Home Blog Page 1493

Michael Keating oo Amaanay Midnimada Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa si weyn ugu amaanay Shacabka Soomaaliyeed, Madaxda dalka iyo Beesha Caalamka Gurmadka ay u sameeyeeyn dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Michael Keating ayaa ku baaqay in Midnimadaas loo adeegsado Hormarinta dalka iyo Nolosha dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hormar badan sameyneyso, wuxuuna isbarbar dhigay sanad ka hor sida ay aheyd Soomaaliya iyo hada isagoo sheegay Hormar iyo dhismo badan uu ka socdo Muqdisho, Jowhar iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

Danjiraha ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay labo jibaareyso Taageerada ay siiso Soomaaliya balse wuxuu xusay in Hormarka Soomaaliya looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed markaas ka dibna ay taageero dhinac kasta ah la garab istaagi doonaan Beesha Caalamka, wuxuuna ku baaqay in Khilaafka lagu dhameeyo wada hadal.

Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa masuuliyiintii khudbadaha ka jeediyay waxay ku baaqeen in laga shaqeeyo Midnimada iyo si wadajir ah loola dagaalamo Aragagaxisada Al shabaab oo cadow ku ah hormarka dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,isgaoo u kuur galiyay howlaha shaqo ee halkaas ka socdo.

Mudane Cabdiraxmaan  Ducaale  Beyle ayaa  u jeedka socdaalkiisu ahaa si loo xaqiiyo in shaqada Canshuuraha Garoonka  ay u socoto habkii lagu balamay.

Wasiir Beyle ayaa mid mid u dul istaagay Goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keeno oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya,si loo hubiyo Agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa  ladhoofinayo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa,iyadoo bilihii u danbeysay ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.

R/wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle”Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadii lagu Caleemasaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi, isagoo u rajeeyay Hormar balaaran iyo inay ka shaqeeyaan Amniga iyo hormarinta dalka, isagoo sheegay inuu Salaan kaga wado Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka, iyo in laga shaqeeyo Sugida amniga iyo Hormarka dalka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha in laga shaqeeyo Midnimada lagana tago Khilaaf iyo wax kasta oo dib u dhigi kara hormarka ay ku socoto Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadafka uu yahay in la daboolo baahida shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay u baahan yihiin Amni, Dhaqaale iyo in shaqo loo abuuro Dhalinyarada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay khilaaf la isla dhex marayay inuu u dhaxeeyo Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay in meel kasta oo maamul uu ka jiro uu imaanayo Khilaaf laakiin wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay yihiin Garbaha Dowlada Federaalka isla markaana ay si wadajir kaga shaqeynayaan Hormarka Dalka, lagana wada hadli doono waxkasta oo lakala tabanayo.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali ayaa ka hadlay Gogosha uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada isagoo sheegay in Madashaasi looga hadli doono Tabashooyin ay kala qabaan Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo in Madaxda Qaranka ay ka tashadaan sidii dalka looga xureyn lahaa Cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dhinaca kale Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Khudbado ka jeediyay Madasha ayaa dhamaantood ku baaqay in laga shaqeeyo wadajirka umadda Soomaaliyeeed oo ah wadada kaliya ee guul lagu gaari karo.

Madaxweynha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis-ababa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Saacadaha soo socda  waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in uu gaaridoono dalka Jabuuti si madaxda dalkaas ay isaga waraystaan amniga Gobolka, isaga oo hordhigidoona muhiimadda ay leedahay in la dar dargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

0

Muqdisho (SONNA) Magaalada Jowhar waxaa hada ka socota Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo khudbado ay jeedinayaan Masuuliyiinta lagu casuumay Munaasabada.

Hoolka ay xaflada ka socota waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Guddoonka Aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Munaasabada, iyadoo sidoo kale Wasiirada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Marti sharafta kale ay khudbado ka jeedin doonaan.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.

Xaflada oo hada socota waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Jowhar

0

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulkaasi.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo halkaasi la filayo inuu ka jeediyo Khudbad.

Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka sida Madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo sidoo kale marti kale oo lagu casuumay Munaasabada.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.

Xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.

Kulan loogu ducaynayay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Soobe oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo loogu ducaynayaya alla ha u naxriistee dadkii ku dhintay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay xubno ka kala tirsan Golayaasha baarlamaank aiyo Xukuumadda Soomaaliya,qaar kamid ah shaqaalaha Dowladda iyo aqonyahano.

Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali dheere oo ah agaasimaha waaxda arrimaha diinta ee wasaaradda diinta iyo arrimaha Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay wax diinta islaamku ay ka qabtay in la daadiyo dhiiga muslimiinta wuxuuna sheegay in dadkii falkaasi ka dambeeyey uu illaahay kula xisaabtamidoono dadka dhintayna ay shuhaddo yihiin.

Xasan Abshirow Maxamed  oo ah guddoomiyaha guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqey Dowladda Soomaaliya in ay daryeel siiso agoontii ay ka tageen dadkii qaraxaasi ku dhintay.

Jamaal Xasan Cusmaan Wasiir kuxigeenka Howlaha guud,wasiirka kuxigeenka ganacsiga iyo warshadaha Axmed Diiriye Khaliif  iyo Wasiirka wasaraadda ganacsiga oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantooda eebe uga baryaya in janadii fardowsa uu ka waraabiyo uguna baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii cadowga lka isga dhicin lahaa.

Shinzo Abe” Si Ganbasho la’aan ah ayaan wax uga qaban doonaa Kuuriyada Waqooyi”

0

Muqdisho(SONNA) Shinzo Abe,Ra’iisul wasaaraha dalka Japan oo la hadlay Warbaahinta caalamiga ah ayaa ballanqaaday in uu si aan gabasho lahayn wax uga qaban doono Kuuriyada Waqooyi ka dib markii natiijada hordhaca ah ay muujisay in uu si wanaagsan ugu guulaysatay doorashadii Axaddii dhacday.

Ra’iisal wasaare Abe ayaa cadeeyay in u jeedada ugu muhiim ee sanadkaan u soo hormariyay doorashada ay tahay in uu kordhiyo muddo xileedkiisa iyadoo bartanka lagaga jiro tiro dhibaatooyin ah oo dalka soo foodsaaray.

Wuxuu sheegay in haatan ay dareemayaan halis kaga soo fool leh Kuuriyada Waqooyi,islamarkaana uu doonayo in arintaasi si qibradeysan uu wax kaga qabto.

Natiijooyinka aan rasmiga ahayn waxay muujinayaan in Abe ay u suuragashay in uu helo aqlabiyad ah saddex meelood laba meel

Arrintan ayaa ahmiyad u leh doonitaankiisa ku aadan in uu isbadal ku sameey dastuurka dalkaas ee la qoray 1947, kaas oo ay qoritaankiisa galaangal ku lahaayeen Maraykanka oo qabsaday, qodobka 9-aad ee dasturka Japan na wuxuu ka soo horjeedaa in dalku uu dagaal galo.

Ra’iisal wasaaraha dalka Jaban Shinzo Abe,ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca dalka Jaban ay ku wadaan qorshe lagu hormarinayo si ay dalka iyo dadka Jaban u difaacaan,dhanka kalena wuxuu sheegay inuu taageero uga raadinayo shacabka.

Wariye ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Jaban,ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Abe uu balan qaaday inuu wanaajinayo xiriirka Dowladaha kala kala dhaxeeyo,taasoo uu sheegay in door muhiim ah ka ciyaari doonto diblomaasiyadda Jaban.

W/Q: Daahir Aadan Cali

Weeraro ka dhacay Nigeria oo dad lagu dilay

0

Muqdisho (SONNA) Wararka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam.

Ururka Boka xaram ayaa lagu eedeeyay inay caruur yar yar u adeegsato qaraxyada iyo weerarada,iyadoo Qaramada Midoobe ay cambaareysay marin habaabinta iyo weerarada ay u adeegsato Boka Haram caruurta.

Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta Jowhar ka dhaceysa

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar inay ka dhacdo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay Amaanka, Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.

16-kii Bishii Septemper ee sanadkan ayuu ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdi Waare doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka dhacday magaalada Jowhar.