Home Blog Page 1489

Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan saaxiibtinimo ku wada cayaari doono Muqdisho

0

Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka codsatay safaarradda Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya.

“Guddiga Olombkada iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka Qaranka Jabuuti inaan ku martigellino cayaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya.” Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti.

Waxa ay intaa ku sii dartay: “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi.”

Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda Wasaarradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxana uu yiri: “Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka Qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa.”

Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeeda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay dalka Jabuuti marka loo eego tartamada kubadda cagta ee is reeb reebka Qaaradda Afrika.

DonaldTrump”Waan baabi’inaynaa Waqooyiga Kuuriya hadii ay khatar nagu noqoto

0

Muqdisho(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadii ugu horeysey ee uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ku sheegey in caalamka ay jaah wareeriyeen wadamo kooban oo qas wadayaal ah, loona baahan yahay in caalamku u midoobo siddii loo jebin lahaa.

Wuxuu Kuuriyada Waqooyi ku dhaliilay dadaalka ay ugu jirto in ay sameysato hubka nukliyeerka, waxaanu sheegey in uu baabi’in doono wadankaas haddii Mareykanku uu khatar ka dareemo.

Mr Donald Trump ayaa sidoo weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku dayday in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump waxa uu ugu baaqay Iiraan in ay dadkeeda ilaashato oo aanay taageerin kooxaha Argagaxisada ah.

Dowladda Iiran ayaa jawaab kulul ka bixisay khudbadii Trump ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamed Javad Zarif waxaa u hadalka Trump ku tilmaamay hadal nacayb ah oo jaahilnimo ka muuqato, oo aan looga baahneyn Qaramada Midoobay xilligan lagu jiro qarniga 21-aad.

Madaxweynaha Iiran Xassan Ruuxaani oo arinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanka uu waayi doono kalsoonida ay dunidu ku qabto hadii u ka laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiran lala gaaray.

Soomaaliya oo codsatay xulka kubadda cagta Jabuuti inay yimaadaan Muqdisho iyo Jabuuti oo aqbashay (DHAGEYSO)

0

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka codsatay safaarrada Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya.

“Guddiga Olympic-da iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka qaranka Jabuuti inaan ku martigellino ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya.” Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti.

Waxa ay intaa ku sii dartay: “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi.”

Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha waxana uu yiri: “Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahoodda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa.”

Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeedda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay Jabuuti.

Halkan hoose ka dhageyso haddalada wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo safiirka Jabuuti Aadan Xasan Aadan.

 

R/wasaaraha Soomaaliya oo Mareykanka kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Ruushka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Dalka Mareykanka, iyagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov, ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee  labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

 

 

 

Madaxweyne Donald Trump”Waxaan hormuud ka noqonayna garab istaaga Soomaaliya”

0

Muqdisho(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka oo khudbadiisi ugu horeysay ka jeediyay maanta shirka Golaha Guud ee Qimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa siweyn uga hadlay dowrka Mareykanak uu ku leeyhaya taageerada qaar kamid ah wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hormuud u noqonayo dhamaan dalalka Caalamka sidii gar gaar dhanka bani’aadanimada ah loo gaarsiin lahaa qaar kamid ah Dalalka Afrika, sida Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Nigeria.

“Howlgalka nabad ilaalinta Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa iyo midowga Africa waxuu dowr muhiim ah ka qaatay sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalalka Afrika ee xasaraduhu ay kajiraan,Dolwadda Mareykanka waxay hoggaan u noqon doontaa sidii Caalamka intiisa kale uu gar gaar bani’aadanimo loola garab istaagi lahaa wadamada Soomaaliya,South Sudaan,Yeman iyo Nigeria,Dowladda Mareykanka waxay kamid tahay 193 wadan oo kamid ah QM 20% boqolkiiba waxaa bixiya Mareykanka miisaaniyadda QM waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha ugu badan aan bixino”, Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Mareykanka ayaa wuxuu kamid yahay wadamada taageera Soomaaliya,sida amniga iyo ladagaalanka Argagixisada Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada.

Dhanka kale Wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ladagaalanka argagixisada wuxuuna ku ammaanay wadamada ka qeyb qaadanaya ka hortaga qataraha kooxaha Argagixisada,wuxuuna intaasi ku daray in ay gacan ka qeysanayaan sidii dadka qoxootiga ah ee wadamadoodi ka soo cararaya dib u dejin loogu sameyn lahaa dalkooda,gaar ahaan wadamo badan oo carbeed,sida Syria.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si kulul u weeraray siyaasadda hogaamiyaasha wadamada Kuuriyada Waqooyi,Iiraan,Venezuela iyo Cubba,wuxuu xusay in Mareykanka uusan u dulqaadan doonin daan daansiga Kuuriyada Waqooyi uuna awoodo in uu burburiyo.

