Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)-Booqashada wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ay maanta ku tagtay isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Muqdisho, oo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, isbitaalkaas oo ay gacanta ku hayaan dowladda Imaaraadka, waxaana ku wehliyay booqashada danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Maxamed Al-Cuthmaani, mas’uuliyiinta ayaa kormeerey qeybaha isbitaalka waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee isbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in markii qiimeyn lagu sameeyay dhaawacyada sida ay u kala daran yihiin xaaladooda loo soo wareejiyay isbitaalka Sheekh Zaaid isla markaana maalmaha soo aadan qeybta ugu horeysay loo qaadi doono dalka Imaaraadka si loo siiyo daweyn dheeraad ah.

“Ayagoo kaashanaya dhakhaatiirta caafimaadka wasaaradda xaaladooda markii ay qiimeeyeen u soo wareejiyaan isbitaalka, waxaana la rajaynaa in labada beri ee soo socota dadkaas la qaadi doono,” ayay tiri wasiirka.

Dr. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka dalka ayaa sidoo kale sheegtay danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya kala hadashay sidii looga caawin lahaa in dadka xaaladooda caafimaad gudaha dalka wax looga qaban waayo loo qaadi dibada gaar ahaan carruurta qaba xanuunada wadnaha.

“Ilmaha cudurada wadnaha qaba ee inta lagu daweyn karin in ay kala fiiriyaan oo ay noo saamaxaan in dibadda loo qaado, sidaa kalena waxa ay nagala shaqeyn doonaan mashaariic lagu horumarinaayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka,” ayay sheegtay Fowziya.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa balan qaaday in 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska-14-Oct- Ex-Zoobe u qaadi doonaan dalka dibadiisa si daweyn iyo baxnaanin loo soo siiyo bukaanada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...