Home Blog Page 1490

Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo Xarunta Gurmadka Qaranka ka furtay Magaaladda Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay furtay Xarun loogu talo galay in lagu taakuleeyo dadka Dhibaneyaasha ah ee waxyyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

Marwo Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo Shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Gurmadka Qarnka, ayaa sheegtay Xaruntan cusub loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Waxyeelada soo gaartay,iyaddoo Codsatay in la caawiyo Dadkaasi dhibaneyaasha.

Xaruntan waxaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka dhibaneyaasha ah ee Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe, Waa xarun ay ka howl galayaan howl wadeeno caafimaad, waxaana ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka in ay usoo gurmadaan dadkaasi” ayey tiri Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Xogtii ugu dambeysay Khasaaraha qaraxii Soobe

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono Dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inuu bixiyay lacag dhan 2,000 oo Dollar, uu ugu tala galay inuu kaga qeyb qaato gurmad loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.

Deeq Dawo ah oo ka timid Mareykanka oo soo gaartay Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha Safiirka Mareekanka ee Soomaaliya ahna safiirka ku xigeenka Martin Dale waxa uu warbaahinta u sheegay in Mareekanku ka xun yahay waxa dhacay, islamarkaana uu soo gaarsiiyay Gurmadka degdega ah oo dawooyin ah oo kharash ahaan dhan 100.000 oo Doolar.

“Aad ayaan uga xunahay sabtidii wixii dhacay dad badan oo waxba galabsan ayaa geeriyooday, Mareekanka oo soo marinaya Hey’ada Gargaarka Caalamiga ah ee Mareekanka USIAD waxa uu ugu talagalay Gargaarkan dawooyinka ah ee diyaaradu keentay oo ku kacay 100.000 doolar ( Boqol kun oo dolar) waan sii wadaynaa waan ka xunahay wixi dhacay, Madaxweynaha Soomaaliya  Saakay ayan teleefoonka kula hadlay xaqiiqdii waa arin aad u muruga badan” ayuu yiri Martin Dale.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed waxa uu kaalmadan degdega ah ku tilmaamy mid muujinaysa saaxiibtinimada Mareekanka iyo Garab istaagooda Soomaaliya.

“ waan u Mahad celinaynaa Mareekanka tani waxa ay Muujinaysaa saaxiibnitinada iyo Garab istaaga Dowlada Mareykanka ay garab taagan tahay Soomaaliya waa waqtigii ugu muhiimsana ayna u baahneed Soomaaliya” ayuu Yiri Gudoomiye Taabid Cabdi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Dowladaha Qatar iyo Kenya oo qalab caafimaad iyo dawo soo gaarsiiyay Muqdisho

0

Diyaarad ka timid dowladda Qatar ayaa soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaarada ay soo dirtay dowladda Qatar ayaa sidday shixnado isugu jira dawooyin iyo qalab Caafimaad oo loogu talo in lagula tacaalo boqolaalka qof ee ku dhaawacmay qaraxii Sabtidii  ka dhacay Muqdisho kuwaasoo lagu dweeynayo qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho.

Diyuuradda ka timid dalka Qatar oo ah mid aad u weyn ayaa la filayaa iney horey u sii qaaddo dadka dhaawacyada halista ah qaba si dalkaas loogu soo daweeyo.

Sidoo kale labo dayuuradood oo ay soo dirtay dowladda Kenya ayaa soo gaaray saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kuwaasoo siday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu talo galay dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu xasuuqay boqollaal muwaadiniin abriyo ah oo aan waxba galabsan.

  

Dowladda iyo Shacabka oo iska kaashaday nadiifinta Burburka uu reebay Qaraxii Zoobe

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Olole nadaafadeed oo Shacabka Muqdisho, Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda ay ka sameeyeen Isgooyska Zoobe oo Sabtidii lasoo dhaafay uu ka dhacay qaraxa aad u xooggan oo galaaftay Nolosha dad ku dhow 300 oo qof.

Dadka Ololaha Nadaafadda sameynayey oo u badnaa Dhalinyaro isxilqaantay ayaa wajiyadooda laga darreemayey qiiro wadaniyadeed, iyagoo si hagar la’aan ah u waday ololaha Nadaafadda, waxayna qaarkood oo aan lahadlay ay ila wadaageen sida ay uga xun yihiin Musiibadii Halkaasi ka dhacday.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Maamulkiisa oo kaashanaya Bulshada Gobolka Banaadir ku nool ay wadaan Nadiifinta  burburka ka dhashay qaraxa, waxaana uu u mahada celiyey Dadka  si iskaa wax u qabso ah u wado Ololaha nadaafadeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhalinyaro boqolaal ah oo isugu yimid goobta masiibada ka dhacday oo olole nadaafadeed & taxadar baaritaan ah kawada” Guddoomiye Taabit ayaa sidaasi yiri.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay isku duuban yihiin, hadii wada shaqeynta nuucaan oo kale ah la joogteeyana si fudud dalka oo dhan looga ciribtiri karo cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dowladaha Turkiga, Jabuuti, Qatar, Kenya iyo Mareykanka ayaa dhamaantood Diyaarado sida Deeq dawo oo lagu dabiibayo dadka waxyeelada soo gaartay waxay keeneen magaalada Muqdisho, iyadoo Dowlada Turkiga ay dhaawacyada ugu daran ku dabiibeyso dalka Turkiga, waana dowladii ugu horeysay ee garab istaaga u muujisa umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxa, wuxuuna sheegay in ay korortay Tirada dhimashada oo hada mareysa 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qaranka oo Deeq lacageed ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka

0

Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka sida, ayaa Deeq lacageed oo dhan 2.000$ oo iyaga dhexdooda ay iska soo arruuriyeen ku wareejiyey Guddiga Gurmadka qaranka, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Guddooomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Axmed Jaamac Muuse  ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kuwa dhaawacyada culus qaba eebe uga baryey Caafimaad deg deg ah.

