Home Blog Page 1489

Banaanbax looga soo horjeedo Xasuuqii Zoobe oo Cadaado ka dhacay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) 14-kii bishan waa maalin shacabka soomaaliyeed u ah musiibo qaran, muujinta dareenka shacuubta ayaa ah mid ay tacsi ugu dirayan dadki ku geeriyooday .allaahna ugu baryayaan dadki ku dhawacmay.in uu allaah caafiyo.

Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta kadhacay isku soo bax loogu duceeynayay shacabkii ku wax yeeloobay qaraxii arxanlawaayasha ka geysteen isooska Soobe iyadoona haween, arday, dhalinyaro iyo maamulka degmada ay isugu soo bexeen bartamaha magaalada.

Bulshadii banaanbaxa hadalada ka jeediyay ayaa codsaday in cadowga umadda Soomaliyeed ee Al shabaab meel looga soo wada jeesto, iyadoo Dhaliyarada ay sheegeen in ay ka qeyb qaadanayaan Gurmadka loo dirayo dadka dhibaatda gaartay.

Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo Xarunta Gurmadka Qaranka ka furtay Magaaladda Muqdisho.

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay furtay Xarun loogu talo galay in lagu taakuleeyo dadka Dhibaneyaasha ah ee waxyyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

 
Marwo Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo Shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Gurmadka Qarnka, ayaa sheegtay Xaruntan cusub loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Waxyeelada soo gaartay,iyaddoo Codsatay in la caawiyo Dadkaasi dhibaneyaasha.

 
Xaruntan waxaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka dhibaneyaasha ah ee Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe, Waa xarun ay ka howl galayaan howl wadeeno caafimaad, waxaana ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka in ay usoo gurmadaan dadkaasi” ayey tiri Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Xisbiyada siyaasada dalka south africa oo dowlada South africa ugu baaqay in ay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed.

0

Muqdisho (SONNA) Xisbiyada siyaasada dalka Koofur Africa ayaa ku biiray saaxiibada caalamka ee cambaareeyay qaraxii waxuushnimada ahaa ee lagu gumaaday shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishaan kaa oo kooxaha argagaxisada ah ay la beegsadeen shacabka masaakiinta ah.

Xisbiga DA oo ka mid ah saddaxda xisbi ee ugu waa weyn dhanka siyaasada xisbiyada dalka Koofur Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in qaraxa uu ahaa mid kooxaha argagaxisada ay ku doonayaan in ay ku aamusiyaan bulshada Soomaaliyeed balse loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamayo,waxaana ay tacsi u direen ehalada iyo dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Xisbiga Labaad ee EFF ayaa asna war qoraal ah kasoo saaray arintaan waxaa ayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkaan lagu laayay shacabka Soomaaliyeed waxaa “waxaan tacsi u direynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo dowladooda waxaan u rajeyneynaa guul familadeena iyo walaaladeen Soomaaliyeed inagoo aad uga xun falkaan oo garab taagan”

Xisbiga ayaa ugu baaqay in dowlada South Africa ay si deg deg dadka Soomaaliyeed gurmad ugu diraan gaar ahaan shaqaale caafimaad iyo waliba kaalmo daawooyin ah si walba loo garab istaago shacabka Soomaaliyeed.

Ku simaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Lacag ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka “Sawirro”

0

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/rashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta kormeeray Xarunta Guddiga Gurmadka Qaranka, isagoo Guddigaasi ku warreejiyey Lacag gaareysa 2.000$, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaalia Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/rashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa sheegay in aad uga xun yahay Musiibadii Maleeshiyada Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu dadkii dhaawacmay uu Alle uga baryey in si deg deg ah ay u bogsadaan.

” Waan ka xumahay dadkii ku waxyeeloobay Musiibadii ka dhacday Zoobe, waxaana ugu baaqayaa Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka waxyeelada ay soo gaartay” ayuu yiri kusimaha wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

 

 

Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qaranka oo Deeq lacageed ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka sida, ayaa Deeq lacageed oo dhan 2.000$ oo iyaga dhexdooda ay iska soo arruuriyeen ku wareejiyey Guddiga Gurmadka qaranka, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Guddooomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Axmed Jaamac Muuse oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA kula hadlay Gudaha Xarunta Gurmadka Qaranka, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kuwa dhaawacyada culus qaba eebe uga baryey Caafimaad deg deg ah.

” Lacagta maanta aan ku wareejinay Guddiga Gurmadka Qaranka waa lacag innaga dhexdeena aan iska arruurinayey, mushaaradkeena ayaa iska jarnay si ugu gurmano dhibaatada soo gaartay dadkeena, runtii waan la xanuunsaneynaa dadkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Jaamac.

Diyaarado Kenya iyo Qadar ka socoda oo goor dhow qaadaya 35 dhaawacyo ah.+(SAWIRO)

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa weli magaalada Muqdisho ka soconaya howlaha gurmadka ah oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay jiraan diyaarado khaas ah oo loo soo diray dhaawacyadaasi in ay dibadda u qaadaan.

Waxaa goordhow soo caga dhigtay ilaa 3 diyaaradood oo ka socoda wadamada Kenya iyo Qadar,kuwaasi oo keeney gar gaar dawooyin ah oo loogu talagalay dhaawacyadaasi, sidoo kale waxaa ay qaadayaan dhaawacyada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Kenya ayaa sheegtay in 2 diyaaradood oo gar gaar dawo ah oo dhan 31 Tone sida ay soo direen islamarkanaa ay qaadidoonaan dhaawacyo.

Ilaa 35 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe ayaa goor dhow la qaadidoonaan kuwaasi oo la geynayay wadamada Kenya iyo Suudaan.

Dalka Kenya waxaa loo qaadaya 12 kamid ah dhaawacyadaasi halka 23 kalena ay qaadayso Dowladda Qadar kuwaasi oo lagu daweyn doono wadanka Suudaan,iyadoo dhaqaalaha ku baxaya ay dhiibayso Dowladda Qadar.

Wadamada Caalamka ayaa gurmad ballaaran u fidinaya Soomaaliya,iyadoo tan iyo markii qarax uu dhawac ay isu soo tarayeen taageerada Caalamiga ah ee dhinaca gar gaarka,dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay wadamada gar gaarka la soo gaarey Soomaaliya.

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iska kaashaday nadiifinta Burburka uu reebay Qaraxii Zoobe “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Olole nadaafadeed oo Shacabka Muqdisho, Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda ay ka sameeyeen Isgooyska Zoobe oo Sabtidii lasoo dhaafay uu ka dhacay qaraxa aad u xooggan oo galaaftay Nolosha dad ku dhow 300 oo qof.

Dadka Ololaha Nadaafadda sameynayey oo u badnaa Dhalinyaro isxilqaantay ayaa wajiyadooda laga darreemayey qiiro wadaniyadeed, iyagoo si hagar la’aan ah u waday ololaha Nadaafadda, waxayna qaarkood oo aan lahadlay ay ila wadaageen sida ay uga xun yihiin Musiibadii Halkaasi ka dhacday.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Maamulkiisa oo kaashanaya Bulshada Gobolka Banaadir ku nool ay wadaan Nadiifinta  burburka ka dhashay qaraxa, waxaana uu u mahada celiyey Dadka  si iskaa wax u qabso ah u wado Ololaha nadaafadeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhalinyaro boqolaal ah oo isugu yimid goobta masiibada ka dhacday oo olole nadaafadeed & taxadar baaritaan ah kawada” Guddoomiye Taabit ayaa sidaasi yiri.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay isku duuban yihiin, hadii wada shaqeynta nuucaan oo kale ah la joogteeyana si fudud dalka oo dhan looga ciribtiri karo cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dowladaha Turkiga, Jabuuti, Qatar, Kenya iyo Mareykanka ayaa dhamaantood Diyaarado sida Deeq dawo oo lagu dabiibayo dadka waxyeelada soo gaartay waxay keeneen magaalada Muqdisho, iyadoo Dowlada Turkiga ay dhaawacyada ugu daran ku dabiibeyso dalka Turkiga, waana dowladii ugu horeysay ee garab istaaga u muujisa umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxa, wuxuuna sheegay in ay korortay Tirada dhimashada oo hada mareysa 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

