Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta Jowhar ka dhaceysa

Date:

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar inay ka dhacdo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay Amaanka, Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.

16-kii Bishii Septemper ee sanadkan ayuu ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdi Waare doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa...

Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo Iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...