Madaxweynaha Hirshabelle oo Jowhar Kulan Kula Qaatay AMISOM

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee  Midowga Africa AMISOM  Iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xaqiijinta amniga guud.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha Amisom uu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa Amisom iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka.

Taliyaha Sectar 5 ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraakiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna sii xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa Amisom ugu mahadceliyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay doorkooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya, waxaana uu si qoto dheer saraakiisha uu kaga warbixiyay sida mudnaanta koowaad uu u siinayo amniga iyo sida lagama maarmaanka ay u  tahay in la iska kaashado howlaha horyaala ciidamada si gaar ah waxaa uu carabka ugu adkeeyay sidii loo xaqiijin lahaa amniga inta lagu gud jiro xafladda caleema saarka oo dhaceysa 23 bishan oo maalin uun ay ka harsantahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogo xafiiska sidaan oo kale kulama Muqdisho kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Africa Amisom, iyo kuwa Soomaalida oo uu kala hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Hirshabelle iyo sida muqadas ay u tahay in cadowga laga dulqaado bulshada ku dhibaateysan Deegannada Hirshabelle  oo ay go’doomiyeen  Al Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA),ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale,...

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane...