Home Blog Page 150

𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐡𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐠𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐅𝐒

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay Hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, kaas oo ah hindise muhiim ah oo loogu talagalay in lagu adkeeyo nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka ka codsaday in Hindise sharciyeedka ay meel mariyaan maaddaama uu muhiim u yahay xakamaynta iyo tayaynta daawada dalka taas oo qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa xoogga isugu geysay sidii loo heli lahaa sharci lagu xakameynayo daawada soo gasha dalka waxayna helitaanka dharciga daawada uu horseedi doonaa in bulshadu hesho daawo waxtar leh.

Sharciga tayada daawada ayaa sidoo kale meesha ka saaraya saamayntab xun ee ay bulshada ku yeelatay dawooyinka sida xun loo isticmaalo iyo hubinta daawada waxyeellada xambaasan.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

0

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐈𝐥𝐲𝐚𝐚𝐬 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐮𝐛𝐚𝐤𝐚𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐅𝐚𝐰𝐳𝐢.

Kulanka ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada sharci-dejinta iyo cadaaladda.

Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay hirgelinta heshiisyadii hore si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada.

Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dedaallada lagu horumarinayo xiriirka labada dal, taas oo gacan ka geysan doonta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Qaahira

0

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ay xalay ugu ambabxeen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay halkaasi kaga qaybgalayaan shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxda ururka Jaamicadda Carabta oo looga hadlayo dib u dhiska Gaza.

Tartameyaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dharkeynleey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Dharkeynleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynleey waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaq iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Baay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday dalka Masar

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar.

Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Masuuliyiin kale oo howlgallo lagu dardargalinayo dagaalka khawaarijta kawada Gobolka Hiiraan

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo Khawaarijta, isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.

Madaxwene ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo dhankiisa la hadlay ciidanka ayaa sheegay in Maamulla Hirsheeblle ay ka go’antahy in laga saaro dhamman dhulka uu ka taliyo khawaarijta arxanka daran ee dhibaatada muddada dheer ku hayay shacbka soomaaliyeed.

“Dagaal kasta oo dhaca waxa uu ku dhamaan karaa wadahadal balse kan Khawaarijta nagala dhaxeeya uma heyno waxaan aheyn inaan dalka ka suulino.” Yuusuf Axmed Hagar Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaariisay Aadan-Yabaal

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa maanta 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan oo gargaar ah geysay deegaanno hoostaga degmooyinka Aadan yabaal iyo Al-kowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe, dhawaana lagu jabiyay kooxda khawaarijta, si loo gaarsiiyo shacabkii dhibaatada ka soo gaartay colaadii halkaas ka dhacday.

Gaadiidkaan ayaa wada qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawoyin, Teendhooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxana gargaarkaan ka mahad-celiyay shacabka ku nool deegaanadaan, kuwaas oo iskugu darsoomeen abaaro iyo colaada khawaarijta.

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Waaberi iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Afar su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Waaberi, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Benaadir.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Xayle wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan Wasiirka la magacaabay, si uu waajibkiisa u guto.