 

Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo xubno kale oo Socdaal shaqo ku maraya Gobolka Bakool

0

Muqdisho (SONNA)  Xildhibaan Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka mid ah guddiga difaaca ee Golaha shacabka, guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida S/guutoLiibaan Cali yerow, guddoomiyaha Maxkamadda  derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidiamada Xoogga Dalka oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

Sidoo kale ujeedka wafdiga ayaa waxa uu aha sidii maxkamada Ciidamada qalabka sida Xafiis ay leedahay looga hir gelin lahaa Gobolkaasi iyo sida ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ula dhaqmi lahaayeen hadii ay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaadka Alshabaab iyo dadka Xiriirka la leh intaba.

Guddoomiyaha derajada koowaad ee maxkamadda Ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa kula dardaarmay Ciidanka in marka ay gacanta ku dhigaan qof  ka tirsan maleeshiyadka nabad diika Al shabaab ay gudbiyaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray New York

0

Muqdisho September 19, 2017-–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb galayo shirka Golaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Ruushka Sergei Lavrov, waxana ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheere ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Mudane Khayre ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Isagoo ka hadli doono horumarka ballaaran ee dhowrkii mudadii la soo dhaafay ay gaartay dawladda Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—-

Qeyb kamid ah qalabka maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta xariga laga jaray

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  xarigga ka jaray isticmaalka qeyb kamid ah qalabkii loogu talagalay maamulka Hawada gaar ahaan qeybta saadaasha Hawada.

Munaasabadda xarrig jarka oo ka dhacday Garoonka diyaaradha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta Wasaradda,guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu qalabkani qeyb ka yahay maamulka Hawada Soomaaliya,isagoo maanta si rasmi ah uu xarigga uga jaray qalabkaasi oo si gaar ah u qaabisan qeybta Saadaasha Hawada.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda duulimaadka Caalamiga ah ee ICAO oo hoostagata Qaramada Midoobey ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ku saabsan in si deg deg ah Muqdisho loogu soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya, muddo kabadan 25 sano kadib tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Guddiga difaaca Golaha shacabaka iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada oo Socdaal ku maraya Gobolka Bakool

0

Xildhibaane Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka mid ah gudiga difaaca ee Golaha shacabka  gudoomiyaha maxkamada sare ee cidamada qalabka sida Generaal Liibaan Cali yerow  iyo sidoo kale gudoomiyaha darajada koowaad ee maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidiamada Xoogga Dalka oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

Sidoo kale ujeedka wafdiga ayaa waxa uu aha sidii maxkamada Ciidamada qalabka sida Xafiis ay leedahay looga hir gelin lahaa Gobolkaasi iyo siday Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ula dhaqmi lahaayeen hadii ay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaadka al shabaab iyo dadka Xiriirka la leh intaba.

Gudoomiyaha darajada koowaad ee maxkamada Ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa kula dardaarmay Ciidanka in marka ay gacanta ku dhigaan qof  ka tirsan maleeshiyadka nabad diika Al shabaab ay gudbiyaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo.

Daawo Muuqaal : Qeyb kamid ah qalabka maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta xariga laga jaray

0

Qeybtii ugu horeysay ee qalabka loogu talagalay Maamulka Hawada Soomaaliya si gaar ahna u quseeya saadaasha hawada oo maanta la Rakibay ayaa waxaa  Xariga kajaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulsta Hawada Dowladda federaalka ah iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibanao katirsan Baaralamanka Soomaaliya Masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Agaaismaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad.

Axmed Xasan Macalin oo ah maareeye ku xigeenka Hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ee Somaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada qalabkan uu u leeyahay hagidda diyaaradaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda federaalka ah Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa sheegay inay rajeynayaan in la dhameytiro qalabka Somaaliya ay ku maamuli  doonto Hawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa inay lasoo wareegto maamulka hawada dhamaadka Bisha October ee sanadkan iyadoo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo Duulsta hawada uu dalka Canada ku saxiixay heshiiskii u dambeeyay ee Somaaliya ay kulasoo wareegeyso Maamulka hawadeeda.

WASIIRKA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA AYAA MAANTA XARIGGA KA JARAY ISTICMAALKA QEYB KAMID AH QALABKII LOOGU TALAGALAY MAAMULKA HAWADA GAAR AHAAN QEYBTA SAADAASHA HAWADA. SOO JEEDIYE: Omar Hassan Ali

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τρίτη, 19 Σεπτεμβρίου 2017