Maxakamadda sare ee Kenya oo go’aan hor leh ka soo saaraysa doorashada

Date:

Kenya(SONNA) Dalka Kenya waxaa kataagan jahwareer siyaasadeed,iyadoo Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasina lagu wado inay maanta go’aan ka soo saarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay in dalkaasi ay ka qabsoonto  Khamiista beri ah.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Waxaa lafilayaa in Maxkamaddu ay ka jawaabto dalab degdeg ah oo loo soo gudbiyay taasi oo ku aadan muranka ka taagan habsmi u socodka hanaanka doorashooyinka oo ay curyaaminayaa xarig jiitan siyaasadeen.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dalkaasi Kenya ayaa  ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista,taasi oo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin Karin,waxaana dhici kartaa dib u dhac hor leh maadaama maxakamaddu ay sheegayso in ay ka jawaabayso soo jeedino deg deg ah oo soo gaaray.

Hay’adaha Caalamiga ah ee u dood xuqqul insaanka oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayaan in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonto in doorasho hor leh la qabto.

Dhanka kale Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada,waxaana Booliska lagu eedeeyay inay isticmaaleen awoodo dheeraad ah ,Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...