Home Blog Page 1494

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xarigga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

0

Muqdisho, 16, Agoosto, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey, isagoo kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

‘’Waa inaan u wada guntanaa dhamaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay Wasaaradda Waxbarashadu, isla markaana la doonayo in wax la baro caruurta Soomaaliyeed, si aqoontooda iyo garaadkooda loo kobciyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in furitaanka Wasaaraddu ay tahay tallaabo wayn oo muujinaysa dib u soo kabashada amniga dalka taas oo abuuraysa in la horumariyo waxbarashadda, waxuuna balanqaaday in ay si caddaalad ku jirto u maamulayaan howlaha shaqo iyo deeqaha waxbarasho ee wadanku helo, loona qaybin doono dhamaan maamul goboleedyadda, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, loona daraynsiiyo muhiimadda dawladnimo.

DHAMMAAD

Cabdiraxman Jaamac Barre oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

0

Alla ha u naxriistee waxaa xalay dalka Mareykanka ku geeriyooday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Dowladii Dhexe ee Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre.

Marxuumka oo in muddo ah xanuunsanayay ayaa waxaa uu ku geeriyooday magaalaad San Diego ee gobolka California ee dalkaasi Mareykanka sida ay eheladiisu xaqiijiyeen.

Geerida Cabdiraxman Jaamac Barre ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diiriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia. Marxuumka ayaa waayadan danbe xanuunsanayey.

Alla ha unaxriistee waxaa uu dalka ka soo qabtay xilal kala duwan, waxaana uu mar ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Sanadkii 1937 ayuu marxuumka ku dhashey magaalaad Luuq ee gobolka Gedo Da’diisu waa waxay ahayd 79, waa Walaalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Max’ed Siyaad barre, isagoo inta badan wax barashadiisa aas aasiga ah uu ku qaatay dalka gudihiisa, 1960 ayuu waxbarashada PHD ka diyaariyay Jaamacad ku taala dalka Talyaaniga.

Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda dowladdii Dhexe 1977, isagoo muddo kadib loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeen 1987.

Waxaa uu ifka kaga tagay 15 Caruur ah kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo Gabdho,

Wasiirka Boostada oo kulamo kala duwan la qaatey Masuulinta dalka Jabuuti

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal.

Kulamadan ayaa waxaa si gooni ah looga wada hadlay arrimaha xiriirka Iskaashiga ee dhinaca hergelinta heshiiska Boostada Jabuuti “La Poste de Djibouti” iyo iskaashiga dhinaca horumarinta Isgaarsiinta, Sidoo kale Xubanaha wafdiga ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarumaha Shirkada Djibouti Telecom iyo shaldhiga xargaha fiber optic-ga dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada  iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti  Mudane Mudane Cabdi Youssouf Sougueh ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay wada yeeshaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti xiriir dhow ee dhinaca iskaashiga isgaarsiinta iyo Boostada.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashur Xasan ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga isaga oo sheegay in ay wax badan ka faa’iideysan doonaan khibradda dowladda Jabuuti

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay arrinta Mukhtaar Roobow

0

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu amaanay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka geysatay in uu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso qorshaha Soomaaliya hoggaaminayso oo lagu bahdilayo saameynta Al-shabaab isla markaana lagu sameynayo isfaham iyo isku soo dhowaansho, taas oo ay kamid tahay isu soo dhiibidda xubnaha sar sare ee Al-shabaab, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadista dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

Mareykanku waxaa uu dowladda Soomaaliya ku boorinayaa in ay sii waddo dadaalada jidka u xaareya in xubnaha Al-shabaab ay diidaan falalka guracan ee argagaxisada kuna soo biiraan nabad dhisidda iyo barwaaqeynta guud ahaan Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka oo fasaxay shirarka guud ee Golaha inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidda iyo Xajka.

0

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane C/welli Sheekh Ibraahim Muuddey oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay hakad la geliyay kulamadii guud ee Golahaasi.

