Kulan baroordiiqa,dhaqaalena loogu aruurinayo dadkii cadawgu ku xasuuqay Muqdisho oo lagu qabtay dalka Kuwait. SAWIRRO.

Date:

Kuwit(SONNA)-Jaaliyadda somaliyeed ee kuwait ayaa kulan baroor diiq iyo tacsi ah u sameeysay dhamaan shacabkii soomaaliyeed ee 14kii octoobar ku lagu xasuuqay caasimadda muqdisho qarixii zoobe.

Kulankan baroor diiqda ah waxaa kasoo qayb galay safiirka soomaaliya u fadhiya dalka kuwait Amb. Cabdulqadir Amiin Sheekh,Lataliyaha Safaaradda Mudane Abiib Iyo diblomaasiyiin kale.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa safiirka dawladda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Mu’min iyo Qusulka Safaaradda jabuuti Mudane Faarax

Waxaa sidoo kale oo kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda iyadoo halkaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii maatida ahaa ee kugeeriyooday falkaas arxan daradda ahaa ee kadhacay isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho,looguna duceeyay inuu ilaahay janadii firdowso kawaraabiyo inta dhaawaca ahna alle bogsiiyo.

Ugu dmabayn waxaa madasha lagu furay sanduuq tabaruc loogu aruurinayay dadkii kuwaxyeeloobay qaraxa .

SONNA Ahmed Ali Kahiye Kuwait

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...