Home Blog Page 1495

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Masar

0

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo  ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo katirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Rex Tillerson oo gaaray Riyaad si uu xaliyo khilaafka Khaliijka

0

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Caasimada Dalka Sacuudiga maanta oo sabti ah, waxa ay tani qeyb ka tahay socdaal uu ku marayo bariga dhexe muddo toddobaad ah.

Rex Tillerson, ayaa la kulmaya Dalka Sacuudiga Caadil Al Jubeyr, isaga oo kadib u ambabixi doona Magaalada Dooxa si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee Khaliijka.

Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka uu dhinaca kale ka qeyb gali doono wadahadalada Sacuudiga iyo Ciraaq oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac oo mugdi ku jiray sanadihii dambe.
Waxa uu muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in xal laga gaaro khilaafka, marka loo eego buu yiri sida Qadar iyo Dowladaha xiriirka u jaray ay diyaar ugu yihiin wadahadal, hase ahaatee waxa uu sheegay in xalka uu waqti u baahan yahay.

Afhayeen u hadashay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa laga soo xigtay in ay tiri “waxa uu Tillerson isku dayayaa in dhinacyada uu ku dhiiragaliyo in ay isugu yimaadaan Miiska wadahadalka blase aysan dooneyn dhinacyada in ficil loo badalay”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa socdaalkiisa bariga dhexe sidoo kale ku tagi doonaa qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo Aasiya, sida Hindiya, bakistaan iyo Switzerland.

Al-shabaab oo gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ku qarxiyey Sh/Dhexe, iyo qasaare dhimasho oo falkaasi ka dhashay

0

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino ugu aaseen  deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad, halkaasina ay ku geeriyoodeen ilaa iyo Todobo ruux oo ah dad shacab ah.

Deegaanka Baniga Baalow ayaa 15-km u jira degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana marka laga tago dadka dhintay jira dad kale oo miinadaasi ku dhaawacmay.

Wariyaheena Maxamed Amiin Yabarow ayaa soo sheegaya in gaariga Al-shabaab ay qarxiyeen uu ahaa gaari nuuca loo yaqaano Hoomey, islamarkaana suura gal ay tahay in uu sii kordho qasaaraha dhimashada, maadama deegaankaasi aaney laheyn goobo caafimaad oo dadkaasi lagu baxnaanin karo.

Wariyaheena ayaa sidoo kale soo sheegaya in gaari ay saarnaayeen ilaa iyo 18-ruux oo ah ganacsatada qudaarta oo uu kusii jeeday degmada Afgooye.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa caadeystay dhibaateynta dadka shacabka ah, iyaga oo u geysta falal isugu jira qaraxyo iyo dilal toos ah.

Dowladda Ruwanda oo dhaawacyada ugu deeqday daawo ku kacaysa 1 milyen oo dollar

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa Safar shaqo kujooga magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kaladuwan.

Waxaa uu  la kulmey wasiirka arrimaha dibadda Ruwanda iyo Wasiirka Cafimadaka Dalkaasi Diane Gashumba,iyagoo ka wada hadlay sidii Dowladda Ruwanda ay kaalinteeda uga qaadan lahayad u gar gaaridda dadkii ku dhaawacmay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Ruwanda ayaa waxay ku deeqday dawo qimiheeda uu gaarayo 1 million oo dallor taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka Ruwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo Wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Ruwanda.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii bahalnimada ahaa oo boqolaal qof ay ku nafwaayeen islamarkaana kuwo kale ay ku dhaawacmeen waxaa sii kordhayay dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya,waxaana bar bar socda gurmad deg deg ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda isku fidinayaan.

Wadanka Ruwanda ayaa ah wadan taariikh ku leh Africa marka loo fiiriyo dagaalada sockeye iyo burburkii dalkaasi uu soo marey iyo sida ay haatan shacabkiisa iyo Dowladduba ay gacmaha isku haystaan,taasi oo horseedey in ay horumar dhankasta leh ay ku talaabsadaan.

Soomaaliya oo kamid ah wadamad adagaalada sokeeye iyo burburka soo marey ee Afrika katirsan ayaa haatan u muuqataa in ay dhabihi horumarka ay hayso,inkastoo weli dagaal xoogan lagula jiro kooxaha argagixisada oo hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Masar

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo  ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo katirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Faah faahin Kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

0

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino ugu aaseen  deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad, halkaasina ay ku geeriyoodeen ilaa iyo Todobo ruux oo ah dad shacab ah.

Deegaanka Baniga Baalow ayaa 15-km u jira degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana marka laga tago dadka dhintay jira dad kale oo miinadaasi ku dhaawacmay.

Gaariga ayaa la tilmaamay in ay saaraayeen dad gaaraya ilaa iyo 20 ruux oo dhamaatood  dad Shacab ahaa kana mid ahaa ganacsatada qudaarta ka ganacada.

Wariyaheena Maxamed Amiin Yabarow ayaa soo sheegaya in gaariga Al-shabaab ay qarxiyeen uu ahaa gaari nuuca loo yaqaano Hoomey, islamarkaana suura gal ay tahay in uu sii kordho qasaaraha dhimashada, maadama deegaankaasi aaney laheyn goobo caafimaad oo dadkaasi lagu baxnaanin karo.

