hey’adaha Zamzam Foundation IHH oo deeq dawo ah ku wareejisay guddiga gurmadka deg-degga (sawirro)

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo guddiga gurmadka deg-degga ayaa deeq dawo ah oo loogu talogalay isbitaallada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii ex SOOBE kala wareegay hey’adaha Zamzam iyo hey’ad laga leeyahay dalka Turkiga.

Deeqdaan daawada ah oo gaareysa ilaa 150 Kartoon oo Dawo noocyo kala duwan leh munaasabadda lagu wareejinayey waxaa goob-joogeyaal ka ahaa wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha guddiga gurmadka deg-degga ah oo ay dhinac joogeen masuuliyiinta hey’adaha Dawooyinkan keenay.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Marwo Forsiyo Abiikar Nuur, ayaa si weyn ugu mahadcelisay hey’aaha Zamzam iyo hey’adda IHH oo laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaas oo xil gaar ah iska saaray sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen gurmadka dadka shacabka ay ee lagu gummaaday xasuuqii Ex SOOBE.

Agaasimaha Guud ee hey’adda Zamzam Foundation Shuceyb Cabdul-ladiif Bashiir ayaa sheegay in dawooyinka ay iska kaashadeen hey’addan Turkiga ka socota, u jeedaduna ay tahay sidii loo daryeeli lahaa dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaallada.

Dhinaca kale Mr. Khaliil oo ka mid ah saraakiisha hey’adda IHH ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ay sii laba-laabi doonaan wixii gurmad ah, qorshuhuna uu ugu jiro sidii ay dawooyin kale dalka u soo gaarsiin lahaayeen iyagoo kaashanaya hey’adda SAMSAM Foundation .

Ugu dambeyn Maxamed Cabdullaahi Shirwac guddoomiyaha guddiga gurmadka deg-degga ayaa ka mahadceliyey deeqda ay hey’aaha SAMSAM iyo IHH soo gaarsiyeen guddiga iyo wasaaradda, isla markaana uu rajeynayo in ay kordhiyaan garab istaagooda inta ay socdaan howlaha gurmadka.

Hey’adda Zamzam  ayaa daba-yaaqadii toddobaadkii hore deeq lacaggeed ku wareejisay guddiga gurmadka deg-degga, ballanna qaaday in ay xoojin doonta kaalinteeda gurmad ee la xiriirta xasuuqii Muqdisho ka dhacay 14-kii Bishaan.

 

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...