 

 

Marwada Madaxweynaha oo Booqatay Qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

0

Marwada kowaad ee Dalaka Saynab Cadbi Macalin ayaa qaar ka mid ah cisbitaalada Muqdisho ku booqatay dhawacyadii ka dhashay Qaraxii 14-ki bishan ka dhacay Caasimadda.

Marwo Zaynab Cabdi mcalin oo wehlisyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Amina Saciid cali ayaa waqti la qaadatay dhaawacyada kujira Cisbitalada madiina iyo erdugan,halkaas oo ay gaarsiisay deeq isugu jirta Timir iyo Biyo.

Marwada oo ay ka muuqatay sida ay uga xanuusatay dhibatada uu sababay Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho ayaa u rajeesay muwaadiniinta dhaawacu soo gaaray in ilaahey u bogsiiyo iyadoo shacabiga ugu baaqday inay midnimo muujiyaan si ay argagaxisada looga guuleyto.

Dhalinyarro fara badan oo ku qulquaya Xarunta Gurmadka Qaran, si caawinaad ay u bixiyaan

0

Qaar kamid ah Dhalinyaradda Soomaaliyeed, ayaa si aad ah usoo buux dhaafinaya Xarunta Gurmadka qaran ee Magaaladda Muqdisho, kuwaasi is mutadawacnimo ah uga qeyb qaadanaya howlaha Gurmadka ee loo fidinayo dhibaneyeeshii ku waxyeeloobay Qaraxii Argagixisada Kooxda Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.

Dhalinyaradan ayaa darreenka Murugada ah la qeybsanayey Ehelada dadkii ku nafwaayey Qaraxaasi, waxaana arkay qaar la ilmeynaya Waalidiin Caruurtoodii ku Waayey Musiibadda, iyaggoo ugu laab qaboojinayey in ay sabraan oo alle ay weydiistaan Badal kheyr qaba.

Qaar kamid ah Dhalinyaradaasi ayaa lacago ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran, si loogu gargaaro dadkii Waxyeelada ay soo gaartay, qaar kood oo aan la hadlayna waxay ii sheegeyn in ay diyaar u yihiin in si hagar la’aan ah dadka iyo dalka ay ugu addeegaan, ayna diyaar u yihiin in Naftooda ay ku waayaan u qidmeynta Qaranka.

“Waa in aan u noolaanaa sida Libaaxa oo kale, maaha in aan fiirsano  Koox yar oo itaal daran oo dadkeena Maalin walba ay xasuuqaan, wixii maanta ka biloowda aan diyaar u noqono in aan Cadowga arxanka darran aan ka xoreyno Dalkeena” Mid kamid ah dhalinyaraddii aan la kulmay ayaa sidaasi igu yiri.

Banaanbax looga soo horjeedo Xasuuqii Zoobe oo Cadaado ka dhacay

0

14-kii bishan waa maalin shacabka soomaaliyeed u ah musiibo qaran, muujinta dareenka shacuubta ayaa ah mid ay tacsi ugu dirayan dadki ku geeriyooday .allaahna ugu baryayaan dadki ku dhawacmay.in uu allaah caafiyo.

Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta kadhacay isku soo bax loogu duceeynayay shacabkii ku wax yeeloobay qaraxii arxanlawaayasha ka geysteen isooska Soobe iyadoona haween, arday, dhalinyaro iyo maamulka degmada ay isugu soo bexeen bartamaha magaalada.

Bulshadii banaanbaxa hadalada ka jeediyay ayaa codsaday in cadowga umadda Soomaliyeed ee Al shabaab meel looga soo wada jeesto, iyadoo Dhaliyarada ay sheegeen in ay ka qeyb qaadanayaan Gurmadka loo dirayo dadka dhibaatda gaartay.