Home Blog Page 1490

DHAGEYSO: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan kasoo saartay ninkii u gafay Nabigeena (NNKH)

0

Muqdisho (SONNA)  Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay arrinta ku aadan nin lagu magacaabo C/wali Cali Cilmi, kaasi oo  soo bandhigay sawirka Nin kale oo uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena Maxamed NNKH.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa akhriyey bayaanka Hay’adda ay soo saartay, isagoo sheegay in ninkaas uu ka baxay Diinta islaamka, waxaana uu xusay in meel uu kaga dhacay karaamadii Nabigeena CSW, shariciga in la horkeeno ayuuna Dowladda codsaday.

Halkaan hoose ka Dhageyso Bayaanka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay soo saartay.

Wasaaradda Haweenka oo Kulan wadatashi ah Muqdisho ku qabatay

0

Muqdisho (SONNA) Ka mira dhalinta si loo dhameystiro Diyaarinta Xogta ku aadan Axdiga Heshiiska Caruurta oo ay Soomaaliya Saxiixday sanadkii 2015 ayaa Wasaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay Kulan Wadatashi ah la qaadatay Hay’addaha u adeega Bulshada rayidka si ay uga qeyb qaataan in si wadajir ah loo dardar galiyo dhameystirka Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday Hay’addaha Bulshada Rayidka ee ka qeyb qalayay kulankan wadatashiga ah ayaa si wadajir ah ugu mideysan in muhiim ay tahay dhamestirka heshiiska caruurta si loo helo xaquuqda caruurta soomaaliyeed ay leeyihiin, Maadaama Axdiga Xuquuqda Caruurta ee Qaramadda midoobay u dhigaayo in aan lagu xadgudbin Caruurta, islamarkaane ay helaan Xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu horeyn ayaa waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Caruurta ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Faadumo Maxamed Cali iyadoo sheegtay in Bulshada Rayidka ah ay lafdhabar u yihiin hawlaha ay qabato Wasaaradda Haweenka.

Qaar ka mid ah Xubnaha ka socday Hay’addaha bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay kulankan wadatashiga, iyagoona sheegay inay qaadan doonaan Doorkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkan waday kulamo lagu arinsanaayo sidi loo dardar galin laha dhameystirka diyaarinta xogta heshiiska caruurta ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Haweenka oo Kulan wadatashi ah Muqdisho ku qabatay

0

Ka mira dhalinta si loo dhameystiro Diyaarinta Xogta ku aadan Axdiga Heshiiska Caruurta oo ay Soomaaliya Saxiixday sanadkii 2015 ayaa Wasaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay Kulan Wadatashi ah la qaadatay Hay’addaha u adeega Bulshada rayidka si ay uga qeyb qaataan in si wadajir ah loo dardar galiyo dhameystirka Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday Hay’addaha Bulshada Rayidka ee ka qeyb qalayay kulankan wadatashiga ah ayaa si wadajir ah ugu mideysan in muhiim ay tahay dhamestirka heshiiska caruurta si loo helo xaquuqda caruurta soomaaliyeed ay leeyihiin, Maadaama Axdiga Xuquuqda Caruurta ee Qaramadda midoobay u dhigaayo in aan lagu xadgudbin Caruurta, islamarkaane ay helaan Xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu horeyn ayaa waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Caruurta ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Faadumo Maxamed Cali iyadoo sheegtay in Bulshada Rayidka ah ay lafdhabar u yihiin hawlaha ay qabato Wasaaradda Haweenka.

Qaar ka mid ah Xubnaha ka socday Hay’addaha bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay kulankan wadatashiga, iyagoona sheegay inay qaadan doonaan Doorkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkan waday kulamo lagu arinsanaayo sidi loo dardar galin laha dhameystirka diyaarinta xogta heshiiska caruurta ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo Sheegtay in Ciidamada Xoogga ay Awood u leeyihiin Hanashada Amaanka guud ee Dalka

0

Muqdisho (SONNA) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Colaad Rooble oo socdaal shaqo ku maraya Gobolada Bay, Bokool iyo Gedo, ayaaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka ay a wood u leeyihiin hanatashada Amniga guud ee dalka,ayna kala wareegi karaan AMISOM.

Wasiir C/llaahi Colaad Rooble oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeeda ugu weyn ee socdaalkooda ay aheyd in u kuurgalka xaaladda dhabta ah ee ciidamada Xoogga Dalka ee xarumaha ku kala leh Gobolada Bay, Bokool iyo Gedo, maadaama la doonayo in Ciidamada Soomaaliyeed ay kala wareegaan AMISOM guud ahaan amniga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan deegaanada Sedexdaasi gobol ay ku suganyihiin  Ciidamada Xoogga Dalka oo meelaha qaar aysan la joogin ciidamada AMISOM, iyagoona ku guuleystay sugida amniga iyo inay wada shaqeyn fiican la yeeshaan dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Wafdiga la socday ay ku jireen Saraakiil ka socda Hay’addaha dhaqaalaha ku taageera AMISOM, oo iyagana aad ula dhacay in meel kasta ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka oo si weyn u diyaarsan.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan kasoo saartay ninkii u gafay Nabigeena (NNKH)

0

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay arrinta ku aadan nin lagu magacaabo C/wali Cali Cilmi, kaasi oo  soo bandhigay sawirka Nin kale oo uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena Maxamed NNKH.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa akhriyey bayaanka Hay’adda ay soo saartay, isagoo sheegay in ninkaas uu ka baxay Diinta islaamka, waxaana uu xusay in meel uu kaga dhacay karaamadii Nabigeena CSW, shariciga in la horkeeno ayuuna Dowladda codsaday.

Mashruuc Biyo dhaamin ah oo laga daahfuray Baydhabo

0

Kulanka Dahfurka Mashruuca Biyo dhaaminta ah  ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dawladda Soomaaliya Cusmaan libaax Ibraahim Iyo Midka Konnfur galbeed. Gudomiyaha G/baay. Duqa degmada baydhabo, iyo xubno ka socoday hay adauncef.

Mashruuca biyo dhaaminta ah ayaa waxaa iska kaashandoona Wasaaradaha tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dawlada Fadaraalka iyo tan koonfur galbeed Soomaaliya waxaana taagyeeridoona Hay da UNICEF.

Gudoomiyaha G/Baay Mudane Cali Wardheere C/raxamaan iyo Duqa degmada baydhabo C/laahi Cali watiin ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey masharuuca biyo dhaaminta ah uu muhiim u yahay bulshada ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya.

UNICEF  ayaa ka mid ah haayadaha inta badan taageera bulshada Soomaaliyeed gaarahaan dhinaca bini aadanimada kuwaa soo wax tar u leh bulshada.

Wasiirka Amniga XFS”Waxaa la dhisayaa 32 kun oo Booliska isku dhaf ah oo Amisom kala wareega Amniga

0

Shirkani  oo socon doono muddo sedax maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeedada shirkani wadatashiga aha ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka Dalka iyo in Amisom ay kaal wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom ka la wareegidoona Amniga Dalk.

“Waxaa maanta halkani isugu yeernay saraakiisha booliska Heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran,kuwaasi oo Amisom kala wareegay Amniga Dalka marka ay baxaan 2021,sida ay ku heshiyeen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo ukala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ku booriayay saraakiisha ka qeyb qaadanaysa shirkani in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna balan qaaday in aragti midaysan ay ku lafagurayaan dooda shirka,si loo helo natiijo wanaagsan.

Waxaa shirkani goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada.

Wasiirka Amniga XFS”Waxaa la dhisayaa 32 kun oo Booliska isku dhaf ah oo Amisom kala wareega Amniga

0

Muqdisho(SONNA) Shirkani  oo socon doono muddo sedax maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeedada shirkani wadatashiga aha ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka Dalka iyo in Amisom ay kaal wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom ka la wareegidoona Amniga Dalk.

“Waxaa maanta halkani isugu yeernay saraakiisha booliska Heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran,kuwaasi oo Amisom kala wareegay Amniga Dalka marka ay baxaan 2021,sida ay ku heshiyeen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo ukala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ku booriayay saraakiisha ka qeyb qaadanaysa shirkani in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna balan qaaday in aragti midaysan ay ku lafagurayaan dooda shirka,si loo helo natiijo wanaagsan.

