Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Date:

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Laascaanood, ayaa ahayd mid muhiim ah oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala duwan iyo qaybaha bulshada.

Shirkan taariikhiga ah ayaa si rasmi ah uu u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Kooshin), isagoo ku dhawaaqay in 417 ergo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen dastuurka iyo magaca rasmiga a:

– Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo

– Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

– Caasimad: Magaalada Laascaanood

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed, midnimada bulshada, iyo habsami u socodka dhismaha dowlad goboleedyada si waafaqsan dastuurka dalka. Waxa ay sidoo kale dowladda ku dhiirrigelisay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda, wadajirka iyo dowlad-dhiska.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto garab istaagga bulshada deegaannadaas si loo xaqiijiyo nabad waarta, maamul suuban iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka waxay sidoo kale ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ku dhabar adaygaan ilaalinta midnimada dalka iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...