Home Blog Page 1497

Madaxweyne Farmaajo“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal deg deg uga jawaaba dhibaata kasta”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”
Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.
“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Xasuuqii KM5: Buun dagaal oo u yeerey Soomaali

0

Muqdisho(SONNA):–Soomaalida waxa ay si geesinimo leh u wajeheen dhibaatooyinkii ka dhashay Xasuuqii isgoyska Zoobe ee KM5 ee ay ku nafwaayeen in kabadan 300 oo qof oo isugu jiray caruur, haween, odoyaal, iyo dhalinyaraba. Waxa uu ahaa mid gilgilay quloobteenna, waxa aynu weynay xidigo dhalinyaro ah oo soo hanaqaadayay, weli waxaa Cusbitaalada jiifa dad badan oo nagu qaali ah. Haddaba maxay tahay fariinta uu xambaarsanyahay xasuuqii ka dhacay isgoyska Zoobe?.

Waxa aan doonayaa in aan maqaalkaan uga warbixiyo fariinta aan isleeyahay waa uu xambaarsanaa gumaadkii nagu dhacay, balse inta aan u galin, waxa aan jeclahay inaan tacsi u diro ehelada iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii aan waxba galabsan ee nabaddiidku naga gumaadeen, Aniga oo Eebbe uga baryaya in uu Janadiisa ka waraabiyo, si taa lamid ah waxa aan caafimaad deg-deg ah Allaah uga baryayaa dadkii dhaawucu soo gaaray.

Intaa kadib, waxa aan qabaa in fariintii uu xambaarsanaa xasuuqaas ay tahay dagaal loo iclaamiyay Soomaali islamarkaana waxa uu ahaa buun dagaal oo yeerey ama u dhawaaqay Soomaali, shaki kuma jiro cidda dagaalka lala galayo in ay yihiin kooxda sida arxandarrada ah u leysay dadkii ku dhintay xasuuqii isgoyska Zoobe ka dhacay, kooxdaas waxa ay dabarjaridda shacabka soo wadeen tan iyo 2007, waa nabaddiidka Alshabaab.

Murugada laga dareemayo guryo badan oo Muqdisho ku yaalla waxa ay cadeeyneysa in shacabka ay yihiin kuwa rasmiga ah ee ay arggagixisada beegsanayaan. Midnimadii ay shacabku muujiyeen kadib gumaadkii dhacay waxa ay ahayd mid aan horay uga dhicin Soomaaliya intii ay nabaddiidku wadeen xasuuqa shacbiga oo runtii cabsi badan ku beertay nabaddiidka, waa arin ay tahay in dawladdu ay ka faa’ideysto.

Haddaba, fariintan dagaalka iclaaminaysa waa in ay ka jawaab celiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wada jira si aysan mar kale u dhicin xasuuq ama fal kale oo ay nabaddiidku ka fuliyaan Soomaaliya

Maxaa la gudboon Hay’adaha Amniga?

Waxaa marag ma doonta ah in Hay’adaha Qaranka ugu xilsaaran amniga ay ku mashquulsanyihiin kadaba degista qasaarihii dhacay, waxa ay har iyo habeen u taaganyihiin ilaalinta nafta iyo maalka shacbiga.

Hay’adaha amniga waxaa hortaalla fursad wayn oo hadii ay ka faa’ideystaan wax ka badeli karta xaaladda amni ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka si xasillooni buuxda looga dhaliyo dalka. Fursaddu waa in shacabku uu gartay cadoowgooda islamarkaana ay kaceen oo ay u baahanyihiin abaabul ka yimaada dhanka dawladda si looga gun gaaro kacaankooda.

Qorshooyin hor leh oo mataaneya shacabka iyo ciidanka amaanka waa arinta ugu muhiimsan ee looga fadhiyo dawladda, balse hadii aysan sida ugu dhakhsiyaha badan loo hindisin qorshooyinkaas islamarkaana loo hirgelin waxaa dhici doonta in ay lunto fursadda ilaa iyo haatan taagan.

Sidaa awgeed, waxa aan hay’adaha ku shaqada leh amaanka u soo jeedinayaa in la sameyo maalmo ay si wadajir ah u hawlgalaan shacabka iyo ciidamada, si wadajir in loo hawlago waxa aan ula jeedaa in Degmooyinka laga bilaabo olole lagu mideeynayo ciidanka iyo shacabka.

Shacabka iyo dagaalka ay geli doonaan

Ku dhawaad tobon sanno oo ay kooxaha nabaddiidku daadinayeen dhiigga dadweynaha, waxaa shacabku garowsaday in ay ka dhiidhiyaan gumaadka lagu hayo ee galaafatay nolosha tiro  badan oo Soomaali ah. Hadaba, waxaa la gudboon shacabka in aysan ka labalabeeyn dagaalka ku waajibay in ay la galaan arggagixisada kasoo ka kooban qaybo badan.

Waxaa laga yabaa in ay jiraan qaabab badan oo ay tahay in shacabku kula dagaalamaan arggagixisada, balse qodobada maskaxdeyda ku jira waa inta soo socota:-

  • Isgarab taagidda dhamaan Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo lala wadaagayo xogaha muhiimka ah;
  • Ka qaybqaadashada dagaalka fikriga ah iyada oo la adeegsanayo waraabihinta, qaybtan waxaa aad u muhiim ah in Culumadu ay horkacdo;
  • Dhalinyaradu in ay wax ka qoraan dhibaatooyinka arggagixisada islamarkaana lagu koriyo jiilka soo socda si aysan maskaxdooda marnaba uga dhaadhicin fikirka xag-jirnimada;
  • Bahda Warbaabinta in ay soo saaraan barnaamijyo lagu taageerayo ciidamada, maadaama bahdan ay dhibanayaal u yihiin arggagixisada.

Shaki kuma jiro in dhamaan qodobadan aan kor kusoo sheegay aan waxba laga qaban Karin hadii aysan dawladda abuurin jawi fur-furnaan ah oo shacabka looga qaybgelinayo qorshayaasha xasilinta iyo nabadeeynta dalka.

Mahadcelin

Dhaawac saameeyn wayn nagu leh aayaa inagaaray 14, Oct oo aanan marnaba quloobteena ka bixi karin, waxaa jiray dhalinyaro ka qaybqaatay xalinta musiibadii inagu dhacday oo runtii muujiyay wadaniyad, Soomaalinimo, iyo karti; waxa ay mudanyihiin ammaan iyo mahadcelin.

Waxa aan halkan mahadcelin uga dirayaa kooxda Bukaan-la-roorka ee Aamin oo shaqo adag u haya dadka Soomaaliyeed islamarkaana muujiyay geesinimo iyo hawlkarnimo intii ay socdeen gargaargii loo fidinayay dadkeenii dhibtu ka soo gaartay musiibada.

Dhanka kale, waxaa jiray dhalinyaro iskood isku abaabulay oo la baxay magaca Gurmad252 oo iyagana qabtay hawl baaxad leh oo aan horay Soomaaliya uga dhicin, waxa ay gargaar dhinacyo badan leh u fidinayeen dadkii ku jiray Isbitaalada, haba ugu muhiimsanaato in ay isku raadinayeen dadkii kala lumay iyaga oo xogta si daahfuran ula wadaagayay dadweynaha. Waxa ay dadka Soomaaliyeed dareensiiyeen awood ka qarsoonayd oo ay dhalinyarada leedahay.

Ugu dambayn, waxa aan soo jeedinayaa in labada koox ee aan kor ku soo sheegay ay dawladda abaalmarin guddoonsiiso si loo dhiirageliyo mutaddawacnimada oo ah qaabka ugu wanaagsan ee aan si xawli ah dalkeenna dib ugu dhisi karno.

 W/Q:—Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon

Email: gobdon2@gmail.com

Facebook: @AbdiazizGobdon

Twitter: @AAHGobdon

Safiirka Marykanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka Soomaalida ee Kuala Lumpur (Sawirro)  ​

0

Kuala Lumpur(SONNA)–Danjiraha Marekanka u fadhiya dalka Malaysia, Kamala Shirin Lakhdhir ayaa booqashadii ugu horreeysay ku tagtay iskuulka Soomaalida (Somali Community School) oo ay wax ku bartaan ku dhawaad 218 ardey oo Soomaali ah.
 
Dugsigan oo waxbarashada aasaasiga ah ee ka billaabata xanaanada carruurta ilaa fasalka sagaalaad ay ardeydu ku qaataan, wuxuu ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan-tahay ee Gombak oo ka tirsan magaalada Kuala Lumpur ee caasimada Malaysia.
 
