Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga goโ€™an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cisman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...