Mid kamid ah Dhacdooyinkii ugu Xanuunka badnaa ee laga Dhaxlay Qaraxii Soobe

Date:

Ma yara Murugada iyo xanuunka uu reebay qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaa qaraxaasi noloshooda ku waayay dad ku dhaw 400-qof oon qaarkood la helin hilbahooda.

Qaraxan ayaa xanuun badan ku reebay qoysas badan oo Soomaaliyeed, marka laga soo tago xanuunka iyo murugada uu reebay qaraxan ayaa hadana ahaa mid dadkii uu dhibku kasoo gaaray xanuunka uu u kala duwanaa.

Allah u naxariistee Cabdilaahi Maxamuud Siyaad (Yariisow) waxa uu kamid ahaa dadkii faraha badnaa ee ku dhintay qaraxii Soobe, aabahan waxa uu ahaa nin ka xoogsan jiray dalaalnimo gaar ahaan waxa uu dalaal ka ahaa Geella lagu iibiyo Afgooye.

Cabdulaahi Yariisow ayaa dhimashadiisa aheyd mid aad u xanuun badan, waxaa xusid mudan in xitaa aan la helin hilbihiisa iyadoona ugu dambeyn eheladiisa markii ay meel walbo ka waayeen iska quustay una xisaabiyay geeri.

Naxtinta geeridiisa reebtay Marxuunkan ma aheyn mid aad u yar, waxa uuna ifka kaga tagay 30-Caruur ah uu dhalay una badan kuwa aad u yar yar oon qaangaarin iyo Waliba 4-xaas oo labo kamid ah Xaamilo yihiin halka mid kalana ay wali Umul ku jirto.

Waxaana maanta ku booqday 27-kamid ah caruurtii uu ka dhintay C.Laahi Yariisow Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa afar kamid ah xaasiiskii uu ka geeriyooday iyo waliba kuwa ay kala tageen oo iyana caruur kala duwan u hayay.

Caruurta qaarkood aan la hadlay murugu badan ayaa wajiyooda ka muuqatay, qaarkood wayba ku adkeyn in ay hadlaan ilmo ayaana indhahooda ka socotay, waxaana caruurta qaarkood iyaga uu hadalku dhibayay sheegeen in ay dareemayaan xanuun badan kadib geeridii aabahood oo noloshooda gacanta ku hayay.

Ma jirin wax hanti ah uu ka dhintay Allaha u Naxariistee C/Laahi Yariisow, waxa uuna subax kasta u kalihi jiray sidii dabkooda uusan u dami laheyn 30-ka caruurta ah uu dhalay iyo hooyooyinkooda, caruurta ayaana isugu jira kuwa iskuulo dhigta iyo kuwa dugsiga Quraanka dhigta.

Caruurta Aabahan Soomaaliyeed ka dhintay hada qaarkood iskuulkii iyo Dugsigii wey isaga hareen, waayo ma heestaan cid damaanad qaaday oo ka bixineysa lacagta laga rabo, waxa ayna maanta dareemayaan xanuunka agoonimadu leedahay aysan horey u aqoon.

Maxamed Maxmuud Siyaad (Dhagaweyne) oo la dhashay Marxuunka geeriyooday ayaa ii sheegay in ay dareemayaan murugo aad u badan oo ka dhalatay geerida walaalkis, waxa uu sheegay in Walaalkii uu gacanta ku hayay nafaqeynta 30-caruur ah uu dhalay iyo sideed hooyo uu afar kamid ah qabay kuwa kalana kala tageen.

Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed in ay garab siiyaan caruurtan agoonta ah uu ka dhintay Aabihii u xamaali jiray, waxa uuna tilmaamay in walaalkiis culees badan hayay balse maanta qadartii eebe ku timid kuna samrayaan.

Qaraxii Soobe ayaa indhaha ka riday qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxa uuna qaraxan ahaa kii ugu xanuunka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya ee galafta nolosha boqolaal qof oo masakaiin ah, qaraxan ayaana ahaa mid si weyn looga dareemay meelo badan .

 

Hadaba Cidii dooneysa ilmaha agoonta ah u gar gaaraan hakala xariiraan

Maxamed Maxamuud Siyaad (Dhagaweyne)

Tell 252615507901

Ama Nadiifo Daahir Iidow

Tell: 252615980134

W/Q Wariyaha Arimaha Bulshada Gacal Ayman

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...