Ambassador Kamala Shirin , ayaa inta ay booqashada ku jirtay waxaa ay kormeertay qeybaha uu iskuulka ka kooban-yahay, bilowgii horeyba waxaa ay ka tacsiyeesey qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay inay ka xuntahay qaraxaasi. 
 
Ardeyda wax ka barata iskuulka, ayay fursad u siisey inay su’aallo weydiiyaan, waxaana ay warbixin ka siiyeen xaaladda iskuulka iyo baahiyaha uu qabo, danjiraha waxay muujisay inay ku faraxsantahay booqashada ay ku tagtay iskuulka bulshada Soomaalida, iyadoo markaasi xaqiijisay inay mar kale soo booqan doonto.
 
“Danjiraha waxay sheegtay inay wax badan ka caawineyso iskuulka, waxaa ugu weyn ee ay noo sheegtay inay fasal cusub ku soo kordhin doonto iskuulka.” ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdulle oo ah aasaasaha iskuulka bulshada Soomaaliyeed,Waan uga mahadcelinay booqashada, ardeyda iyo macallimiinta ayaana halkan ku soo dhaweeyay.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
 
Dugsiga waxbarashada aasaasiga ah ee bulshada Soomaalida Malaysia ardeyda ayaa sidoo kale ku qaadata casharo diini ah,wuxuu shaqeynayay tan iyo sannadkii 2011-kii markaa oo ardeydii ugu horreeysay waxbarashada loo billaabay – muddada ku dhawaad afar kun oo ardey  Soomaali ah ayaa ka faa’iideysatay, kuwaaso hadda wax ka barta dugsiyada sare ee Malaysia, sida u SONNA u sheegay aasaasaha iskuulka, Cabdifitaax Maxamed Cabdulle.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Bandhigga Dhiira gelinta Dhalinyarada oo Ruushka ka soconaya

0

Magaalada Sochi Russia waxaa ka soconaya munaasabado la xiriira maalinta dhiira galinta Dhalinyarada iyo ardayda taasi oo ay ka qeyb galayaan dhalinyaro ka socda dalalka caalamka oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Putin ayaa daah furay munaasabadda oo ay ka qeyb galayaan ilaa iyo 185 wadan oo caalamka ah, wadamadaasi oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Munaasabaddan ayaa loogu talo galay in ay socoto muddo 10-maalin ah, iyada oo maalin walba looga hadlo mowduuc gaar ah oo la xiriira dhiira galinta dhalinyarada dunida.

Markii ugu horeysay ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro Soomaaliya mataleysa oo halkaasi kusoo bandhigay caqabadaha heysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sida xiligan ay muhiim u tahay in la dhiira galiyo.

C/kariin Siciid Yuusuf (Sujaac) oo kamid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo bandhigaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay halkaasi kusoo bandhigtay Bandhig wanaagsan oo ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed iyo farshaxano muujinaya ahmiyadda dhaqanka Soomaalida.

Inkabadan 120-kun oo ajaanib ah ayaa ka qeyb galaya Bandhigaasi waxaana ahmiyad gaar ah la siinayaa dhiira galinta iyo sare u qaadista dhalinyarada caalamka, iyada oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo 23-ka bishaan.

Xasuuqa Rohinga oo saameynta ugu badan ku yeeshay Caruurta.

0

Barakicinta iyo xasuuqa ka dhanka ah muslimiinta Rohinga ee Dalka Maymaar ayaa saameynta ugu badan waxa ay ku yeelatay Caruurta sida ay sheegeyso warbixin  ay qortay BBC.

Waxa ay sheegtay Gabar yar oo horteeda lagu gubay hooyadeed iyada oo arkeysa in ay la halgamayaan nolosha iyada iyo inta kale ee kasoo cararay dalkooda.

BBC oo tagtay Xero ay ku jiraan Dadkaasi oo ku taala Dalka bangaladeesh, waxa ay ifisay ama muujisay dhibaatada ay ku sugan yihiin caruurta muslimiinta ah ee Rohinga, kuwaas oo iyaga oo arkaya la gubay guryahooda.

Qaar ka mid ah Caruurta ku jira Xeradaasi ayaa sheegay in hortaada lagu dilay Aabayaashood iyo Hooyooyinkooda, iyaga oo arakaya oo aan waxba ka qaban karin.

Mid ka mid ah Qaxootiga ayaa sheegay in waxa ficilkaas sameynaya ay yihiin Ciidamada Maymaar iyo Maleeshiyada Budistaha kuwaasi oo dilaya islamarkaana gowracaya dhammaan Muslimiinta abriyada ah ee aan waxba galabsan.

Waxa ay intaasi ku dareen “waxaan aheyn mar walba kuwa loola dhaqmo heerka labaad lakiin waxa ay hadda doonayaan in ay na tirtiraan”

Hay’adda UNICEF ee QM ayaa sheegtay in %60 Muslimiinta Rohinga ee bangaladesh ay yihiin Caruur, kuwaasi %30 ka mid ah ay da’dooda ka yar tahay shanta sano.

Tan iyo 25  bisha August Ciidamada Meymaar ayaa kula kacayo xadgudubyo waxuushnimo kula kacayay Muslimiinta Rohinga taasi oo ay keentay dhimashada Kumanaan Qof oo ka mid ah Muslmiinta iyada oo tiro intaasi ka badana ay ku barakaceen.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin dheeri ah ka bixisay qarixii ka dhacay Soobe

0

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaafaah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa waxaa ay ku shaaciyeen  khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228.

‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay  in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya,

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) aya sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegidoonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uufalka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

FAALLO:-Maxaa laga yiri Qaraxii Zope?

0

Muqdisho(SONNA)–14-kii bishan oo ku aadaneed galabnimo maalintii Sabtida aheyd ayaa waxaa ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee loo yiqiin Zope Qarax aad u ballaarnaa, kaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba ahaa, waxaana lagu tilmaamaa musiibaddi ugu weyneyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho abid, taasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhow 400 ruux, dhaawaca lagu sheegay in ka badan 200 Ruux, iyo tiro 50-meeyo ah oo ilaa iyo hadda la la’yahay raq iyo ruuxba iyo waliba khasaare hantiyadeed, kuwaasi oo ku burburay Qaraxii awgiis.

Haddaba sidii loogu gurmada Dadkii wax ku noqday Qarahaasi, waxaa Durbay booqday goobtii uu shilku ka dhacay Masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalka, waxaana lagu dhawaaqay Masiibo Qaran, Calanka ayaa hoos loo dhigay muddo 3-cisho ah ,si loogu boroordiiqo Dadkii ku nafwaayay halkaasi, islmarkaana waxaa la sameeyay Guddiga Qaranka ee Xaaladaha Deg-degga ah.

Guddigu waxa uu ku guuleystay in Dadkii ku dhaawacmay Masiibadaasi loo helo fursad loogu soo daweeyo Dalka dibaddiisa, waxaana ka qeybqaatay gurmadkaasi Dalka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo soo diray Diyaarad Millitari oo loo yaqaan Air Ampulace Dhaqaatiir iyo Dawooyin islmarkaana u qaaday Dalkooda bukaanadii aadka u darnaa, waxaa iyana dhaqaatiir iyo dawooyin soo diray Dalalka Jabuuti, iyo Ethiopia iyoWadamada Qadar, Kenya, Maraykanka ayaa iyana soo diray shixnado daawo ah iyo kuwa kale.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee ku sugnaa airporka oo aan maalmahaan nasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Garsoorka, Gaadiidka, Qorsheynta Jamaal, Shaqada,, Amniga, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Dibadda, Waaxda Socdaalka iyo Jinsiga iyo Madax kale, Waxaa xusuusin mudan in howsha isu duwiddu ay ka socoto goob kale oo ay fadhiyaan Madax uu horkacayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenku, waxaana lagu tilmaami karaa Geesiyaasha dhabta ahi dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, shaqaalaha kale ee caafimaad siiba darawallada iyo shaqaalaha bukaan-la-roorka iyo mutaddawiciinta dhallinyarada u badan, waxayna Dadkaasi isugu jiraan Soomaali, Turki hore u joogtay iyo howladeennada Caafimaad ee ka soo gurmaday Turki iyo Djibouti.

Waddamo badan ayaa cambaareeyay Falkaasi foosha xun, Magaalooyin ka tirsan Yirub iyo Ameerica ayaa ka qeybqaatay boroor-diiqda, waxaana saacado la damiyay leyrarkii ka daarnaa Taaladda ay Magaalada Paris ku caanka tahay, halka Magaalada Istanbuukna Buundadeeda laga daaray Layrka Buluugga ah, magaalada Toronta ee Dalka Canada ayaa ka mid meelihii laga baroor-diiqay iyo waliba Magaalada Minnesota ee Cariga Maraykanka, dhammaantood ayaa bar-bar istaagay Ummadda Soomaaliyeed.

