Home Blog Page 1493

Guddoonka golaha shacabka oo magacaabay guddiga loo xil saaray arinta Qalbi dhagax

0

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay magacyada guddiga loo xil saaray go’aankii xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa arinta C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax).

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaan ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaaraan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.

Waxaa lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda.

Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda koowaadna uu ku qabsoomo 21-ka bishan September.

HALKAN KA AKHRISO LIISKA MAGACYADA.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u Ambabaxay Dalka Mareykanka

0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Masuuliyiin ka tirsan ayaa ka mid ah wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana la filayaa inuu Khudbad dheer uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo Isbedeladii ka dhacay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.

Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si hordhac kaga horeeya magaalada New York wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

XIGASHO:SONNA

Madaxweynaha Sudan oo ka hadlay Saameynta Cunaqabateynta saaran dalkiisa

0

Khartum –(SONNA)- Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay ku taagan tahay dhabbaha nabad ku soo dabaalida geyiga dalkiisa,isla markaana ay qaadayaan talaabo shacabka u horseedaysa nabad iyo baraare.

Madaxweyne Bashiir ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Khartuum kula yeeshay koox ka kooban khubaro iyo warfidiyeen Mareykan ah,wuxuuna u sheegay in dagaalka ka socda Sudan uusan aheyn mid la dhashay xiligii gobonimada dalkiisa, balse uu yahay mid soo jireen ah,wuxuuna intaa raaciyay inay dawladiisu soo dhaweynayso  heshiiskii nabadda oo ay wada gaareen garabyada hubeysan ee dalkaasi.

Wuxuu Madaxweynuhu intaa raaciyay in go’aankii xabad joojinta oo ay hore u gaartay xukuumadiisa uu weli sidiisii u taagan yahay,isagoo dhanka kale soo dhaweeyay kaalmada bani’aadanimo oo ay dowladda Mareykanka u fidinayso dadka uu saameeyay dagaalka,kana barakacay hoygooda.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa dhanka kale cadeeyay in wadciga dabiiciga ah ee dalkiisa haatan ka taagan uu yahay saameynta cunqabateynta saaran, wuxuuna sheegay  in uu ku raja weyn yahay in cunaqabateyntaasi laga qaado,isagoo ballanqaaday inuu u hagaansami doono  fulinta dhamaan qodobadii lagu heshiyay oo ay Dowladda Mareykanka goob joog ka aheyd.

Madaxweynaha Falastiin oo soo dhaweeyay  go’aanka Dhaq-dhaqaaqa Xamaas

0

SONNA,,,New-Yourk (SONNA)- Madaxweynaha Maamulka Falastiin Mahmuud Cabaas abu Mazin ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay  go’aankii Taariikhiga ahaa ee uu Ururka Xamaas ku shaaciyay in uu kala direy maamulkiisa, si ay ula midooobaan garabka kale ee Fatah, loona  qabto doorasho guud,

Madaxweynuhu wuxuu  sidoo kale mahadcelin u jeediyay  Dowladda Masar kaalintii ay ka qaadatay talaabadaasi uu gaaday Ururka Xamaas ee ka arrimiyaha Marinka Gaza ee dhulka Falastiin,wuxuuna cadeeyay inay arrintan dedejinayso dhisidda Xukuumad mideysan  iyo Doorasho guud oo mid madaxtinimo iyo Barlamaanba ay ku mideysan yihiin garabyada Fatax iyo Xamaas.

Wakaaladda Wararka ee falastiin ayaa sheegtay  in Madaxweynaha falastiin Maxmuud Cabaas  oo haatan ku sugan Shirka Golaha loo dhan yahay qaraamada Midoobay ee magaalada  New-yourk marka uu dib ugu laabto dhulka falastiin uu shir isugu yeeri dono hogaamiyeyaasha Falastiin ay ay uga aarrinsadaan meel marinta go’aanka ururka xaq u dirirka ah ee Xamaas uu gaaray.

Mahmuud Cabaas abu Mazin wuxuuna cadeeyay inay talaabadani tahay mid loo qaaday dhanka wanaagsan ,isla markaana abuureysa midnimo ka dhexdhalata Falastiiniyiinta.

Taabadan uu qaaday Ururka Xamaas ayaa ka dambeysay kulamo ay sirdoonka masaaridu gar-wadeen ka ahaayeen oo madaxda labada urur ay dhawaanahanba Qaahira ku yeelanayeen.

Marinka jiidda Gaza  ayaa  waxaa ka aloosan xaalad aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Madaxweynaha Sudan oo ka hadlay Saameynta Cunaqabateynta saaran dalkiisa

0

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay ku taagan tahay dhabbaha nabad ku soo dabaalida geyiga dalkiisa,isla markaana ay qaadayaan talaabo shacabka u horseedaysa nabad iyo baraare.

Madaxweyne Bashiir ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Khartuum kula yeeshay koox ka kooban khubaro iyo warfidiyeen Mareykan ah,wuxuuna u sheegay in dagaalka ka socda Sudan uusan aheyn mid la dhashay xiligii gobonimada dalkiisa, balse uu yahay mid soo jireen ah,wuxuuna intaa raaciyay inay dawladiisu soo dhaweynayso  heshiiskii nabadda oo ay wada gaareen garabyada hubeysan ee dalkaasi.

Wuxuu Madaxweynuhu intaa raaciyay in go’aankii xabad joojinta oo ay hore u gaartay xukuumadiisa uu weli sidiisii u taagan yahay,isagoo dhanka kale soo dhaweeyay kaalmada bani’aadanimo oo ay dowladda Mareykanka u fidinayso dadka uu saameeyay dagaalka,kana barakacay hoygooda.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa dhanka kale cadeeyay in wadciga dabiiciga ah ee dalkiisa haatan ka taagan uu yahay saameynta cunqabateynta saaran, wuxuuna sheegay  in uu ku raja weyn yahay in cunaqabateyntaasi laga qaado,isagoo ballanqaaday inuu u hagaansami doono  fulinta dhamaan qodobadii lagu heshiyay oo ay Dowladda Mareykanka goob joog ka aheyd.

Maamulka Gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle

0

Muqdisho(SONNA) Kadib Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baladwyen ee xarunta Gobolka Hiiraan,guddoomiyha gobolka ayaa  kaga hadlay  xaaladda gobolka, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Hirshabeelle oo ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka HirShabeele.
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladwyene Waxa uu hambalyo udiray Madaxweynaha cusub ee Dowlad goboledka hirshabele  Mudane Maxamed Cabdi Awaare, waxaana uu shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guusha uu gaaray madaxweynaha cusub ee la doortay hirshabeelle,waxaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin,waxaana shacabka reer Hirshabeele aan ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub”,ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howgal ciidanka xooga dalka soomaliyeed ay kubaacsanayaa maleeshiyaad katirsan kooxda Shabaab, isagoo xusay in ciidamadu ay ka hor tageen weerar ay koxdaasi ku soo qaadeen deegaanka Kalabeyr oo qiyasti 25 km dhanka Waqooyi kaga beegan magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xaaladda deegaanku ay tahay mid degan iyo nawaaxigeeda ayna si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo intaasi ku daray in maleeshiyada Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan Gobolka.

Maamulka gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

0

Kadib Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baladwyen ee xarunta Gobolka Hiiraan,guddoomiyha gobolka ayaa  kaga hadlay  xaaladda gobolka, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Hirshabeelle oo ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka HirShabeele.
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladwyene Waxa uu hambalyo udiray Madaxweynaha cusub ee Dowlad goboledka hirshabele  Mudane Maxamed Cabdi Awaare, waxaana uu shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guusha uu gaaray madaxweynaha cusub ee la doortay hirshabeelle,waxaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin,waxaana shacabka reer Hirshabeele aan ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub”,ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howgal ciidanka xooga dalka soomaliyeed ay kubaacsanayaa maleeshiyaad katirsan kooxda Shabaab, isagoo xusay in ciidamadu ay ka hor tageen weerar ay koxdaasi ku soo qaadeen deegaanka Kalabeyr oo qiyasti 25 km dhanka Waqooyi kaga beegan magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xaaladda deegaanku ay tahay mid degan iyo nawaaxigeeda ayna si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo intaasi ku daray in maleeshiyada Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan Gobolka.

Dibad baxyo looga soo hor jeedo xaqsuuqa Muslimiinta Rohinga oo ka dhacay K/Africa

0

Boqolaal kamid ah bulshooyinka Muslimiinta ah ee kunool Dalka Koonfur Africa oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa sameeyey banaan baxyo ballaaraan oo looga soo hor jeedo xasuuqa lagu haayo shacabka muslimiinta ah ee Rohingya ee Dalka Myanmar.

Waxaa kamid ah magaalooyinka dibad baxyadaasi ay ka dheceen Cap Town iyo Pretoria iyo Johanesbeeg, kuwaasi oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn,iyo xarumaha Dowladda,waxayna ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah gumaadka lagu hayo Muslimiintasi Rohingya.

Dadkani oo isugu jiray culimaa’udiin,dhalinyaro iyo qeybaha bulshada ayaa ku baaqey in si deg deg ah loo joojiyo,iyadoo Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mynmar in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

“Waxaan halkani isugu soo baxnay waxay tahay, waxaana ka soo horjeednaa xasuuqa loo geysanayo dadka muslimiinta ah oo walaaleheena ah,dad cadownimo islaam ah lafaha ka gashey ayaa geysanaya,waxaan ugu baaqeynaa Qamarada midoobey iyo Dowladda Myanmar in ay si dhaqsi leh ay wax uga qabtaan gabood falkaasi,arrintaasi ayaan isugu soo baxnay”, sidaasina waxaa ku yiribanaan baxyaashaasi oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dadkani oo ayaa watay boorar ay ku qornaayeen sawirada Muslimiinta Rohinga oo dhibaatooyinka loo geysanayo iyo haweeneyda madaxweynaha ka ah Dalkaasi,waxaana sawirka micno ahaan laga dareemayaa in hogaamiyaha Barma Ansn Suki looga baahan yahay in Dowladeedia y wax ka qabato arrintaasi.

Madaxda Muslimiinta ah ee ku nool Koonfur Africa ayaa warqad qoraal ah oo ay ku codsanayaan joojinta xasuuqa Rohingya u gudbiyay Safaaradda Dalkaasi ee Koonfur Africa

Kumanaan ayaa ka barakacay guriyohooda,iyadoo boqolaal kale si yabooyin kala duwan dil wadareed loogu geystay dalka Barma,kumanaan qoys oo ka gudbay xadka ay wadaagaan labada dal Myanmar iyo Bangladesh ayaa  ku sugan gudaha dalkaasi Bangaladhesh.

Heshiis Taariikhi ah oo dhex maray Ururada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin

0

Muqdisho(SONNA) Ururka  Xamaas, oo fariisin ku leh marinka Ghaza ee dhulka Falastiin ayaa shaaciyay, in uu kala direyo maamulkiisa si uu u qabto doorasho guud taasi kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xamaas iyo Fatax.

Talaabadan ayaa loogu talagalay soo af-jarista khilaafka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee ka dhex oognaa Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Go’aankani ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid dhabaha u xaareya dhismaha xukuumad dib u heshiineed oo loo dhan yahay.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii, kadib markii Xamaas oo markaa cod buuxa lagu doortay ay ka saartay Fatax guud ahaa marinka Ghaza.

Marinka Ghaza ee Falastiin waxaa ka jirta xaalad bani’aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Dowladda Masar ayaa dowr muuqda ku leh heshiiskaasi, kadib markii ay garwadeen ka noqotay wada hadalo in muddoo ah labadaasi dhinac uga socday magaalada Qaahir ee Dalkaasi Masar.

Dibad baxyo looga soo hor jeedo xasuuqa Muslimiinta Rohinga oo ka dhacay K/Afrika

0

Muqdisho(SONNA) Boqolaal kamid ah bulshooyinka Muslimiinta ah ee kunool Dalka Koonfur Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa sameeyey banana baxyo ballaaraan oo looga soo hor jeedo xasuuqa lagu haayo shacabka muslimiinta ah ee Rohingya ee Dalka Myanmar.

Waxaa kamid ah magaalooyinka dibad baxyadaasi ay ka dheceen Cap-Town iyo Pretoria iyo Johanesbeeg, kuwaasi oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn,iyo xarumaha Dowladda,waxayna ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah gumaadka lagu hayo Muslimiintasi Rohingya.

Dadkani oo isugu jiray culimaa’udiin,dhalinyaro iyo qeybaha bulshada ayaa ku baaqey in si deg deg ah loo joojiyo,iyadoo loogu baaqay  Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mynmar in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

“Waxaan halkani isugu soo baxnay waxay tahay, waxaana ka soo horjeednaa xasuuqa loo geysanayo dadka muslimiinta ah oo walaaleheena ah,dad cadownimo islaam ah lafaha ka gashey ayaa geysanaya,waxaan ugu baaqeynaa Qamarada midoobey iyo Dowladda Myanmar in ay si dhaqsi leh ay wax uga qabtaan gabood falkaasi,arrintaasi ayaan isugu soo baxnay”, sidaasina waxaa ku yiri qaar ka mid ah banaan baxyaashaasha

Dadkani oo ayaa watay boorar ay ku qornaayeen sawirada Muslimiinta Rohinga oo dhibaatooyinka loo geysanayo iyo haweeneyda madaxweynaha ka ah Dalkaasi,waxaana sawirka micno ahaan laga dareemayaa in hogaamiyaha Barma Ansn Suki looga baahan yahay in Dowladeedeeda ay wax ka qabato arrintaasi.

Madaxda Muslimiinta ah ee kunool Koonfur Afrika ayaa warqad qoraal ah oo ay ku codsanayaan joojinta xasuuqa Rohinga u gudbiyay Safaaradda Dalkaasi ee Koonfur Africa

Kumanaan ayaa ka barakacay guriyohooda,iyadoo boqolaal kale  siyabooyin kala duwan dil wadareed loogu geystay dalka Barma,kumanaan qoys oo ka gudbay xadka ay wadaagaan labada dal Myanmar iyo Bangladesh ayaa  ku sugan gudaha dalkaasi Bangaladhesh.