Home Blog Page 1497

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Dhalinyaro Badan laga shaqaaleysiin Doonaan Gobolka Banaadir (Daawo Muuqaal)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir  ay shaqaaleysiiyaan ku dhawaad 1000 qof oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maanta Xafiiskiisa ay kasoo bixin doono Warqad lagu Amraayo gudoomiye Taabid in uu qabto Shaqadaasi.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ay ku bixin doonto shaqaaleysiinta dhalinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa  tilmaamay in sidoo kale dowlad goboleedyadda lagu Amri doono in ay shaqaaleysiiyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 


Ra’iisul Wasaare Khayre “Dalkan Mustaqbal buu leeyahay, Dhalinyaraduna Waa Milkiilayaasha Dalka”

0

Muqdisho, 13 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dalkan uu Mustaqbal leeyahay oo dhalinyaraduna ay yihiin milkiilayaasha dalka bacdamaa ay 75% bulshada Soomaaliyeed ay yihiin Dhalinyaro. Dhalinyaradana laga rabi inay dariiqa saxda ah bulshada ku hoggaamiyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaa la soo dhaafay waqtigii aad abuuri laheydeen mirihii aad beeran laheydeen mustaqbalka. Madaxda Qaranka waxey diyaar u tahay inaad doorkiina hoggaamineed qaadataan. Waa dhammaatay waqtigii aad dhexdhexaad noqon laheydeen, mana ka noqon kartiin dhexdhexaad hooyadiin oo dhibaateysan, dhalinyaradii ay baaagamuundo yihiih. Ma noqon kartaan dhexdhexaad oo dalkaaga iyo gurigaaga waa mustaqbalkaaga.”

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey dhibta Tahriibka ayaa yiri “Markii aan da’diina ahaa ayaan caasi ka raacay Muqdisho oon ku tagey Baraawe oo aan ka raacay dooni aan garaneynin meesha ay u socoto oo ay mararka qaar nala qalibmi gaartay. Si kasto oo aad dalka uga dhooftaan waxaad ku soo noqoneysaan dalkiinii hooyo.”

Mudane Khayre ayaa tilmaamay in waxa yar ee la haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Caawa waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono”ayuu ka sheegay munaasabadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

DHAMMAAD

R/W ku xigeenka Soomaaliya oo ka Qayb galay Xuska Maalinta Dhalinyaradda Aduuka.

0

Muqdisho, August 12, 2017….. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegan maanta. Waxaana soo qaban qaabiyay kulan kan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb galeen Xil-dhibaano, Xubno ka socday Hay’addaha Qaramada midoobay iyo Ururada dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xil- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u hambalyaysay dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna sheegtay in ay diyaariyeen qorsho yaal cad-cad oo lagu horumarinayo aayaha iyo mustaqbalka dhalinyaradda, kuwaa soo rajadooda dib usoo celinaysa, sidoo kalena waxay tilmaamtay in ay markii koowaad sameeyeen siyaasad lagu hagayo dhalinyaradda, taasoo u sahalysa ka mid noqoshada iyo matalaadda door walba oo ay tahay.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladan lagu maamuusayo maalinta dhalinyaradda aduunka oo qayb ka yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed, taasoo hal ku dhigeedu ahaa “Dhisadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed“ waxuuna hambalyo u diray dhamaan dhalinyaradda caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Khadar oo ka sheekeeyay awoodaha ay dhalinyaradu leeyihiin ayaa yiri “Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya .

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay mideyaan fikradahoodda wanaagsan.

 

DHAMMAAD

 

Soomaaliya oo laga ciribtiray Cudurka Dabeysha (Qormo)

0

Sanad walba, 24 bisha Oktoobar waxaa la xusaa “Maalinta Cudurka Dabeysha”. Guddiga Dabagalka Madax bannaan ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London bishaan Oktoobar si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha. Warbixinta guddigaan ayaa la filayaa in la soo daabaco todobaadyada soo socda.

Dunidu waxay hal tallaabo u jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha. laga soo billaabo sanadka 1988dii, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.

Fayruska sababa cudurka Dabeysha, waxa uu gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan, oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga soo bilaawo 24 luuliyo 2014.

Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno feyrus ku dhacaa Caruurta iyo dadka waaweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa hab-dhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.

Bishan agoosto 11keeda, labo iyo toban bilood ayaa ka soo wareegtey markii ugu dambeysey, ee Soomaaliya lagu arkey qof qaba cudurka dabeysha, haseyeeshee, ma ahan markii ugu horreysay oo soomaaliya laga waayo cudurkan. In kastoo uu warkan wanaagsan yahay, horumar la gaarey ay tahay in cudurkii dabeysha la xakameeyey.

Cudurka Dabeysha waxaa sida virus aan daawo laheyn balse leh ka hortag, ayaa ah mid sababi kara curyaanimo ama paralysis xitaa dhimasho, waana mid si dhaqso leh ku fidi karaa, waxaana uu saameeyay Malaayiin Caruur ah oo ku kala firirsan Caalamka,Cudurka Dabeesha ayaa ka jiray muddo badan, balse dhowr jeer ayaa lagu soo waramay in laga ciribtiray Wadanka, balse mar kale ayaa lagu arkay waxayna aheyd sanadkii 2013 bishii Maay, taas oo aheyd markii ugu horreysay muddo lix sano ah, kadib markii waalidiinta gabar labo sano jir ah oo Muqdisho joogta la arkay iyadoo aan socon Karin.

In ka badan 2.1 million oo Carruur ah oo da’dooda ay ka hooseyso shan jirka ayaa bartilmaameed u ahaa olole tallaal ah oo ay fulisay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo kaashanaysa hey’adaha Qaramada midoobay iyo ururro kaleba.

Haddaba waxaa goor dhow soo yeeray war farxad leh oo ku saabsan in Soomaaliya laga ciribtiray gabi ahaanba Cudurka dabeysha ama Polio loo yaqaan, waxaana arrintaasi lagu sheegay warbixin ama war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saartay Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Qaramada u qaabilsan Caruurta ee UNICEF iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), taasi oo ay ku caddeeyeen in lagu guuleystay ciribtirka Cudurkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay la dagaalanka Cudurka dabeysha sida ay Wadanka uga ciribtirtay, iyadoo Madaxda Soomaalida ay cudurka Dabeesha ka dhigeen mudnaanta koowaad ee Qaranka, waxayna sameeyay dadaal xoog badan si Carruurta oo dhan tallaalka u qaataan.

Dhawaan ayay Hey’adda Caruurta ee UNICEF shaacisay warbixin ay kaga hadlaysay ciribtirka Cudurka dabeysha ee Dalka Soomaaliya, waxayna qoraalkeeda ku sheegtay in guul laga gaaray Ololihii muddo badan ka socday soomaaliya,waayo waxaa la gaaray horumar wanaagsan oo ay gaareen carruurta iyo xuquuqahooda, waxayse Bishii Oktoobar Soomaaliya noqotay dalkii 196-aad ee ansaxiya Heshiiska Xuquuqaha Carruurta, arrintaasi Carruurta waxay u aheyd war aad u wanaagsan. UNICEF waxaa ay islamarkiiba bilowdey in ay si dhow Dowladda Federaalka ah ugala shaqeeyso hubinta hirgelintiisa. Arrin kale oo wanaagsan oo soo korodhey waxaa ay ahayd in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhowaaqdey in ay ku guuleysatey in ay joojiso faafidda fayruska dabiiciga ah ee cudurka dabeysha (wild polio virus).

Kiiskii ugu dambeeyay waxaa la soo sheegay sanad iyo bar ka hor, balse waxaa mar kale laga sheegay Dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya, blasé markaan ayaa la shaaciyay in laga suuliyay Dhulka Soomaaliya, iyadoo guusha laga gaarey joojinta cudurka dabeysha uu yahay natiijo ka dhalatay olole ay si fiican dhaqaale ugu bixiyeen oo ayna isku soo dubbarideen maamulada, iyaga oo taageero ka helaya hay’adaha UNICEF iyo WHO, iyadoo in ka badan 2 milyan oo Carruur ah laga tallaaley inta lagu guda jiray muddadii uu socday Barnaamijkaasi.