Mudane C/welli Ibraahim Sheekh Muuddey ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha SHacabka uu kulamadoodi guud ay hakad galayaan inta la soo gudanayo waajibaadka Xajka iyo munaasabadda ciidda.

Wuxuu xusay in dib la isugu soo laaban doono wixii ka dambeeya 6-da bisha soo socota ee September.

Hadalka guddoonka Golaha Shacabka ayaa imaanaya xili loo diyaar garoobayo gudashada Waajibaadka Xajka iyo munaasabadda Maalinta ciidda.

Waa Kuma Mukhtaar Roobow.?

0

Mukhtaar Roobow Cali oo ku magac dheer Abuu Mansuur, waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Alshabaab ee aadka loo yaqaan.

Markii ugu horreysay ee dadku aad u barteen waxa ay ahayd markii ay maxaakimtii Islaamiga ahaa qabsadeen Muqdisho iyo inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Abuu Mansuur waxa uu xilligaas noqday ku xigeenka xog-hayaha difaaca ee Midowgii Maxaakimta.  Waxa uu ka mid ahaa wafdigii maxaakimta ee tagay Khartoum si ay uga qeyb qaataan wada hadalladii dhex maray dowladdii madaxweyne cabdullaah Yuusuf iyo Midowgii Maxaakimta.

Markii maxaakimtii laga saaray Muqdisho Roobow waxa uu tagay Asmara, Eritirea. Ismaan dhaaf kala dhexeeyay hoggaankii maxaakimta ayaa ku riixay in uu ku biiro Alshabaab oo magacooda si rasmi ah u shaaciyay bartamihii 2007.

Roobow waxa uu noqday Afhayeenka Alshabaab xilkaas oo uu hayay ilaa  bartamihii 2009-kii. Markii laga wareejiyay Afhayeennimada Alshabaab, Abuu Mansuur waxaa la sheegaa in uu noqday ku xigeenkii Axmed Godane, jagadaas oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Bishii June 2012 dowladda Mareykanka ayaa madaxa Mukhtaar  Roobow dul dhigtay 5 Milyan oo Doollar.

2013-kii markaas oo uu aad dibadda ugu soo baxay khilaafka u dhexeeya hoggaanka Alshabaab, Mukhtaar Roobow waxa uu ku jiray horjoogeyaal sar sare oo kooxda ka tirsan si xooggan  uga hor yimid qaabkii uu kooxda u hoggaaminayay Axmed Godane.

Khilaafkaasi waxa uu sababay in Godane uu ka takhaluso qaar ka mid ah raggii ugu sarreeyay kooxda sida Ibraahim Afgaan, Cabdixamiid Colhaye, Abuu Mansuur Alamriiki oo isagu Amerikaan ahaa iyo saraakiil kale Soomaali iyo Ajnabi isugu jiray.

Mukhtaar Roobow waxa uu xilligaas goostay in uu keynta galo, isagoo wata dagaalyahanno isaga u daacad ah, halkaas oo uu difaac uga jiray muddo dhowr sano ah.

Bishii June ee sanadkan ayay dowladda Mareykanku  Mukhtaar Roobow ka saartay liiska dadka lacagta la dul dhigay.

Maalmo ka hor ayay Ashabaab weerareen saldhiggii Roobow ku lahaa gobolka Bakool.

Horraantii toddobaadkan ayaa  Mukhtaar Roobow la keenay Muqdisho,isagoo laga soo duuliyay Xudur, Bakool.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka August,2017, ayuu Roobow Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay inuu Alshabaab isaga baxay 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, waxa uuna dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay doorkii ay ku lahayd halka ay hadda wax marayaan.

W/Q Liibaan Cabdi Cali

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robow

0

Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.

Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

DHAMAAD

Madaxweynaha Jubbaland oo soo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Barlamaanka Jubbaland

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray Kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Qudbad dheer oo Madaxweynahu uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga hadlay arimo kala duwan isagoo si gaar ah ugu dheeraday wadashaqaynta Hay’adaha Dowlada iyo iska warqabkooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawl walba oo u baahan in la qabto ayna ka maarmaynin si wada jir ah in loo wajaho isla markana la is garabsado marka laga hadlayo Hay’adaha Dowlada dhexdooda.

Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in Xukuumada cabashooyinka ugu badan ay uga imanayaan si taas loo yareeyana sida ugu dhaw loo dhisi doono gudiga adeega garsoorka oo dib u habayn balaadhan lagu samayn doono hananka garsoorka Jubbaland.

Dhamaan dhulka ay Dowladu leedahaya ayuu Madaxweynahu ku cel celiyay in aanay cidna dhisan Karin oo laga dumaninayo cidii ku fara adaygta.

Hananka qaybsiga khayraadka ayuu Madaxweynahu xusay in ay u baahan tahay heshiis wada jir ah oo laga gaaro si aanay hadhow muran uga iman wax la isla ogyahayna la meel mariyo.

“Dowlada Federaalka ah waxay xuquuq u leedahay iyo waxa ay Dowladaha xubnaha ka ah leeyahiin waa in ay cadaata oo hadhow aan la isugu iman muran iyo dood” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu ku dheeraday sida Madaxda Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay in ay talooyinka ka qaatan dadka wax galka ah ee doonaya in wadanku uu hagaago.

“Bulshadii waxay u kala qaybsantay labo nooc kuwo khalad iyo saxba amaan ku huwinaya iyo kuwo dhaliil iyo moral xumo la wareegaya labadaas noocba waxaan u baahanahay in aan ka fogaano oo meel dhexe aan wax ku cabiroa”ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Isagoo sii hadlaya Madaxweynahu wuxuu sheegay in isku soo dhawaynta iyo ka shaqaynta waxa wanaagsan ay Soomaaliya dan u tahay qaar badan oo Bulshada kamid ahna ayna ku baraarugsanayn.

Baraha Bulshada ayuu xusay in qaar badan oo Bulshadeena kamid ah ay si khalad ah u adeegsadaan iyagoo ku duminaya Dowladnimada meel walbana dhaliil ka raadinaya.

Gaba gabadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah 15, August 2017 si rasmi ah usoo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Jubbaland.

 

Fartaag oo ku guuleystay kamid noqoshada Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal

0

Xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay doorashada xubintii banaaneyd ee Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib markii uu xubintaas iska casilay Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Ilaa afar musharax oo kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Shukri Aadan, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, ayaa u tartamay kursigan, waxaana wareegga koowaad ku haray, mudanaayasha kala ah Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, halka ay wareega labaad u soo gudbeen Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Shukri Aadan Maxamed.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursiga, kaasi oo helay codad dhan 24, halka Shukri Aadan ay heshay 22 cod.

Mukhtaar Roobow Cali oo caddeeyay in uu ka baxay kooxda Al-shabaab (Daawo Muuqaal)

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iminka magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuur Mansuur oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali ayaa caddeeyay in uu ka baxay kooxdaasi, isagoo dowladda uga mahadceliyay dadaalka sababay in uu isku soo dhiibo, ayna u socdaan wada hadalo oo uu rajo weyn ka qabo in ay guul ku dhammaadaan.

“Waxaan cadeynayaa inaan ka baxay kooxda AL-shabaab ee aan xubinta ka ahaa muddo 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, sababta aan uga baxayna ay tahay dhibaatada ay bulshada ku hayaan iyo dhanka caqiidada, markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in i dilaan, balse Alxamdulillaah waan ka guuleystay” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.

Rooboow ayaa sheegay in muddo uu ku noolaa meel isaga iyo ciidamado taabacsan ay ku sugnaayeen, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in uu iska difaacay kaddib markii uu gacan ka helay ciidamada dowladda, sida uu xaqiijiyey.

Rooboow  ayaa Axaddii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo wareejiyay gacanta dowladda, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono Nabadda iyo horumarka dadkiisa iyo dallkiisa.