Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Indonesia, Mudane Sugiono.

Labada Wasiirrada ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, beeraha, waxbarashada, iyo arrimaha badda.

Intii uu socday kulanka, ayaa la kala saxiixday heshiis muhiim ah oo labada dal ka dhaafaya shuruudaha dal-ku-galka ee baasaboorada diblomaasiyadeed iyo adeegga, taasoo loo arko tallaabo cusub oo dhanka is-fahamka iyo wada-shaqeynta ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya kobcinta iskaashiga wax-ku-oolka ah halka Wasiir Sugiono uu dhankiisa xusay muhiimadda iskaashi dheeraad ah oo la sameeyo waddamada Koonfurta Caalamka, isaga oo ku bogaadiyay Soomaaliya ku biirista Urur Goboleedka EAC, taasoo fursad weyn u ah ganacsiga gobolka.

Indonesia waxa ay ballan qaaday taageero farsamo iyo tababbarro la xiriira kalluumaysiga, beeraha, warshadaynta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxaa lagu dhiirrigeliyay in Soomaaliya ka faa’iidaysato barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee KNB, Darmasiswa, iyo TIAS.

Labada dal oo wadaaga qiyamka Islaamka, ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo taageerada nabadda caalamka Muslimka ah, iyaga oo wada-shaqeyn la leh Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

“Indonesia waxay diyaar u tahay inay noqoto saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya ay garab ku hesho horumarka iyo danaha ay wadaagaan,” ayuu yiri Wasiir Sugiono.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...