana ay dhamaan ka mideysnaayeen dareenka murugada leh oo ay ka qabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee  14-a bishaan kooxaha argagaxisada ay ku qaadeen isgoys-ka Zoobe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 300 ruux tiro ka badana ay dhaawacyo ispitaalada la jiifaan.

Inta qudbadaha socdeen waxaa la arkayay haween badan oo ilmeynaya isla markaana wajiyooda laga dheehan karay in dhibaatada iyo diifta ay ku reebtay dhacdadaan naxdinta leh, qaarkood oo warbaahinta qaranka la hadlayna ay sheegeen in tani ay tahay musiibo ku habsatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana hooyooyinka.

Intaasi kadib waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka xaafada Mayfair ayaga oo ku qeylinaya erayo ay kaga soo horjeedaan kooxaha argagaxisada ah ee falkaan foosha xun geysatay waxaana ku jiray erayo ay ka midyihiin”Al-shabaab dooni meyno,nabad diidka dooni meyno,maato laaye dooni meyno”

Sido kale Magaalada Cape Town ayaa Soomaalida ay ka dhigeen banaan bax kan la mid ah ayada oo Soomaalida xaafada Bellville ay isugu timid madrasada Sunna ay Soomaalida ku leedahay magaalada Cape Town.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Mareykanak iyo dalal badan oo cirka isku sii shareeraya

0

Mareykanka(SONNA) Iyadoo Madaxweynaha mareykanka Donal Jey Trump uu dhawaan si adag uga hadlay arrimaha Nuclearka Iiraan ayaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran wuxuu difaacay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la gashay quwadaha waawayn ee Caalamka oo uu kujiro Mareykanka.

Hoggaamiye Ayatollah Cali Khamenei ayaa isticmaalay luuqad adag isaga oo Trump ku tilmaamay nin careysan oo beenaale ah,sida uu shegay isaga oo ku sugan magaalada Tehraan ee caasimadda dalkaasi Iiraan.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran ayaa soo dhaweeyay taageerada midowga Yurub ay u muujiyeen heshiiska Iiraan lala galay,balse madaxweyne Mr Trump ayaa diiday in uu saxiixo heshiiska Iiraan ay la galeen wadamada Dowladaha tunka weyn ee caalamka.

Madaxwayne Trump ayaa ku hanjabay in uu gabi ahaanba meesha ka saari doono heshiiska Iiraan lala galay xiligii uu xukunka hayay madaxwayne Obama.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ku baaqay in isbadal lagu sameeyo heshiiska si looga hortago in iiraan ay samaysato hubka Niyukleerka.

Wadamada kale ee qaybta ka ahaa heshiiska Niyukleerka Iiraan ayaa dhankooda waxa ay muujiyeen in wali heshiiska ay sii wadi doonaan.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa u muuqdaa in uu faraha la galay jahwareer siyaasadeed,tan iyo markii xafiiska uu qabtay waxaa sii xukmaaday xiriirka dib lomaasiyadeed oo mareykanka uu la lahaa caalamka intiisi kale.

Waxaa kamid ah wadamada haatan khilaafka uu kala dhexeyo,Kuuriyada Waqooyi,Iiraan, Ruushka,Turkiga,Cubba,Venezuela iyo wadamo kale oo isugu jira dunida islaamka iyo reer Galbeedka intuba.

Mareykanka oo si adag uga hadlay xasuuqa Rohingya

0

Myanmar(SONNA) Rex Tillerson Xoghayaha arrimaha dibadda ee Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in gaboodfallada dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyaddeeda qaadi doonaan hoggaanka millatari ee dalkaasi kajira, kasi oo ku guul dareystay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka muslimiinta lagu hayo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mr TillerSon Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aduunyadu aysan marqaati ka noqon dil wadareedka laga soo sheegayo gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

In ka badan nus milyuun dadka kasoo jeeda qowmiyada Rohingya ayaa ka gudbay xuduuda uu Myanmar la wadaago Bangladesh dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay.

Waxaa lagu soo waramayaa in Dadkan  lafahooda kala carraray gaboodfallo la sheegay in ay millatariga dalkaasi Myanmar kula dhaqaaqeen muslimiinta Rohingya xasuuq ba’an taasi oo dunidu ay ka qeylo dhaamisay.

Hadalka Tillerson ayaa kusoo beegmay kadib warbixin ay qalalaasaha Myanmar kasoo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Warbixinta oo lagu saleeyay wareyso lala yeeshay in ka badan 100 ruux oo kasoo carartay gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Rakhine, ayaa sheegeysa in ciidamada amaanka ay si ula kac ah u toogteen boqolaal ruux oo ka mid ah dadka Rohingya, halka nolosha lagu gubay waayeelada iyo dadka xanuunsan ee aanan ordi karin ee looga tagay guryaha laga qaxay.

Dadka muslimiinta Rohingya ayaa dowladdu waxay kala noqotay aqoonsigii muwaadinnimo iyadoo sheegtay in jinsiyad ahaan ay ka soo jeedaan dalka Bangaldheesh, kumanaan qof oo ka cararay xasuuqaasi ayaa ku nool xadka ay wadaagaan labada dale e Myanmar iyo Bangaldheesh.