” Lacagta maanta aan ku wareejinay Guddiga Gurmadka Qaranka waa lacag innaga dhexdeena aan iska arruurinayey, mushaaradkeena ayaa iska jarnay si ugu gurmano dhibaatada soo gaartay dadkeena, runtii waan la xanuunsaneynaa dadkaasi” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Jaamac.

Dowlada Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Bayaan ka soo baxay Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo Khasaare naf iyo maal uu ka dhashay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay dad aanan waxba galabsan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ku jireen muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxda dowlada Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmanaya dad dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kaalin lama iloobaan ah ka qaatay Dowladaha aan walaalanahay ee Turkiga iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Diyaarad gurmad ah u soo dirto magaalada Muqdisho, waxaana intaas dheer Dalal badan oo si weyn ula qeybsaday murugada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wadamada Faransiiska iyo Canada iyo Dalal kale oo looga boroordiiqayo dadkii Soomalaiyeed oo qarixii Soobe ku wxayeeloobay

0

Magaalooyin badan oo kamid ah dalalka Caalamka ayaa waxaa ka dhacaya boroordiiq loo sameynayo shacabkii Soomaaliyeed oo ku dhintay Qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Faransiiska oo kamid ah wadamada Codka Vetoga ku leh Golaha Ammmaanka ee QM ayaa amartay in la demiyo nalkii taalada Taariikhiga ah ee Baariiss ee caasimadda Dalkaasi Faransiiska.

Taallada Tour Eiffel ee Paris ayaa la damiyay si loogu murugoodo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe,waxaana la arkayay dadweyne farabadan,kuwaasi oo shucuurtodi muujinayay.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in walaalahood Soomaaliya ay la qeybsanayaan xannuunka iyo Murugada.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxuushnimo ah.

 

Xisbiyada siyaasadda Koonfur Afrika oo taageero u muujiyey Soomaaliya

0

Xisbiyada siyaasadda dalka Koofur Africa ayaa ku biiray saaxiibada caalamka ee cambaareynayey qaraxii waxuushnimada ahaa ee lagu gummaaday shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishaan kaa oo kooxaha argagaxisada ah ay la beegsadeen shacabka masaakiinta ah.

Xisbiga DA oo ka mid ah saddexda xisbi ee ugu waa weyn dhanka siyaasadda  dalka Koofur Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in qaraxa uu ahaa mid kooxaha argagasida ay ku doonayaan in ay ku aamusiyeen bulshada Soomaaliyeed balse loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaallamayo,waxaana ay tacsi u direen ehalada iyo dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Xisbiga Labaad ee EFF ayaa isagana war qoraal ah kasoo saaray arrintaan waxaa ayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkaan lagu laayay shacabka Soomaaliyeed  “waxaan tacsi u direynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxaan u rajeyneynaa familadeena iyo walaaladeen Soomaaliyeed in ay ka gudbaan arrintan annaga si toos ah ayaan u garab taaganahay mar walba”

Xisbiga ayaa ugu baaqay in dowlada South Africa ay si dag dag dadka Soomaaliyeed gurmad ugu diraan gaar ahaan shaqaale cafimaad iyo wali kaalmo daawooyin ah si walba oo loo garab istaagi karno ay shacabka Soomaaliyeed garab taagan yihiin.

Taallada Tour Eiffel ee Paris oo la damiyay si loogu murugoodo Qaraxii Soobe

0

Paris(SONNA)–Duqda Magaalada Paris, Anne Hidalgo ayaa amar ku bixisay in la demiyo taallada Tour Eiffel ee ay Paris caanka ku tahay Axadda si loogu murugoodo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii Sabtida la soo dhaafay ka dhacay Isgooyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Taallada ay caanka ku tahay Magaalada Paris ee Cariga Faransiiska ayaa la damiyay Nalalkii ka shidnaa, taasi oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii ugu xumeed ee ka dhacda guud ahaan Dalka Soomaaliya 14-kii bishan , waxaana ku naf waayay Dad aad badan, islmarkaana waxaa bur-buray hanti aad u fara badan.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in la dami doono Nalalka ka shidan Taalladaasi , si loola qeybsado dadka Magaalada Muqdisho dhibaatadii ku dhacday.

Dowlada Turkiga ayaa iyana Daartay Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Dadka Muqdisho Sabtidii.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay dhacdadaasi mid ah nasiibo Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya muddo 3 cisho ah.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxuushnimo ah.