Waxaa la xasuustaa in Soomaaliya horay looga dabar gooyay Cudurka Furuqa horraantii 1970-kii, haddana waxaa laga ciribtiray Cudurka Dabeysha, waxaana la filaa in mar dhow la sameeyo Xaflad lagu maamusayo arrintaasi, islmarkaana ay ka qeybgalaan Masuuliyiinta ugu sarreysa Dalka.

W.Q:- C/laahi Ruush

Dabaal degyo lagu taageerayo Guushi Uhuru Kenyatta oo ka soconaya Nairobi

0

Wixii ka dambeeyey markii lagu dhawaaqey in doorashadii dalka Kenya ka dhacday uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa soconayay banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayo guushaasi.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalooyinka dalkaasi gaar ahaan Nairoobi kuwaasi oo ku dhawaaqayey halkudhigyo ku qotoma guushaasi la shaaciyay.

Madaxweynaha la do.ortay ee Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqey shacabka reer Kenya in ay muujiyaan degnaasho iyo midnimo, islamarkaana ay gacmaha is qabsadaan

Dhanka kale waxaa jira in xisbiga mucaaradka uu hogaamiyo Railla Odinga  uu si weyn uga hor yimid guushaasi doorashada iyagoo ku tilmaamay in aysan u dhicin qaab cadaalad ah.

Dhawaqa rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayay xaafado kamid ah magaalada nairoobi gaar ahaan xaafadaha isku raranka ah taasi oo ay ridayeen taageerayaasha mucaaradka.

Uhuru Kenyatta oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay, sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashada dalka Kenya.

Waxaa codadkooda dhiibtay in ka badan 15-Malyan oo Muwaadiniin Kenyaan ah iyadoo Markii hore ay isdiiwaan galiyeen ilaa iyo 19-Malyan oo Shacabka Kenya ah.

Waa markii labaad oo Shacabka Kenya ay doortaan Madaxweyne Kenyatta, iyadoo waliba markii Labaad uu ninkaan ka Guulaystay Raila Odinga.

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Shil Tareen oo sababay Khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay Masar

0

Shilkan ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar kaasi oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 30 qof halka 80 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegeen sheegayaan saraakiisha dalka Masar, mid kamid ah labadaasi Tareen ayaa ka soo baxay magaalada Qaahira halka midka kalena uu ka yimid magaalada Port Said ee ku beegan Waqooyiga magaaalada Alexandria.

Televisionka Qaranka dalka Masar ayaa baahiyay muuqaalo ku aadan sida uu shilkaasi uu u dhacay, ayadoo la arkayay dhaawacyo badan oo lagu qaadayo gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Ilaa iyo haatan lama sheegin waxa sababay in ay isku dhacaan labadaasi Train, balse waxaa soconaya baaritaano ku aadan sababta dhalisay shilkaasi

Dalka Masar ayaa waxaa kajira dhibaato bulshadu ay ku qabaan waddooyinka Trainada aygoo ka codsady dowladda in ay arrimhaasi wax ka qabato.

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee Bokool

0

Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal 24kii saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda uu Gobolka Bokool ku dhexmaray maleeshiyaad  katirsan Argagixisada Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo waramaya in qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ayadoo maleeshiyada daacadda u ah Abuu Mansuur oo ku sugan goob buuralay ah ay iska difaaceen.

C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo kusugan gobolka Bokool ayaa SONNA u sheegey in ciidamo katirsan xoogga dalka oo gaaray goobta dagaalka uu ka dhacay ay la wareegeen deegaanka Abal islamarkaana ay qeyb ka yihiin dagaalkaasi ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Dhanka kale wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Bokool Max’ed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in xaaladda deegaanadii dagaaladu ay ka dheceen ay tahay mid degan, balse la dareemayo dhaq dhaqaaqyo dagaal, isgaarsiintuna ay go’antahay.

Cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa saaka u amba baxay deegaanadii lagu dagaalamay,iyagoo xoojinayo gurmadka ku aadan sidii halkaasi looga saari lahaa maleeshiyaadka Shabaab oo Abuu Mansuur weerarka ku soo qaaday.

 

Wasaaradda dhallinyarada oo qorsheyneyso diyaarinta fursado shaqo

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaarisey qorshe lagu horumarinayo dhallinyarada iyo cayaaraha kaddib kulan su`aalooyin lagu weydiiniyay Wasiirka Wasaaraddaas oo xalay lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa sidii dhallinyarada loogu sameyn karo fursado shaqo, waxaana kulanka uu ahaa mid ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada, iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Mudaneyaasha Aqalka sare ee dalka, Maamulka Gobolka, waxaana su’aalo lagu weydiinayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudan Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka caawinayaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Waa xaqiiqo waxa ay dhallinyarada ay maanta ku suganyihiin, dhalinyarada waa xoogga Soomaaliyeed, iyaga ayaa maanta lagu tiirsanyahay, shaqo la’aanta ugu badan dhallinta ayay saameysay, qaarkood wey heystaan qaarna ma heystaan, waxaan ku dadaaleynaa sidii fursado shaqo abuur ah loo siin lahaa dhallinyarada” ayuu yiri Guddoomiye Taabit

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka jawaabeysay su’aalaha ay dhallinyarada weydiinayeen ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay diyaarisay qorshe lagu horumarinayo dhallinyarada aan heysan fursado shaqo.

“Wasaaradda waxaa u degsan qorshaha ku saabsan siyaasadda dhallinyarada, kaasi oo aan la wadaagnay inta ay quseyso, waxaana u jeedku yahay mid lagu horumarinayo dhallinyarada, waxaana jiri doona in Kismaayo lagu qabto tartan isboorti oo ay ka qeyb galayaan dhamaan dowlad goboleedyada, kaasi oo lagu xoojinayo isdhexgalka bulshada” ayay tiri Wasiir Khajiida Maxamed Diiriye.

Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u furay Waddada shaqaalaha

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  dib u furey waddada 26-ka June oo loo yaqaan shaqaalaha oo in muddo ah amni dartiis u xirneyd, taas oo isku xirta waddada caanka ah ee Maka Al-Mukarama iyo waddada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska KPP ilaa iyo kan Warshadaha, iyadoo waddadan dhowaan dowladda hoose ee Xamar dib u dhis ku sameysay.

Furista waddadan ayaa maamulka gobolka Banaadir waxaa uu la kaashaday Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegay halkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waddo kasta oo ku taala magaalada Muqdisho oo xiran dib loo furi doono, si loo yareeyo cariiriga gaadiidka, isla markaana loo fududeeyo isu socodka dadweynaha Soomaaliyeed.

Furitanka waddadan ayaa ka dambeysay markii shacabka ay maamulka gobolka Banaadir ka cadsadeen in loo furo waddadan, maadaama ay muhiim u tahay isu socodka kala duwan ee magaalada.

Guddoomiye Thaabit, ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta dowladda, ganacsatada iyo hey’addaha kale oo wadddooyinka qaar u xiran yihiin in ay furaan.

Dhowaan ayay aheyd markii maamulka gobolka Banaadir ay dib u fureen waddada hor marta Wasaaradda Amniga, hase ahaatee waxaa wali xiran waddooyin kale oo muhiim  ah, kuwaasi oo ay qorsheynayaan inay dib u furaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Cayaaro lagu maamuusayay maalinta Dhalinyarada Adduunka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay gelinkii danbe ee maanta daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka. Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda.

Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan oo dalku soo kabanayo iyo marxaladihii adkaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in cayaartani muujinayso sida ay dadka Soomaaliyeed uga soo jeesteen colaadihii daashaday, isla markaana diyaar u yihiin ka faaiideysiga xirfadahooda.

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

DHAMMAAD