Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo ka tacsiyeesey Qaraxii Muqdisho ka dhacay+(Sawiro)

Date:

Kuala Lumpur(SONNA) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa kulan tacsi iyo duco ah u qabatay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey qaraxii 14 bishan Oktoobar ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo lugu qabtay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur oo ay degganyihiin jaaliyadda ugu badan ee Soomaaliyeed ee Malaysia waxaa ka qaybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia, Abuukar Cabdi Cismaan,guddoomiyaha jaaliyadda, ururrada bulshada,aqoon-yahanno, Haween , dhallinyaro iyo xubno kale oo bulshada qaybaheeda ka socday.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia, Cabdullaahi Cigaal ayaa kulanka ka sheegay inay aad uga xunyihiin qaraxa ay ku dhinteen ku dhawaad saddex boqol oo ruux oo shacab Soomaaliyeed ah, wuxuuna sheegay jaaliyadda Soomaaliyeed inay diyaar u tahay inay ka qayb-qaadato gurmadka la garsiinayo dadkii wax ku noqday qaraxa, inta wuxuu ku daray mahadcelin uu u direy dhammaan dowladaha iyo bulshadii kale ee ka qayb-qaadatay gurmadka la gaarsiiyay Muqdisho, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Malaysia oo qaraxa cambaareysey muujiseyna inay si weyn ugu xuntahay, waxaana daarta dheer ee Kuala Lumpur Tower, laga daarey midibka baluuga ah ee calanka Soomaaliya.

“Niyadeydu way oyneysa, waana ka xunahay dhibkii ka dhacay Muqdisho,jaaliyadda Soomaaliyeed waxay dhibka la qaybsaneysa bulshada Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay wixii nooga aadan ee tabarteenna ah inan tarno waalalaheen uu dhibka gaarey.” ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Malaysia, Abuukar Cabdi Cismaan ayaa hadal ka jeediyay kulanka jaaliyadda oo dad badan ay ka soo qaybgaleen, wuxuu sheegay bulshadda Soomaaliyeed inuu gaarey dhib weyn oo aan horey ugu dhicin, wuxuu tacsi u direy dadkii qaraxaa ku geeryoodey, isagoo caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmey, wuxuu sheegay inuu la kulmay madaxda dowladda Malaysia oo u ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha dalkan, Najiib Razak  iyo amiirka dalka Qatar oo booqasho ku jooga Malaysia, dhammaan wuxuu sheegay mas’uuliyiinta inuu warbixin ka siiyay sida ay wax u dhaceen ayna ballanqaadeen inay garab istaagayaan bulshada Soomaaliyeed ee u qaraxa dhibaatada garsiiyay.

” Wixii dhacay waxay ahayd wax aan horey dalkeenna ugu dhicin, dowladda Soomaaliya oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ugu horreeyo dhibka ayay la qaybsadeen shacabka Soomaaliyeed, bulshada caalamkana way noo soo gurmadeen, waxaan rajeynaya dhibka inan ka dhaxalno isku dubnaan.” ayuu yiri safiirka oo inta ku darray ” Dhibaatadan Soomaali ma geysan ee qof Soomaali ah oo qalbiga iyo niyadda shisheeye ka ah ayaa geeystay waan ka guuleysan doonna cid walba oo dhibaateyneysa bulshada dowladda taas ayaa ka go’an shacabkana waa inay dowladda garab istaagan oo ay taageerraan.”

Aqoonyahannada kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen barayaal jaamacadaha Malaysia wax ka dhiga iyo mas’uuliyiin kale oo goobta joogtay ayaa dhankooda cabirey sida ay dhacdadaa ugu xunyihiin, haween iyo dhallinyaro kale ayaa dhankooda suugaan dhibka dhacay ku soo bandhigey, iyagoo dalbanayay shacabka Soomaaliyeed inay midooban si dhibka looga gudbo.

Gabagabadii, ka qaybgalayaasha kulanka ayaa dhaqaalo aruurin sameeyay si jaaliyadda ay uga qayb-qaadato gurmadka la gaarsiinayo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii darnaa ee ka dhacay caasimadda dalka.

Iman Mohamed Jama

Email: [email protected]

Kuala Lumpur, Malaysia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale