Home Blog Page 150

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan Doceed la yeeshay Dhigiisa Dowladda Kuwait

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya. Kulankaasi ayaa dhacay intii uu socday shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, arrimaha caalamiga ah, iyo isbeddellada ka socda mandaqadda. Sidoo kale, waxaa la xoojiyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait, si loo kobciyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatay Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, oo dhamaysatay muddo-xileedkii ay ka shaqaynaysay dalka.

Kulanka ayaa looga hadley wada shaqeyntii dhoweyd ee u dhexeysay Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF intii ay Marwo Wafaa xilka haysay, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee UNICEF ay ku bixisay horumarinta adeegyada caafimaadka, tallaalka, nafaqada, iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Dr. Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Marwo Wafaa shaqadii ay qabatay iyo sida ay uga go’nayd taageerada Caafimaadka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan iyo guulaha howlaheeda danbe, waxa uuna sheegey Wasiirka in Wasaaradda Caafimaadka ay mar walba diyaar u tahay la shaqeynta bah-wadaagta caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka Caafimaad ee Qaranka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

0

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee UPDF ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, kadib howlgal qorsheysan oo si guul leh looga fuliyay deegaanada istaraatiijiga ah ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay isaga cararaan meelihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaannadaasi, waxayna hadda wadaan howlgal amni xaqiijin ah oo lagu sugayo nabadgelyada shacabka deegaanka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in guushan ay ka tarjumeyso dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan amni iyo kala dambeyn.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda dalka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Xubnaha matalayay ururada siyaasadeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay qaabka ay u howlgalaan ururada siyaasadda iyo sida ay u taageersanyihiin qorshaha awooda shacabka loogu celinaayo oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxayna balan qaadeen in ay dowladda ku garab istaagayaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah iyo dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalka uga mahadceliyay is abaabulkooda iyo sida ay mar walba dowladda ugu garab taaganyihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay taageersantahay ururada siyaasadda ee dalka ka jira iyo inuu dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, dowladana ay ka go’antahay in shacabka awooda dib loogu celiyo si ay codkooda ugu doortaan hogaanka dalka.

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Aminga ee Guddigga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada oo ka dhacay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga arrinsaday sugidda amniga goobaha laga qabanayo munaasabadaha maalmaha xorriyadda ee 26-juun iyo 1-da Luulyo iyo fantisayaha ka horreeya ee lagu dabbaal-dagaayo maalmahaas.

Kulanka ayaa waxaa qaybgalay Wasiirrada Xubnaha ka ah Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada, Saraakiil sare oo ka kala socda Ciidanka Boolsika Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad-sugidda, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay Sabiid iyo Caanoole

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka ka fuliyeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay iskaga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Axmed Gaashaan ayaa sheegay in guushaan ay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa baaritnaano ka wada deegaannada Khawaarijta laga xoreeyay si dhagarta cadowga looga badbaadiyo shacabka, loogana hortago wax kasta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo nolosha bulshada.

Kalfadhigii lixaad ee labada Gole Baarlamaan oo beri la xirayo

0

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 22-ka Bisha June uu si rasmi ah u xirmayo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah ee 2025

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah (21.06.2025) si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad (Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiga Sare) ee Somaliland,tirada Ardayda Imtixaanka u fariisanaysa ayaa ah 40,000 oo Arday kuwaas oo isugu jira fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe.

Munaasibadan oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Ardayda u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ku ammaanay dedaalkooda iyo adkaysigooda. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa Ardayda ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan Imtixaanka isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil.

Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagan tahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

Xuska toddobaadka xoriyadda oo si rasmi ah u bilowday

0

Waxa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilowday xuska maalmaha toddobaadka xoriyadda iyadoo dabaal degyadii ugu horeeyey shalay lagu qabtay degmooyinka gobolka Banaadir,dabaal degyadan ayaa socon doona mudo toddobaad ah si joogto ah.

Masuuliyiin ka mid ah xubnaha Guddiga qaban qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa shalay uga qayb galay isu soo baxyo dabaal deg ah oo lagu qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Xamarweyne halkaas oo dadweynuhu isugu soo baxeen iyadoo dadweynaha shucuurtoodu ahayd mid ay ku dheehan tahay farxad ay ku muujinayaan soo dhowaynta maalmaha xoriyadda.

Kooxaha fanka ee kala ah Onkod iyo Heegan ayaa shalay si weyn uga dhex muuqday fagaareyaashii lagu soo bandhigayey dabaal dega maalmaha xoriyadda.

Maalmaha xoriyadda ayaa sannadkan si weyn looga xusi doonaa deegaanadii laga xorreeyey kooxaha khawaarijta,deegaanadan laga xorreeyey khawaarijta ayaa mudo dheer ka dib helaya neecaw xoriyaddeed tan oo ku timid dagaalka dowladda Soomaaliya dib ugu xoraysay deegaanadaas.