Kulan baroordiiqa,dhaqaalena loogu aruurinayo dadkii cadawgu ku xasuuqay Muqdisho oo lagu qabtay dalka Kuwait. SAWIRRO.

Date:

Kuwit(SONNA)-Jaaliyadda somaliyeed ee kuwait ayaa kulan baroor diiq iyo tacsi ah u sameeysay dhamaan shacabkii soomaaliyeed ee 14kii octoobar ku lagu xasuuqay caasimadda muqdisho qarixii zoobe.

Kulankan baroor diiqda ah waxaa kasoo qayb galay safiirka soomaaliya u fadhiya dalka kuwait Amb. Cabdulqadir Amiin Sheekh,Lataliyaha Safaaradda Mudane Abiib Iyo diblomaasiyiin kale.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa safiirka dawladda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Mu’min iyo Qusulka Safaaradda jabuuti Mudane Faarax

Waxaa sidoo kale oo kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda iyadoo halkaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii maatida ahaa ee kugeeriyooday falkaas arxan daradda ahaa ee kadhacay isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho,looguna duceeyay inuu ilaahay janadii firdowso kawaraabiyo inta dhaawaca ahna alle bogsiiyo.

Ugu dmabayn waxaa madasha lagu furay sanduuq tabaruc loogu aruurinayay dadkii kuwaxyeeloobay qaraxa .

SONNA Ahmed Ali Kahiye Kuwait

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...