Guddiga Shaqaalaha rayid Dowladda oo lacag deeq ah ku warreejiyey Guddiga gurmad qaran

Date:

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 5.000$ ku warreejiyey Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe, waxaana lacagtaasi guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow oo wakiil ka ahaa Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaallaha rayid ee Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow, ayaa sheegay in lacagta ay ku warreejiyeen guddiga Gurmad qaran ay iska soo arruuriyeen dhexdooda, waxaana Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo sameynayo dadkii ku waxyeelooby qaraxii Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyey guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda lacagta ay ku warreejiyeen Guddiga gurmad qaran ee loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay Xasuuqii Zoobe ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....