Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Johannesburg oo kulan la qaatay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Date:

Kulankaan oo ahaa mid casho ah ayaa qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg waxaa ay hotelka nuura kula qaateen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir oo howlo shaqo todobaadkaan u joogay dalka Koofur Africa.
Kulanka oo ay soo agaasintay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa ayaa ujeedkiisa waxaa uu ahaa in waxgaradka jaaliyada Soomaalida ee magaalada Johannesburg iyo xogyaha guud  ay is waydaarsadaan xogta xaalada dalkii hooyo ee Soomaaliya iyo tan dalka South Africa oo ay marti ku yihiin.
Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Soomaalida South Africa Suldaan Qooqaani iyo sido kale Nabadoon C/laahi Fiidow Xabeeb oo ku hadlayay magaca jaaliyada Soomaalida South Africa ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Daahir Cali xaalada Soomaalida South Africa.
Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa abaasadoor Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay Sooomaaida South Africa in ay yihiin dad jacel midnimada iyo dowlad wanaaga.
 xeer ilaaliyaha guud qaranka Axmed Cali daahir ayaa sheegay in socdaalkiisa dalka Koofur Africa uu ahaa mid looga hadlayay arimo ay ku jiraan sidii ay ku heli lahaayeen Soomaalida ku nool South Africa xaquuq buuxda isla markaana loo yareyn lahaa dhibaatooyinka Loo geysto .
Ugu dambeyna qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha kulanka ayaa su’aalo ku saabsan arimaha dacwadii badda iyo garsoorka dalka waxaa ay weydiiyeen xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed waxana dhamaan uu ugu jaawabay su’aalahii la weydiiyay ayada oo sido kale Soomaalida in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.
 
C/laahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-South Africa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...