Home Blog Page 1494

Weeraro ka dhacay Nigeria oo dad lagu dilay

0

Muqdisho (SONNA) Wararka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam.

Ururka Boka xaram ayaa lagu eedeeyay inay caruur yar yar u adeegsato qaraxyada iyo weerarada,iyadoo Qaramada Midoobe ay cambaareysay marin habaabinta iyo weerarada ay u adeegsato Boka Haram caruurta.

Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta Jowhar ka dhaceysa

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar inay ka dhacdo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay Amaanka, Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.

16-kii Bishii Septemper ee sanadkan ayuu ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdi Waare doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cisman.

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka.

Kulan baroordiiqa,dhaqaalena loogu aruurinayo dadkii cadawgu ku xasuuqay Muqdisho oo lagu qabtay dalka Kuwait. SAWIRRO.

0

Kuwit(SONNA)-Jaaliyadda somaliyeed ee kuwait ayaa kulan baroor diiq iyo tacsi ah u sameeysay dhamaan shacabkii soomaaliyeed ee 14kii octoobar ku lagu xasuuqay caasimadda muqdisho qarixii zoobe.

Kulankan baroor diiqda ah waxaa kasoo qayb galay safiirka soomaaliya u fadhiya dalka kuwait Amb. Cabdulqadir Amiin Sheekh,Lataliyaha Safaaradda Mudane Abiib Iyo diblomaasiyiin kale.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa safiirka dawladda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Mu’min iyo Qusulka Safaaradda jabuuti Mudane Faarax

Waxaa sidoo kale oo kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda iyadoo halkaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii maatida ahaa ee kugeeriyooday falkaas arxan daradda ahaa ee kadhacay isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho,looguna duceeyay inuu ilaahay janadii firdowso kawaraabiyo inta dhaawaca ahna alle bogsiiyo.

Ugu dmabayn waxaa madasha lagu furay sanduuq tabaruc loogu aruurinayay dadkii kuwaxyeeloobay qaraxa .

SONNA Ahmed Ali Kahiye Kuwait

Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)-Booqashada wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ay maanta ku tagtay isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Muqdisho, oo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, isbitaalkaas oo ay gacanta ku hayaan dowladda Imaaraadka, waxaana ku wehliyay booqashada danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Maxamed Al-Cuthmaani, mas’uuliyiinta ayaa kormeerey qeybaha isbitaalka waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee isbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in markii qiimeyn lagu sameeyay dhaawacyada sida ay u kala daran yihiin xaaladooda loo soo wareejiyay isbitaalka Sheekh Zaaid isla markaana maalmaha soo aadan qeybta ugu horeysay loo qaadi doono dalka Imaaraadka si loo siiyo daweyn dheeraad ah.

“Ayagoo kaashanaya dhakhaatiirta caafimaadka wasaaradda xaaladooda markii ay qiimeeyeen u soo wareejiyaan isbitaalka, waxaana la rajaynaa in labada beri ee soo socota dadkaas la qaadi doono,” ayay tiri wasiirka.

Dr. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka dalka ayaa sidoo kale sheegtay danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya kala hadashay sidii looga caawin lahaa in dadka xaaladooda caafimaad gudaha dalka wax looga qaban waayo loo qaadi dibada gaar ahaan carruurta qaba xanuunada wadnaha.

“Ilmaha cudurada wadnaha qaba ee inta lagu daweyn karin in ay kala fiiriyaan oo ay noo saamaxaan in dibadda loo qaado, sidaa kalena waxa ay nagala shaqeyn doonaan mashaariic lagu horumarinaayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka,” ayay sheegtay Fowziya.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa balan qaaday in 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska-14-Oct- Ex-Zoobe u qaadi doonaan dalka dibadiisa si daweyn iyo baxnaanin loo soo siiyo bukaanada.

hey’adaha Zamzam Foundation IHH oo deeq dawo ah ku wareejisay guddiga gurmadka deg-degga (sawirro)

0

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo guddiga gurmadka deg-degga ayaa deeq dawo ah oo loogu talogalay isbitaallada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii ex SOOBE kala wareegay hey’adaha Zamzam iyo hey’ad laga leeyahay dalka Turkiga.

Deeqdaan daawada ah oo gaareysa ilaa 150 Kartoon oo Dawo noocyo kala duwan leh munaasabadda lagu wareejinayey waxaa goob-joogeyaal ka ahaa wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha guddiga gurmadka deg-degga ah oo ay dhinac joogeen masuuliyiinta hey’adaha Dawooyinkan keenay.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Marwo Forsiyo Abiikar Nuur, ayaa si weyn ugu mahadcelisay hey’aaha Zamzam iyo hey’adda IHH oo laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaas oo xil gaar ah iska saaray sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen gurmadka dadka shacabka ay ee lagu gummaaday xasuuqii Ex SOOBE.

Agaasimaha Guud ee hey’adda Zamzam Foundation Shuceyb Cabdul-ladiif Bashiir ayaa sheegay in dawooyinka ay iska kaashadeen hey’addan Turkiga ka socota, u jeedaduna ay tahay sidii loo daryeeli lahaa dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaallada.

Dhinaca kale Mr. Khaliil oo ka mid ah saraakiisha hey’adda IHH ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ay sii laba-laabi doonaan wixii gurmad ah, qorshuhuna uu ugu jiro sidii ay dawooyin kale dalka u soo gaarsiin lahaayeen iyagoo kaashanaya hey’adda SAMSAM Foundation .

Ugu dambeyn Maxamed Cabdullaahi Shirwac guddoomiyaha guddiga gurmadka deg-degga ayaa ka mahadceliyey deeqda ay hey’aaha SAMSAM iyo IHH soo gaarsiyeen guddiga iyo wasaaradda, isla markaana uu rajeynayo in ay kordhiyaan garab istaagooda inta ay socdaan howlaha gurmadka.

Hey’adda Zamzam  ayaa daba-yaaqadii toddobaadkii hore deeq lacaggeed ku wareejisay guddiga gurmadka deg-degga, ballanna qaaday in ay xoojin doonta kaalinteeda gurmad ee la xiriirta xasuuqii Muqdisho ka dhacay 14-kii Bishaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda

0

Muqdisho, 22 Oktoobar, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral C/wali Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.

Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.

“Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA https://www.youtube.com/watch?v=ocf639L7wKs

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral C/wali Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.

Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.

“Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Masar

0

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo  ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo katirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.