Gaalkacyo: Barakacayaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

Date:

Gaalkacyo(SONNA)_Deeqdaan oo isugu jirtay bacaha roobka iyo lacag ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka Gobalka Mudug iyo Degmada Galkacyo ay gaarsiiyeen qaar ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay ee ku sugan xeryaha barakacayaasha Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegayin deeqdan ay tahay mid ay ku soo tabaruceen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Brigham ee dalka Ingiriiska, kuwaasi oo la xanuunsaday dhibaatada heysta dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Mudug Cabdi Xuseen oo isna ka hadlay goobta deeqda lagu bixinayay ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa in loo wada istaago ugurmashada bushada Soomaaliyeed ee ay haystaan dhibaatooyinka kala duwan.

Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ka socanaya arruurinta gurmad looga qeyb qaadanayo caawinta walaalaheena Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii 14kii bishan ay koooxda naf iyo nolal diidka Ummadda ee Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho ee caasimada Dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...