Salaadii Jimcaha ee shalay kadib ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan, waxaana ku wehliyay Culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd uu ka dhacay Banaan-baxyo qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Dadka Muqdisho socodyo dhaadheer ku soo mareen Waddooyinka Caasimadda, iyagoo muujinayay shucuurtooda sida ay ugu xun yihiin Masaabadii sabtidii dhacday, waxayna ugu dambeyntii isugu soo urureen Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, waxaana fagaarahaasi ka soo qeybgalay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeya.

Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowladda?,Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay in Qarixii sabtidii dhacay uu ka turjumayo Alshabaab cida ay yihiin, isagoo xusay in ay xaqiiqoowday in ay yihiin cadowga koowaad ee Shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamaya waxa uu yiri:-“Bulshada Soomaaliyeed waxay haystaan hal fursad oo ah in ay midoobaan oo si wadajir ah u ilaaliyaan Dalka”, sidasi waxaa yiri Raiisul-wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka miid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb galay bannaan-baxaasi lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.
“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa shalay faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ay ku shaaciyeen khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228,‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow, wuxuuna intaasi ku daray in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya.

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) ayaa sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi, islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegi doonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Haddaba ma la gudboon Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda waxaa la gudboon in dar-dargaliso guluka Millitari oo ay kula jirto Kooxda Al-shabaab, islmarkaana la xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin, shacabkana waxaa looga baahan yahay in la shaqeeyaan Dowladdooda, siiyaan xogaha rasmiga ah, si ay ugu fududaato laamaha amniga ay soo qabtaan kuwa maleegaya shirqoolada lagu xasuuqayo Ummadda Soomaaliyeed.

Qallinka: C/laahi Ruush

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada Dowladda

0

Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

kulanka oo dhacay maalintii talaadada,ayaa Labada mas’uul waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladood xaga amniga,dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada Soomaaya kaga timaado Imaaraadka Carabta.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uga Mahad celiyay taageerada bini-adanimo iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya,sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arbacadii la soo dhaafay balan qaaday daaweynta 100-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska  mashquulka badan ee Soobe halkaasi oo dad badan ay ku nafwaayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale,Imaaraadka Carabta ayaa  shaaciyay iney Agab caafimaad oo ay ka mid yihiin daawooyin u soo dirayaan Soomaaliya si loogu kordhiyo xarumaha caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii Qaraxa ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka ay daryeeli doonto 300-carruur Agoon ah oo Qoyskooda mudo lix bilood ah ku waayay Qaraxyadii dhacay,waxaana lagu dari doona Barnaamijka daryeelka Agoonta ay maalgeliso Imaaraadka Carabta.

Maxaa laga yiri musiibadii ka dhacday Muqdisho 14-kii bishan?

0

14-kii bishan oo ku aadaneed galabnimo maalintii Sabtida aheyd ayaa waxaa ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee loo yiqiin Soope Qarax aad u ballaarnaa, kaasi oo geystay khasaare naf iyo maalba ahaa, waxaana lagu tilmaamaa musiibaddi ugu weyneyd ee ka dhacday Magaalada Muqdisho abid, taasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhow 400 ruux, dhaawaca lagu sheegay in ka badan 200 Ruux, iyo tiro 50-meeyo ah oo ilaa iyo hadda la la’yahay raq iyo ruuxba iyo waliba khasaare hantiyadeed, kuwaasi oo ku burburay Qaraxii awgiis.

Haddaba sidii loogu gurmada Dadkii wax ku noqday Qarahaasi, waxaa Durbay booqday goobtii uu shilku ka dhacay Masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalka, waxaana lagu dhawaaqay Masiibo Qaran, Calanka ayaa hoos loo dhigay muddo 3-cisho ah ,si loogu boroordiiqo Dadkii ku nafwaayay halkaasi, islmarkaana waxaa la sameeyay Guddiga Qaranka ee Xaaladaha Deg-degga ah.