Waxaa shirkani goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada.

Booliska Soomaaliya oo kala wareegay qalab Xafiiseed Booliska AMISOM

0

Muqdisho (SONNA) Qalabkan oo ay ku deeqday Dowlada Denmark loona soo mariyay Ciidamada booliska AMISOM ayaa waxaa Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyay Ms. Christine Alalo oo ah taliye ku xigeenka booliska AMISOM,  iyada uu ka guddoomay Genaral Ahmed Hassan Maalin,Taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan leenahay shaqo na loo idmaday waxaana kamid ah inaan caawino Booliska Soomaaliyeed haday ahaan laheyd dhisida aqoontooda,Tababaro ku saabsan Daba gallada, Taageerista xiliyada Howlgalada, anagoo taas kaduuleyno waxaan samaynay.FPU (Formed Police Unit) kuwaas u shaqeeyo si joogto ah. Waxaan sidoo kale leenahay qorshooyin aan ku caawino oo ay kamid tahay Qalabka iyo dhamaan howlaha lagama maarmaanka u ah iney ku shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed”. ayay tiri Ms.Allala markii ay ku wareejineysay qalabka Booliska.

Qalabkan oo ka koobnaa Komputaro, nalalka cadceeda ku shqeeyo, Printiro iyo qalab kale ayaa loo qaybin doonaa saldhigyada booliska Gobolka Banaadir.

General Maalin ayaa ka mahad celiyay Deeqda lagu wareejiyay Booliska Soomaaliyeed, asagoo sheegay in qalabkan uu ka caawin doono xoojinta Sharciga iyo ku dhaqankiisa, isla markaana loo qeybin doono 4 xarumood oo kamid ah saldhigyada gobolka Banaadir.

AMISOM ayaa ka caawisa booliska Soomaaliyeed Tababarada iyo Agabyada Xafiisyada, iyadoo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn aad u wanaagsan.

Christine Alalo, the Deputy Police Commissioner of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) hands over office equipment donated by AMISOM to the Somali Police Force in Mogadishu, Somalia on September 18, 2017. AMISOM Photo / Mohamed Haji

Shirka Iskaashiga Bulshada Africa iyo Shiinaha oo la soo gaba gabeeyay

0

Muqdisho (SONNA) Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka lagu soo gaba gabeeyay Shir ku saabsan aqoon is weydaarsi oo Labo Todobaad socday, kaasoo ay ka qeyb galayeen Wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto iyo Dowlada Shiinaha, waxaana soo qaban qaabisay Xarunta Tabaradda Caalamiga ah ee Dowlada Shiinaha.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayay sidii wada shaqeyn iyo xiriir fiican uu u dhaxe mari lahaa Bulshooyinka Afrika iyo Shiinaha, iyo sidii Dalalka Afrikaanka ah loola socodsiin lahaa Fursada Shiinaha ka jira oo ay doonayaan inay Dunida kula Macaamilaan, Maadaama Shiinaha ay tahay Wadanka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Cabdulaahi Cabdi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Al Cadaala oo saaka markuu soo dhamaaday Shirka la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay la isku afgartay in la xoojiyo is dhaxgalka Bulshooyinka labada dhinac iyo sida loo wada shaqeyn karo gaar ahaan Wasaaraddaha iyo Haw’adaha dowliga ah ee qaabilsan xaga Warbaahinta, iyagoo fududeynaya sidii dhaqamada iyo wada shaqeynta Bulshooyinka Shiinaha iyo Afrika la iskugu xiri lahaa.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shirkan uu bilow u yahay qorshooyin xoog leh oo Afrika iyo Shiinaha dhex mari doono sanadka soo socda, kuwaasoo lagu fulin doono hanaanka dunida oo dhan ay Dowlada Shiinaha isugu xireyso oo Soomaaliya muhiim ay u tahay.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in Shirka intii uu socday ay soo bandhigeen Fursadaha Soomaaliya ka jira, Dadka Soomaaliyeed dhaqamadooda, waxyaabaha Dabiiciga ee Soomaaliya ilaah ku maneystay iyo Isbedelada ka socda dalka.