Maleeshiyaadka nabad diika ah  ee Al-shabaab ayaa dhivbaatooyin kale duwan ku haaya Shacabka Soomaaliyeed eee aan waxna galabsan sida dil,qarax,boob iyo falal kale oo dhamaan ka baxsan bini aadanimada.

Safaaradda Suudaan oo sheegtay in ay Jaamacado ka furayso Soomaaliya

0

Kulan ay ka qayb galen  Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Xubno ka socd, Safaaradda Sudaan ee Soomaaliya, Arday, Masuuliyiinta qaar ka  mid ah madaxda Jaamacadaha Sudaan oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa looga hadlay arrintaasi sidii loo meel marin lahaa.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ifriiqiya ee Dalka Suudan oo kamida Jaamacadaha Africa ugu sareeya Dr Kamaal Maxamed Cubeyd ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay Xaruun uga furi lahaayeen Muqdisho si Ardayda Suudan u soo aadaya ay Dalkooda Waxbarasho tayo sare leh ugu helaan.

Wasiiro Dowlaha Madaxtooda Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur oo qabanqaabada kulankaasi lahaa  ayaa tilmaamay in aad ugu faraxsanyihiin iskaashigaasi cusub.

Dalka Suudaan ayaa ka mid dalalka Ardayda Soomaaliyeed u aadaan heerarka kala duwan ee waxbarashada wixii ka dambeeyay bur burkii Dowladii dhexe waxaana xusin mudane in qaar ka mid ah Ardayda kasoo baxday Jaamacadaha ay Dalka ka hayaan xilal kala duwan.

Dowladaha Suudan iyo Soomaaliya ayaa dhawaan gaaray heshiisyo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga Waxbarashada sare, taas oo ka dambaysay markii madaxwaynaha JFS iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  halkaasi ku tageen socdaal taariikhi ah.

Doorashooyinka Guud oo ka bilowday Japan

0

Muqdisho(SONNA):–Waxaa dalka Jabaan ka bilowday cod bixinta Doorashada madaxtinimo ee dalkaasi,iyadoo Malaayin qof oo uu dhashay dalka Japan ay codkooda ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo ah mid laga soo horumariyay wakhtigii loo asteeyay.

Shinzo Abe oo ah Ra’iisul Wasaaraha Japan oo sannad kahor ku dhawaaqay doorashadani ayaa sheegay inuu doonayo in uu wax ka qabto dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee wadankaasi kadib markii la dareemay culeysyo dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee dhanka arrimaha dibadda.

Raiisul Wasaare Shinzo Abe oo markiisi afaraad u tartamaya xilkaasi ayaa waxaa uu balanqaaday in haddii la doorto uu la tacaali doona khatarta Nuclearka ee Japan ka soo wajaheyso dalka Kuuriyada Waqooyi, iyo in collaad dambe aysan sii socon doonin.

Waxaa la arkayay sanaadiiqda goobaha cod bixinta oo ay safaf dhaadheer ugu jiraan dadweynaha kuwaasi oo go’aan ka gaaraya mustaqbalkooda.

Inkastoo dadka odorosa arrimaha siyaasadd adalkaasi ay sheegayaan in taageerada Mr Abe ay hoos u sii dhacaysay sanadihii ugu dambeeyey ayaa hadana waxaa la hadal hayaa in uu ku guuleysan doono doorashada marka la fiiriyo qaabka ay wax u socdaan.

Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

-DHAMMAAD-

Ruwanda oo Soomaaliya ugu deeqday daawo ku kacaysa 1 milyen oo Dollar.(SAWIRRO)

0

Ruwanda(SONNA) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa Safar shaqo ku jooga magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan.

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa la kulmey wasiirka arrimaha dibadda Ruwanda iyo Wasiirka Cafimadaka Dalkaasi Diane Gashumba,iyagoo ka wada hadlay sidii Dowladda Ruwanda ay kaalinteeda uga qaadan lahayad u gar gaaridda dadkii ku dhaawacmay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Ruwanda ayaa waxay ku deeqday dawo qimiheeda uu gaarayo 1 million oo dallor taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka Ruwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo Wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Ruwanda.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii bahalnimada ahaa oo boqolaal qof ay ku nafwaayeen ,islamarkaana kuwo kale ay ku dhaawacmeen waxaa sii kordhayay dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya,waxaana bar bar socda gurmad deg deg ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda isku fidinayaan.

Wadanka Ruwanda ayaa ah wadan taariikh ku leh Afrika marka loo fiiriyo dagaalada sokeye iyo burburkii dalkaasi uu soo marey iyo sida ay haatan shacabkiisa iyo Dowladduba ay gacmaha isku haystaan,taasi oo horseedey in ay horumar dhankasta leh ay ku talaabsadaan.

Soomaaliya oo kamid ah wadamad adagaalada sokeeye iyo burburka soo marey ee Afrika ka tirsan ayaa haatan u muuqataa in ay dhabihi horumarka ay hayso,inkastoo weli dagaal xoogan lagula jiro kooxaha argagixisada oo hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed.