Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...