Home Blog Page 1496

Shirka hey’addaha garsoorka oo qodobo muhiim ah looga hadlay

0

Shirkii billlaha  ahaa ee hay’adaha  garsoorka oo lagu qabtey xarunta maxkamadda Sare waxaana ka soo qeyb galey wasiirka wasaarada cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Garyaqaanka guud ee dowlada iyo Saraakiil ka socotey booliska.

Kulanka oo si wadajir ah u shir gudoominaayeen guddoomiyaha Maxkamada sare dalka iyo wasiirka cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana shirka looga hadley dardargelinta qodobada soo socda:

  • In si wadajir ah wax looga qabto dacwadaha ku dhisan been abuurka.
  • Boolisku in ay fuliyaan xukunada iyo go’aanada ka soo baxa maxkamadaha dalka si ay u helaan cadaalad muwaadiniinta Soomaaliyeed.
  • In si deg deg ah maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo saldhigyada loo horkeeno garsoorka si ay cadaalad u helaan.
  • Xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha fulinta ee la shaqeeya hay’adaha Garsoorka.

  

President Farmajo; “We are committed to step up efforts to eradicate all preventable diseases”

0

President Mohamed Abdullahi Farmajo praised efforts by the Ministry of Health and partners, UNICEF and WHO to eradicate polio from Somalia.

Speaking at the National Polio-Free Anniversary, the president said Somalia has remained free of polio the last three years.

“This news is cause for praise and celebration in Somalia, because
Just 3 years ago, we recorded the highest number of new polio cases in the world…now, it’s down to zero, thanks to the efforts of the ministry of health and partners”

The reason for this is stepped up preventative measures. The President said the Federal Government would continue with such preventive actions.

“Two drops of vaccine is all it takes to protect against polio……just two drops, I call on all our mothers and parents to make sure that health officials and paramedics are welcomed..and allow our children to be vaccinated against polio”

The ministry of Health has a regular immunization campaign for children under the age of five, efforts that have already shown remarkable results in the fight against polio

President Farmajo assured that the immunization campaign would be expanded to ensure that polio never returns to Somalia again.

END

Wasaaradda arrimaha dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay maamulka G/Banaadir

0

Wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista dastuurka la yeelatay maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaha gobolka Banaadir, gudoomiye Ku-xigeenada, xoghayaha-guud ee gobolka, iyo guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dib-u-egiista dastuurka iyo maqaamka Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay wadashaqayn dhexmarta wasaaradda iyo maamulka G/Banaadir oo ku aadan dib-u-eegista dastuurka.

“Maanta waxaa farxad wayn inoo ah inaan la kulanno maamulka gobolka Banaadir oo aan ka talagelino hannaanka dib-u-eegsita dastuurka, waxaa muhiim inoo ah inaan yeelanno wada shaqayn si aan isaga kaashano hawlaha ina horyaalla, waana hubaa madaxda gobolka in ay yihiin masuuliyiin aan si dhaw u wadashaqayn doonno” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Thaabid ayaa uga mahadceliyay wasaaradda hawlaha ay qabatay mudooyinkii dambe isaga oo u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan.

Ugu dambayn, guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa fikradahooda ku saabasan Geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka la wadaagay wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay Golaha Shacabka JFS

0

Gudoomiye  kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo shir gudoominayay kulanka golaha shacabka ah ee maanta,  ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan golaha shacaba dhawaan ay soo jeediyeen in uu golaha hor yimaado wasiirka arrimaha dibadda si su’aalo looga weydiiyo arimo shaqada wasaaradiisa la xiriira, wuxuuna wasiirka uga mahad celiyay sida uu ugu hogaansamay u yeeritaanka golaha shacabka.

Ajendaha kulanka  Golaha Shacabka ee maanta oo ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayay  Xildhibaanada Golaha Shacabka  guda galeen  su’aala weydiinta Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi oo fadhiga Golaha shacabka ku sugnaa, waxaana su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka  Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada golaha shacabbka oo wasiirka su’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.

Madexwayne Farmaajo “DFS waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay”

0

Muqdisho,13 Ogosdo 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.

DHAMMAAD

(Qormo) Ballanqaadka Ra’iisul-wasaaraha iyo shaqo siinta dhallinyarada?

0

Burburkii dowladda dhexe ka dib waxaa dalka gabi ahaan ku baahay shaqo la’aan saamayn ku yeelatay dhamaan bulshada, gaar ahaana dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo qaarkood awoodi waayay maareynta noloshooda iyo bixinta qarashaadka waxbarasho maadaama ay meesha ka baxday waxbarashadii lacag la’aanta aheyd, taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro badan ay noqdaan shaqo la’aan oo ay ka hayaamaan dalka iyagga oo nolol tan ay ku noolaayeen ka sareysa raadinayo.

Waxa ay dhalinyaradu ku hawl meen sidii ay ku tagi lahaayeen wadamada Horumaray ee Yurub iyo Mareykanka, halka qaar ka mid ah dhalinyaradaasna ay waxbarasho ama ganacsi u doonteen dalalka dariska ama Africada kale.

Dowladihii dalka soo maray waxa ay isku dayeen in ay yareeyaan hayaanka baahsan ee dhalinyarada, waxa ayna ballan qaadayeen in shaqo abuur ay u sameeyaan dhalinayarada si ay u yareeyaan baahiyaha ay dhalinyarada ka tabanayeen,haddana ma jirin saamayn balaaran oo ay arintaasi ku yeelatay dhalinyarada tahriibka u xirxiratay oo shantii sanno ee u danbeysay badda liibiya iyo Talyaaniga u dhaxaysa waxaa ku dhintay Kumanaan Soomaaliyeed oo wali usii cararaya walina u sii Hamuun qaba raadinta Nolol dhaanta mida ay dalka uga tagayaan.

Ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali khayre ee ku aadan in Gobolka banaadir laga shaqaaleysiinayo kun qof oo dhalinyaro ah waxa ay Rajo u tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay iyo kuwa aanan waxbaran, maadaama shaqaalaha la qoranayo ay noqonayaan kuwo ka hawlgala qaybaha kala duwan ee Maamulka gobolka banaadir.
Raiisul Wasaare Khayre oo ka hadlaayay Xaflad lagu maamuusayay maalinka dhalinyarada aduunka ayaa tilmaamay in waxa yar ee ay dowladdu haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Caawa waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono” ayuu ka sheegay munaasabadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

Haddii Raiisul-wasaaraha ballanqaadkiisa uu ka dhabeeyo, waxa uu badbaado u yahay dhallinyaro badan oo shaqo la’aanta ay ku ka lifi laheyd waxa walba oo tahriibka ugu horreeyo.

Waxa ay sidoo kale tusinaysaa dhallinyarada in dowladdoodu tahay mid u soo jeeda diyaarna u ah sidii ay wax ugu qaban lahayd si walba oo ay tabarteedu u yar tahay.

Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay maalgashato dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama dhallinyaradu ay ka tahay 70% Bulshada Soomaaliyeed, islmarkaana ay yihiin Mustaqbalka Dalka, loona bahan yahay in loo sameeyo shaqo abuur, lagana faa’ideysto Masaxdooda iyo muruqoodaba.

W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Ahmed “Socdaal”

Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay

0

Wafdi ka socday wasaaradda gaashaandhigga iyo guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya oo Koofur Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala wasaaradaha gaashaandhiga iyo arimaha dibadda  ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay  waxa Soomaaliya ka faa’idi karto khibradaha Koofur Afrika ka baratay gumeysiga iyo waqtiga xoriyadda.

Wafdigaan oo maalmo ku sugnaa Koofur Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Gaanshaadhiga madxafka midib takoorka, halkaas oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kalasooca,  iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg iyagoo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore wasaaradda gaashaandhiga ahna guddoomiyaha guddiga difaaca, golaha shacabka xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

” Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno isku dhafka Ciidamada madaama ay ka soo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimoqraadiyad iyo wada shaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto hay’adaha aminga iyo dastuurka” ayuu yiri.

Wafdigaan oo ka koobnaa lix xubnood ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya,waxeyna qeyb ka ahaayeen Wafuud ka socday Wasaaradaha Gaashaadhiga iyo Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray Koofur Afrika.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ka qayb-galay xil wareejinta Hanti dhowrka qaranka

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, ayaa sheegay in uu si wayn ugu farxsan yahay magacaabista Hanti dhowraha, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah, sidoo kalena aqoon badan u leh shaqadda loo dhiibay, waxuuna balan qaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hanti dhowrka dalka.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu ku farxsan yahay xilka loo dhiibay iyo shaqadda uu dalkiisa iyo dadkiisa u qaban doona, waxuuna u mahed celiyay madaxda qaranka kuwaa soo u gartay in uu maamulo hantidda shacabka, sidoo kale waxuu iftiimayay in uu wax wayn ka badali doona wada shaqaynta dawladda iyo xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha Qaranka, waxuuna cadayay in uu yahay mas’uul khibarad dheer u leh xilka loo magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dalkiisa.

Sidoo kale waxuu sheegay in dawladdu ay biliaabi doonto barnaamijyo lagu falanqeynayo waxqabadka xukuumadda si looga dooddo waxyaabahii aan la qaban kuwaa soo ku jiray qorshaha xukuumadda, Hanti dhowruhuna waxuu ka qaadanayaa qaybta ugu muhiimsan.

“Xukuumaddu waxay bilowday la dagaalanka musuq-maasuqa oo muhiimad wayn u leh nidaamka uu dalku ku shaqeynayo, waxaana dawladda sal u ah isla xisaabatan furan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kula dardaarmay hogaanka cusub in uu si dhow ula shaqeyo dawladda, sidoo kalena uu la socdo dhaq-dhaqaaqa xukuumadda si loo ogaado hantida dalka shacabkana loo tuso in aan la iska boobi Karin xoolaha dawladda.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Sports-ka oo sheegtay in la dayac tirayo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho

0

Wasaaradda Dhalinyadda iyo Sports-ka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay qorshihii lagu dhisi lahaa Garoonka Ciyaaraha ee stadium Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Sports-ka ayaa shaacisay in ay Dhawaan Stadium Muqdisho ks bixi donaan Ciidamadda AMISOM ee mudada Dheer ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Sidoo kale Wasaaradda Dhalinyaradda ayaa sheegtay in sidoo kale la dhisayo Xaruntii ugu weyneed ee Xiriirka Kubadda Cagta oo ay xustay in ay iminka Xiriirka Kubadda Cagta ay dagan yihiin Xarumo Kiro ah.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo shaaciyey in ay heleen Deeqo Waxbarasho

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen Minxooyin Faro badan.

Wasiirka ayaa sheegay in Minxooyin Badan ay ka heleen Dalka aan Walaalaha nahay ee Suudaan waxaana uu sheegay in ay Si wanaagsan oo cadaalad ah ay u bixin doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyey in ay sugayaan Deeqo Waxbarasho oo kale oo leh heerar kala duwan  oo aan ka heleyno Dowladda Itoobiya.