Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)-Booqashada wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ay maanta ku tagtay isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Muqdisho, oo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, isbitaalkaas oo ay gacanta ku hayaan dowladda Imaaraadka, waxaana ku wehliyay booqashada danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Maxamed Al-Cuthmaani, mas’uuliyiinta ayaa kormeerey qeybaha isbitaalka waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee isbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in markii qiimeyn lagu sameeyay dhaawacyada sida ay u kala daran yihiin xaaladooda loo soo wareejiyay isbitaalka Sheekh Zaaid isla markaana maalmaha soo aadan qeybta ugu horeysay loo qaadi doono dalka Imaaraadka si loo siiyo daweyn dheeraad ah.

“Ayagoo kaashanaya dhakhaatiirta caafimaadka wasaaradda xaaladooda markii ay qiimeeyeen u soo wareejiyaan isbitaalka, waxaana la rajaynaa in labada beri ee soo socota dadkaas la qaadi doono,” ayay tiri wasiirka.

Dr. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka dalka ayaa sidoo kale sheegtay danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya kala hadashay sidii looga caawin lahaa in dadka xaaladooda caafimaad gudaha dalka wax looga qaban waayo loo qaadi dibada gaar ahaan carruurta qaba xanuunada wadnaha.

“Ilmaha cudurada wadnaha qaba ee inta lagu daweyn karin in ay kala fiiriyaan oo ay noo saamaxaan in dibadda loo qaado, sidaa kalena waxa ay nagala shaqeyn doonaan mashaariic lagu horumarinaayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka,” ayay sheegtay Fowziya.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa balan qaaday in 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska-14-Oct- Ex-Zoobe u qaadi doonaan dalka dibadiisa si daweyn iyo baxnaanin loo soo siiyo bukaanada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku biiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...