Madaxweyne C/weli Gaas”Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliya”

Date:

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyey Casuumadda uu u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya Madaxda Maamul Goboleedyadda , Mudane Gaas ayaa haddalkaan ka sheegay mar uu soo dhaweynayey Gudoomiyeyaasha Baarlaamka Soomaaliya.Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada si  loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kale sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u mahad celiyay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu xiriir gaar ah la yeelan doono baarlamaanka Dowlad goboleedyada.Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...