Madaxweyne Farmaajo“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal deg deg uga jawaaba dhibaata kasta”Sawirro”

Date:

Muqdisho, 21 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”
Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.
“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...