Guddigu waxa uu ku guuleystay in Dadkii ku dhaawacmay Masiibadaasi loo helo fursad loogu soo daweeyo Dalka dibaddiisa, waxaana ka qeybqaatay gurmadkaasi Dalka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo soo diray Diyaarad Millitari oo loo yaqaan Air Ampulace Dhaqaatiir iyo Dawooyin islmarkaana u qaaday Dalkooda bukaanadii aadka u darnaa, waxaa iyana dhaqaatiir iyo dawooyin soo diray Dalalka Jabuuti, iyo Ethiopia iyoWadamada Qadar, Kenya, Maraykanka ayaa iyana soo diray shixnado daawo ah iyo kuwa kale.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee ku sugnaa airporka oo aan maalmahaan nasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Garsoorka, Gaadiidka, Qorsheynta Jamaal, Shaqada,, Amniga, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Dibadda, Waaxda Socdaalka iyo Jinsiga iyo Madax kale, Waxaa xusuusin mudan in howsha isu duwiddu ay ka socoto goob kale oo ay fadhiyaan Madax uu horkacayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenku, waxaana lagu tilmaami karaa Geesiyaasha dhabta ahi dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, shaqaalaha kale ee caafimaad siiba darawallada iyo shaqaalaha bukaan-la-roorka iyo mutaddawiciinta dhallinyarada u badan, waxayna Dadkaasi isugu jiraan Soomaali, Turki hore u joogtay iyo howladeennada Caafimaad ee ka soo gurmaday Turki iyo Djibouti.

Waddamo badan ayaa cambaareeyay Falkaasi foosha xun, Magaalooyin ka tirsan Yirub iyo Ameerica ayaa ka qeybqaatay boroor-diiqda, waxaana saacado la damiyay leyrarkii ka daarnaa Taaladda ay Magaalada Paris ku caanka tahay, halka Magaalada Istanbuukna Buundadeeda laga daaray Layrka Buluugga ah, magaalada Toronta ee Dalka Canada ayaa ka mid meelihii laga baroor-diiqay iyo waliba Magaalada Minnesota ee Cariga Maraykanka, dhammaantood ayaa bar-bar istaagay Ummadda Soomaaliyeed.

Salaadii Jimcaha ee shalay kadib ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan, waxaana ku wehliyay Culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay aheyd uu ka dhacay Banaan-baxyo qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna Dadka Muqdisho socodyo dhaadheer ku soo mareen Waddooyinka Caasimadda, iyagoo muujinayay shucuurtooda sida ay ugu xun yihiin Masaabadii sabtidii dhacday, waxayna ugu dambeyntii isugu soo urureen Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, waxaana fagaarahaasi ka soo qeybgalay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeya.

Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowladda?,Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay in Qarixii sabtidii dhacay uu ka turjumayo Alshabaab cida ay yihiin, isagoo xusay in ay xaqiiqoowday in ay yihiin cadowga koowaad ee Shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamaya waxa uu yiri:-“Bulshada Soomaaliyeed waxay haystaan hal fursad oo ah in ay midoobaan oo si wadajir ah u ilaaliyaan Dalka”, sidasi waxaa yiri Raiisul-wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka miid ahaa Masuuliyiintii ka qeyb galay bannaan-baxaasi lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.
“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa shalay faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ay ku shaaciyeen khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228,‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow, wuxuuna intaasi ku daray in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya.

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) ayaa sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi, islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegi doonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

Haddaba ma la gudboon Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda waxaa la gudboon in dar-dargaliso guluka Millitari oo ay kula jirto Kooxda Al-shabaab, islmarkaana la xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin, shacabkana waxaa looga baahan yahay in la shaqeeyaan Dowladdooda, siiyaan xogaha rasmiga ah, si ay ugu fududaato laamaha amniga ay soo qabtaan kuwa maleegaya shirqoolada lagu xasuuqayo Ummadda Soomaaliyeed.

Qalinka: Cabdullaahi Ruush

Wasiirka Amniga “Dhawaan ayaan soo bandhigeynaa xogta dadkii loo soo qab qabtay qaraxii Zoobe”

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in Qarixii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska 14-ka October Ex-zoobe ee magaalada Muqdisho loo xiray shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkaasi.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay goobtii ay musiibada ka dhacday ayaa sheegay  in maalmaha soo socda ay bulshada la wadaagi doonaan xogta ku saabsan qaraxa iyo faah faahin dheeraad ah oo la xiriirta dadkii loo soo qabtay.

Wasiir Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay tahay mid horu dhac u ah xogta rasmi ah ee ay soo aruuriyeen laamaha ammaanka, isla markaana marka uu soo dhamaado baaritaanka saxaafadda kala hadli doonaan shacabka Soomaaliyeed.